Murtida Sanadka: Lababa Meelbay Ku Fiican Yihiin

MCShariif

By Mujaahid SHARIIFKA

Salaan sare dhamaan Saxaafada xorta ah sanad wanaagsan ayaan idinleehay dhamaanteenba sanadkana ha noqdo mid u horseeda bulshada Awdal,Somaliland iyo Somaliyaba dhamaan mid dhaama sanadihii aan soo dhaafnay inoona horseeda horumar iyo barwaaqo,Murti Somaliyeed ayaa tidhaa  Laba Hadalkay ku fiicantahay,2 aamusnaanta ayey ku fiicanatahay,2 socodka ayey ku fiicanyihiin,labana  fadhiga. 

(1)Laba socodkay ku fiicanyihiinoo; waa Raga iyo Roobka hadii aanu ragu samaynin wax xarakaad ah habayaraatee makeeno wax horumar ah. Hadii  uu meel kaliya uun fadhiisto habeen iyo dharaarba ama hadii aan si kale u dhigno uu ninka raga ahi noqdo mid fadhiid ah kuma guulaysto hadafyadiisa u qorshaysan mustaqbalka dhaw iyo kan dheerba.  Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan raguna waa kii kufa ee hadana kaca sidaa ayuuna kaga midho dhaliyaa isbabadalka nolosha ee ku socda xawliga oo ay ku rumoobaan riyooyinkiisii nolosha ee uu hiigsanayey. ,Roobkuna hadii uu meelkaliya uun ku hooro maanta oo dhan meelihii kale ee jaarkuna ay ooman yihiin oo aanay raxmadu meelkastaba ku di’in oo aanay dhamaan deegaanka oo dhan saamayn  dee meeshaasi way haddaartaa. Sidaasi ayaana loo mataaneeyey Raga iyo Roobka oo ay muhiim ugu yihiin nolosha banii aadamka in ay socsocdaan xarakaatka raga iyo roobkuna waa faaiido weyn. 
 
 
(2). Waxaa kale oo jira Labada hadalka ku fiican; waxa weeye culimada iyo caaqilka. waayo hadii ay aamusaan dhacdo kasta oo soo hormarta ama ka dhexdacda bulshada ay la noolyihiin culimadu ama caaqilku xumaanteedana wadata cid kala baxaysaa ma jirto. Hadii ay aamusaan oo ay afka ka xidhaan badanaa marka ay dhacaan carqalado wata saansaan colaadeed waxaa door muhiim ah ka qaata oo ka taliya waa culimada iyo caaqilka. Waa hadii ay si fiican oo lilaahi ah uga taliyaan waxii lasoo gudboonaada waanay ku guulaystaan marka ay ka hadlaan ee ay rogrogaan ruug cadaayadayada usoo joogay dhacdooyin badani  aakhirkana way ku guulaystaan oo way xaliyaan arimahu wajigay doonaanba hayeeshaane sidaasi ayaan looga dhigay caaqilka iyo culimada mataano oo aanay u kala hadhaynin arimaha bulshada oo hadalka ayey ku fiicanyihiin marka geesaha laysla galo.
 
 
(3) labana aamusnaanta ayey ku fiicantahay; oo waxa weeye doqonka iyo dameerka  hadii uu doqonku ka dhex hadlo meel ay joogaan barbaar in dheer garad ah ama bulsho caqligoodu sareeyo oo ah aqoonyahano ama waxgarad  leh fiiro dheer  waa lagu qoslaa oo waar naga aamus ayaa la yidhaa markaa doqonku aamusnaanta ayuu ku fiicanyahay dameerkuna waa la mid oo laguma farxo dhagihii maqla ci’da damreeka aad ayaanu u souwd xun yahay marka uu ciyo dhaguhuna ma jeclaystaan sida dhagahu u jecelyihiin ci’da shimbiraha oo kale sidaasi ayaana looga dhigay mataano doqonka iyo dameerka aamusnaanta ayaanay ku fiicanyihiin hadiise la maqlo dhawaqooda waa wax aanan la mahadin.
 
 
(4) Sidoo kale labana fadhiga ayey ku fiicanyihiinoo; waa dumarka iyo  dabka,waayo waxa la yidhi hadii ay haweenku ka tagaan deegaanka laga garanaayo ee looga abtirinaayo lana leeyahay waa ina hebel hebel oo waa hebel walaashii ayna  galaan socdaal dheer ha ahaado mid ah tuulo ilaa tuulo kale ama wadan ilaa wadan kale ama ha ahaado qaarad ilaa qaarad kolay waxay u halisyihiin damaca saaqidiinta iyo sakhraamiinta oo halis galiya naftooda waxaanay u nugulyihiin dhibaatooyinka, dabkuna dee waan wada garanynaa oo dhibaatada uu leeyahay hadii uu dhaafo kitchenka ama madbakha  halis ayuuna galin karaa hadii uu faafo waanad wada aragteen marka ay gubanayaa kaymaha iyo meelaha uu dabweyn ka dhasho sidaasi ayaan loo mataaneeyey dabka iyo dumarka waxaanay ku wanaagsanyihiin  fadhiga faaiidadoona ay ku jirtaa hadii kalase socodkoogu waa amuur halisteeda leh.
 
