HAMMI NEW YEAR..!!!
January 1, 2010 Leave a comment
Reer Awdal dhammaantiin meelkasta oo ad adduunweynaha ka joogtiinba, waxaynu idin leenahay HAMMI New Year, oo aynu uga danleenahay inuu Sannadkani Ilaahay innoogu dhigo mid aynu ku HAMMINNO danta dadkeena , diinteena iyo dalkeena.
Waxyaabo badan oo wanaag iyo walbahaarba leh ayaa soo maray mujtamaca bulsho-weynta beelaha Awdal. Innagoo dhacdooyinkaas hore ka shidaal qaadanayna ayaa waxaynu halkan kusoo koobaynaa talooyin wax ku ool ah oo aynu siinayno dadkeena si ay sannadkan uga faa’iidaystaan wixii qalad horey u dhacay una saxaan, isla mar ahaantaana wixii horey wanaag u dhacay ay sii laba jibbaaraan. waxaynu talooyinkeenna u kala qaybinaynaa ‘Qurba-joogga Awdal’ iyo ‘Qooys Joogga’ Awdal. Qaybta koowaad ee qormadanina waxay ku kooban tahay:
QURBA JOOGA AWDAL
Qurba joogga Awdal lagama yaabo inuu ku jiro qof aan haysan qol uu jiifsado, quraac iyo qado uu quuto, iyo biyo uu ku qubaysto, waana inta ay dheer yihiin qooys joogga Awdal, oo qaarkood aanay dhariba dhadhaarin. Ayaan darraso waxay tahay inaynu badhaadhahaasi aynu dheernahay bahdeena ku nool Awdal gudahadeeda, aynu aalaaba uga faa’iidaysano dhinaca kibirka iyo is yeel-yeelka, halkii aynu kaskeena ka maali lahayn. Hadaba talooyinka aynu siinayno qurba jooga Awdal waxa ka mid ah:
(1). Dhaqaalaha
Yaynaan koow ka noqon kala jabka iyo kala burburka dadkeena, ee dhinacyada dhaqan dhaqaale ee aynu ka fikirno isku keenidooda iyo kaalmayntooda. Marnaba yaynaan ka daalin baraarujinta iyo wacyi galinta dhaqan-dhaqaale ee aynu dadkeena waxtar ugu yeelan karayno.
Qaadhaanada la ururiyo ama dhexdeena ha noqoto ama hayado kale oo aynu soo marnaba ha noqotee waxay kaaba dhaqaale iyo kobcinba u yihiin walaalaheena tabaalaysan, gaar ahaan inta cidna u mqanayn, ceelna u qodnayn. Sidaa daraadeed marnaba yaan laga daalin qaadhaan ururinta ‘fund-raising’ ka lagu kabayo kuwa inoo baahan.
Qof ad maalin walba siiso xabad kalluun ah iwm, waxa ka fiican qof ad barto sida uu maalin walba xabad kalluun ah isagu u soo qabsan lahaa. Halkii qaadhaanada aynu ururinayno ka noqon lahaayeen kuwo dadka quudiya maalin kasta, waxa ka fiican inay noqdaan kuwo dadka ku qalabeeya xirfadihii iyo xooggii ay maalin walba iyagu ku dhargi lahaayeen. ‘Biyo sacabadaadaa loogaga dhergaa’ aynu dadkeena tusno siday sacabadoodu ugu dhergi lahaayeen (Community Development).
(2). Siyaasadda.
Siyaasadda ay qurba jooga Awdal ku kala qaybsanyihiin, waxay aalaaba ku salasayntahay siyaasadda dalka gudihiisa iyo asxaabaha siyaasadeed ee Hargeysa ka wada yimid. Bal hadda eegeey sawirkan hoose ee kooxdan Awdal-London aadka u wada qoslaysa; Ma wasiirka hawlaha guud ee Somaliland ayaa u sheegay in Saylac iyo Lughaya dikad loo sameeyay, ama Boorama iyo Boon laamidii lasoo gaadhsiiyay?, Iyguse ma weydiiyeen arrimahaas dikadaha iyo dariiqyada, iyo dalka la iibsanayo ?. “Siyaasadda qurba-joogga Awdal ma dhaafsana, Is-tus shisheeye iyo Is-tuhun sokeeye“.
