Heesta Sanadka Cusub: Hodaneey Ma Nabadbaa?

Heestan qoraalka ah ee idinku soo maqan, waxa curiyay Abwaan Maxamad-Gacan, waa hees ujeedo fog leh, waana heesta aynu kusoo dhawaynayno una aqoonsannay sanadka cusub.  Heestan waxa magaceeda la yidhaahdaa :

Hodaneey Ma Nabadbaa?

  • sida hogasha roobkiyo
  • haydaaro qurux badan
  • iyo lama huraankii
  • hidaheen ku yaaliyo
  • hircaleenle iyo doog
  • hoobaan bislaatiyo
  • waxa tahay haween qurux
  • tii loo hibeeyee
  • lagu howl yaraystee
  • loo hibaaqay qayrkeed
  • hodaneey ma nabadbaa?
  •  

    • dhaqan hibashadiisiyo
    • hanad aad u qurux badan
    • biyo hodana baa tahee
    • hodaneey ma nabadbaa  

     

    • waan kuu hilooboo
    • markaan hadal idhaahdaba
    • waxuunbaa ii hirdiyayoo
    • hiinraag ku waashoo
    • waan hadaaqayaayee
    • hodaneey ma nabadbaa 

     

    • hiinraaq libaaxoo
    • marka uu habeenkii
    • meel kale ka haayiro
    • hirdadiisa laga dido
    • markuu qalanjadii helo
    • huunkaa ka  guuree
    • wuu hadaadufaayoo
    • hadalkiiba daayoo
    • wax kalaa ku heermoo
    • haybtiisa lama helo  

     

    • aniguna hanaankaa
    • iyo halka aad ku nooshahay
    • ayaan haybiyaayoo
    • hadalkiiba daayee
    • hodaneey ma nabadbaa

     

    • waxan haraga ii lulay
    • ii haybtaada iga jaray
    • harga waali ii tumay
    • ii diiday hadafkii
    • halkii ay ku noolayd
    • hodantii qalbigu rabay  

     

    • waa hubaal da,waynoo
    • dadku haybiyaayoo
    • lugu heeray magacoo
    • cishqi baa la huwiyoo
    • waa harra daboolane
    • hoosigeedu waa maxay? 

     

    • yaa helay jawaabtii
    • halxidhaale waynoo
    • loo hayaamo weeyee
    • sidee loo helaayaa
    • yabtiisa yaa heli
    • heestiisa yaa garan
    • oo hodana iga gadhsiin  

     

    • tolow yaa halyayoo
    • ii hiilinaayoo
    • talo igu haboon iyo
    • haydaaro wayn iyo
    • igu hagaaja dowgoo
    • hilan gaaban iga tusa
    • sida lay haleelee
    • hodan iigu wayn tahay  

     

    • hirdankiisa caashaqa
    • i halesha haybtii
    • habka toosan igu haga
    • iga reeba hiiftiyo
    • hiinraaga laabtiyo
    • haraad aad u daran iyo
    • hurdadoo la diidiyo
    • laga hoogo hadhimada
    • hiifida dadkoo ididil
    • sidee loo hayaamaa
    • tolow waan habaabee 

     

    • adigoo higlada dagay
    • sahan buuxa soo helay
    • hayraamo doogliyo
    • dagmo hiriqle  iyo buur
    • haydaaradoodii soo hogaaminaayoo
    • hubqaad buuxa soo helay  

     

    • hadii lagu haleeloo
    • haybtii ilowdoo
    • haradii gudhnaydee
    • laga hayaamay wa hore
    • iyo hiran kii daa,uud
    • ku habsiiso sahankii
    • reerkii uu hungooboo
    • lagu hiifo kaligaa
    • waa maxay hareedigu
    • yaa ku heray adiguun

     

    • nin hubsiimo doonaa
    • waa hayin aqoonloo
    • wax hagaajuu  leeyahay
    • ninkii uu haraad helo
    • hareedi doogliyo
    • markuu biyaha helo
    • ma sugaa hubsiimoo
    • halista ma iska eegaa

     

    • adoo helay aduunyoo
    • kuu buuxo haqabkii
    • inta ay habaas boodh
    • abaar haybta jiidhaa
    • hab kasiiso idilkeed
    • caydh loo hayaan baxay
    • ku haleesho maalmoo
    • muuqaa halaaboo
    • hadalkii ilaawoo
    • kaligaa hirwada tuma
    • ninka hilinka kugu sima
    • kee reeba hiiftee
    • hadhwanagsan iyo hiil
    • haydaamo  iyo subag
    • hayin iyo islaanimo
    • halabuun kusiiyaa
    • waa hoodo iyo calaf
    • iyo waagiyo habeenkoo
    • kala haayiraayo
    • isna waa habeen dhalad
    • ninkay hodan la haysee
    • hoodihiisu siyaa
    • hoos ay u gogoshaa
    • ee tolow yaa halkii dagay  

     

    • dhulku waa hu iyo jiif
    • iyo hogo colodeed
    • sango laba horaad liyo
    • wa heeno iyo calaf
    • adigoo hurdad lada
    • aduunyada hirteedana
    • haahaabanaayoo
    • ruuxaad haleeshaba
    • hirqashada ku dila oo
    • hodan uun ku sheegoo
    • kusoo hayaayira
    • waa maxay hawaawigu  

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

    Follow

    Get every new post delivered to your Inbox.