 
Sababta aan usoo qaatay xigmadan ama murtidan Somaliyeed waxaa ii muuqda ididiilo i gashay aniga farxadweyna maanta ii ah in ay sameeyaan salaadiinta gobolka Awdal oo dhawaan safar xaqiiqa raadis ah ku tagey magaala madaxda xeebta gobolka Awdal ee Zeiylac. Si ay u xaqiijiyaan warar ay dawlada JSL dafiri jirtay oo ahaa in lagu wareejiey nin aanan u dhalan gobolka Jazirada Sacadiin laga iibiyey. Si ay ugu tamashleeyaan dadka lagu beeraayo ee lagasoo daad guraynayo xeryaha qaxootiga Djibouti. Kuwaasi oo  kasoo barakacay dagaaladii sagaashameeyihii ka dhacay Ethiopia,aad ayaanan ugu farxay shirkii jaraaid ee ay qabteen isla markaana ay cadeeyeyeen wararkii is dhexyaacayey ee madmadowgu ku jiray aanay si fiican warka shaaca uga qaadeen in jaziiradaasi ay ka baxday faraha  Somaliland ama reer Awdal. Oo ay u gacan gashay ajaanib u dhalatay wadamo shisheeyey,wararkii hore ee shakiga laga qabayna aay cadaadeen waxaana rumoobay wararkii qayladhaanta ahaa ee ayka muujiyeen aqoonyahan badan oo ah muwadiniinta reer  Awdala aanay rumowday in lagu wereejiyey nin ah Djaboutian sida loogu wareejiyey Sarkaalka aan u dhalan  Awdal ee  ka tirsan ciidanka Poliska Djabouti looguna magacaabay gudoomiyayhaha gobolka Salal  waanay mahadsanyihiin kun jeer salaadiinta iska rogtay bustaha qoyan ee nacabka kaasi oo saarnaa salaadiinta reer Awdal mudooyin badan.
 
 
Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta lagudboon in aanay aamusin aqoon yahanka culimada ama siyaasiyiintu maadaama ay kasoo baxeen salaadiintii iyo cuqaashii is xilqaamay markii ay u adkaysan kari waayeen dhawaqa kasoo baxaya bulshada rayidka ah ee reer Awdal gudaha iyo dibadaba ee ay ku badbaadinayaan dhulkooda hooyo ama gobolkooda lagu hayo faragalinta qaawan ee hareeraha la iskugu baahaystay. Damaca xun ee aan xishoodka lahayna laguna hayo faro kulul  khayraadka gobolka dhiigoodana la xalaashaday oo la moodaayo mid raqiis ah laakiin raqiis noqon maayo dhiiga reer Awdal ee waa laga qoomamayn doonaa cid kasta oo moodaysa dhiiga reer Awdal mid aan layskaga hadhi doonin weeyaan goolad ayaanan kusugaynaa ninkasta oo dambi ka galay bulshada qaaliga ah ee reer Awdal.
  
Dadka qaar ayaa ku fiican aamusnaanta sida aan kor kusoo sheegnay doqonka iyo dameerka ,,,,  oo isku dayaya in ay niyad jabiyaan kooga ah in dheer garadka marka ay ka qoraan maqaal ka dhan dadka xumaanta u horseedaya ayey iyaguna sidii dacawga ka daba ciyaan oo ay maqaal kale oo lid ku ah ka qoraan. Si ay u wiiqaan hamigiisa sareeya oo ay ku furaan dacaayad raqiisa si aanay u muuqan kuwa la shuraakada ah maafiyada isku bahaysatay sidii loo wiiqi lahaa awooda Samaroon ama dhaqaalaha gobolka awdal. Iyagoo  ku marmarsiiyoonaya reer hebel ayaa loo jeedaa oo Samaroonkaa laysku soofaynayaa waana arin laga dambeeyo ayey ku af gobaadsadaan.  Ma dhulka la boobaayo ayaa ah isku soofayn tol? ma dhiiga reer Awdal ayaa ah hadii laga hadlo isku soofayn Samaroon? ma dhaqaalaha la inaga xidhay ee la inaga xaaraantinimeeyey gargaarkii hay’adaha samafalka ee aan xaqa u lahayn ayaa ah isku dir Samaroon?  Waxa ay iska indha tiraan qadiyadii gobolka ama tii Samaroon markaa aamuska ayey ku fiican yihiine hanaga aamuseen ayaan leenahay dadka qaarkii.  Hadii kalese inigaan idinkaga bilaabaynaa inta aanay gaadhin gacanta xaq udirika Awdal cid kale, ee is jir ayaan kugu dardaarayaa.
 
 
Ninkii aan soo jeedin waa in uu ka daysto hadalada naxliga leh kuwooga dadaalaya, hadiiba aanay diyaar u ahayn in ay ka qaybqaataan halganka lagu badbaadinaayo danaha gobolka ama tan bulshadiisa,,, gabagabo dhamaan waxaan halkan ugu mahadnaqayaa intii ka qaybqaadatay qoraalada iyo wacyigalinta ha joogeen wadanka gudiisa ama dibadiisa intii ka dhiidhiday rag iyo dumarba ama Websiteyada noo suurta galiyey ee noo fududeeyey in aan ugudbino bulshada rayidka ah kolba waxii khatar galinaaya waanad mahadsantihiin dhamaantiinba.
 
 
Nooli Kulantee.
 
Mahammed Abdirahman Sharif

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.