La Mood, Noqonse Weyday

Tuug ayaa ii galay jidkii, aniga oo socda ayuu yiri joogso, waan joogsaday, suu yiri ookiyaalaha siib, aan siibay, uu yiri, shaatiga siib aan siibay, uu yiri, saacada siib, aan siibay, uu yiri garanka siib, aan siibay,uu yiri  hoos guntiga siib, aan siibay, uu yiri kabaha sib, aan siibay,ee uu igu hadhay kaliya kastoomihii ama kalsoonkii ninba siduu u yaqaan,oo aan iminka dadka soo gaadhay, inta le uga hadhanay noloshiisa waxay ahayd haduu dhahi lahaa  faraatiga siib, waxaa la dhahi lahaa kan maroodi maa maray .  !!!!

 Qore :A.Barkhadle.I(waraabe-cadde).

Continue reading

Tacsi: marxuum Sheekh Ibraahim Xaaji Xasan, Macalowle

Inaa Lilaah Wa Inaa Ilaahi Raajucuun.

 Anigoo ah Cabdale  Aw Farah Sigad  kuna hadlaya magacayga kan xaaskayga iyo  guud ahaan magaca reer Aw faarax sigad oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba kala jooga waxan tacsi tiiraanyo leh u diryaa dhamaan qoyskii iyo qarabadii uu ka baxay marxuun Sheekh Ibraahim Xaaji Xasan, Macalowle oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Diridhaba ee Dalka Ethiopia.

Continue reading

Waa Ayaantii ARDAA iyo Maalqabeenada Awdal, ee Abaaraha iyo Aafooyinka Awdal.

Saylac Media  iyo dhammaan saxaafadda Awdal inta u sara kacday inay ogaadaan  aafooyinka iyo abaaraha ka jira Awdal, aad iyo aadbaan u salaamaynaa uguna mahad celinaynaa. Aalaaba ma maqalno maal-qabeenada Awdal oo hormuud ka noqonaya ma hogaankaba u qabanaya qaadhaan ururinta abaaraha Awdal, waxase la sheegaa iyagoo isu mashquulinya maal galinta amuuraha la xidhiidha siyaasadda iwm. 

Continue reading

Baaq An Kaga Soo Hor Jeedno Bedilaadii Tobabaraha Xulka Kubadda Cagta Ee G/Awdal: Samarroon C/Laahi Cilmi

 Anaga oo ah dhalin yarta ka soo jeeda gobolka awdal. waxaan xagan ka salaamaynaa dhamaan dadka xiiseeya ama tagera horumarka sportiga awdal iyo masuuliyiinta gobolka awdal. Waxaan lee nahay hadanu nahay dhalin yartii awdal. hada maha wakhtigii hoos loo dhigi laha sumcada sporiga awdal ee waa wakhtigii kor looqaadi laha  horumarka sportiga awdal. 
 

Continue reading

Samarroon Wuu Ka Weynyahay Saddexda Xusbi

Murtiduna waxay tahay midho ku jiray hees waddani ah, oo aynu ka xusuusanno   ‘Maxaa Gaalka Kaa Galay?, Maxaa Gooni Kuu xidhay?, Gumaystaha ku daba dhigay?, Garo walaalkaa, Gacal ka dhigo, Garab ka dhigo Taasi oo marka aynu dan gadabuursi ka hadlayno  aynu ku badalayno:  ‘Maxaa Xusbi Kaa Galay?, Maxaa Gooni Kuu Xidhay?, Gunnimmadda Ku daba  dhigay?,  Garo tolkaayoo, Gargaar ka dhigo, Garaad ka dhigo’.   Guud ahaan Gadabuursina uma baahna saddexda xusbi iyo xansharaadkooda, markay dan guudi timaado.

Continue reading

Ismaaciil Cumar Geelle, Degmada Waa U Halis.

Walalayaal, maqaalkan waxaan ugu hal daray: “Ismaaciil Cumar Geelle
degmada waa u halis”. “Oo calanshaan, leesh”? “Calashaan kida”! Waxan
ahay muwaadin reer Jabuuti ah oo la yidhaa Xasan Cabdi Aadan. Waxaanan
haatan ku noolahay dalka Canada, siiba magaalada Ottawa. Haatan ka hor,
waxaan ahaan jiray macallin, dabadeed, principal, ugu dambayn, Computer
application developer (programmer).
Continue reading