Bal aynu isu dayno inaynu siyaasaddeena dibada ee ku salaysan siyaasadda ka taagan dhulkii hooyo, aynu ku badali karno siyaasadda ku salaysan dhulka aynu joogno. Tusaale qurba jooga Awdal UK, haku kala biiraan asxaabaha siyaasadeed ee dalka UK ka jira, sida ‘Conservative Party’ , ‘Labour Party’, ‘Liberal Democratic Party’..etc.
(3). Qabiilka iyo Qabyaaladda
Dhinaca qabiilka iyo qabyaalada markaynu usoo noqono. Inta badan waa wax adag inay dadkeenu isu wada fahmaan ama isu wada raacaan qabiil iyo qabyaalad iyo qooys ..iwm…Taasi haddii ay dhici lahayd waxa iman kari lahaa waji layskugu soo hagaago, laguna wada heshiin karo. Balse imika taasi ma taalo, hadana kama tegno, oo talaabadii la qaadaba qabiil baa hor taagan.
Dhammaanteen walaalaynu nahay oo Ilaaahay ayaa isku keen dooray, balse dhammaanteen ma wada nihin saaxiibo. Maxaa yeelay Saaxiibku waa doorasho iyo dookh, kolba intii is doorata ayaana is fahmi karta. Sidaa daraadeed si aynu qabiilba uga xoroowno, aynu isku dayno:
- In kolba kooxdii is fahmi karta ay isu raacaan dookhooda, iyagoo wada jir ahna ay dadkooda wax u qabtaan.
- In Koox waliba ka waantoowdo inay koox kale uun ku ahaato muddici oo masaxdo, balse danteeda ku ekaato.
- In dinkoo kala jira, hadana ad ogsoonaatiin in wadajir aad wax u wada qabsan kartiin.
(4). Warbaahinta
Warbaahinta qurba jooga Awdal, yaanay noqon ‘wadbaahin’ ku noqota sun iyo waabay walaalahooda dulman ee dalkii hooyo jooga. Balse waa inay u noqoto wacyi galin guud oo wadaajisa dadkeena weelka cadaalada sinnaanta iyo wadajirka. Waxaynu kula talinaynaa waababka Awdal (Awdal Websites) inay yeelaan arrimahan soo socda:
- Kooxdaad doontiin taageersanaada kuna faana, balse kooxaha kale ka daaya af-lagaadada, waayo ‘af-xumo nabadna way kaa fogeysaa, colaadna waxkaagama tarto’. Inta isku uur xumaanaysa ama ad isku dilaysiina waa masaakiinta dulman ee dalkii hooyo jooga.
- Idinkoo kala kooxo ah, hadana danta guud ee maalin laha ah u wada taagnaadaada, isuna taageersanaada.
- Sahqsi cayga ayaa ka weyn shacbi cayga (Law of Defamation). Idinkoo weerara koox gaar ah siyaasadeeda ayaa ka fiican idinkoo shaqsi kaliya dhaawaca dadnimadiisa iyo karaamadiis, taasna ka waantooba.
- Ku heshiiya inaad yeelatiin guddi idiin dhaxaysa oo u qaybsan anshaxa iyo hufnaanta warbaahinta Awdal, oo kulamo iyo wada xaajoodyo joogto ah ka yeesha guud ahaanba suxufiyiinta iyo saxafadda Awdal.
Gabagabo iyo Gunaanad
Sannadkii ku hammiga horumarinta Awdal ayaynu soo galnay, nin waloowna halkaad joogto hawl ka qabo. Qaybta labaad ee isla qormadan waxaynu ku eegi doonaa talooyin gaar ah oo ku socda ‘ Qoys joogga Awdal’ . Inta aynu dib u kulmi doonana waa bahda HiilDan iyo AllBoon oo idin leh HAMMI NEW YEAR.

