Ogeysiis: Xuska Sannad Guurada 37aad ee Geerida Marxuum Cabdillahi Suldaan Timacadde
February 4, 2010 Leave a comment
Maamulka Shabakadda Wararka ee Timacadde News Network TNN, www.Timacadenews.com , Wuxuu kugu martiqaadayaa ka soo qayb galka Munaasibad lagu xusayo Sanadguuradii 37aad ee ka soo wareegtay geeridii Halyeygii,Waddanigii, Gabayaaagii weynaa ee Marxuum, Cabdillahi Suldaan Timacadde.
Xafladan ayaa ka qabsoomi doonta Hotel Imperial ee Magaalada Hargaysa , 6:30 pm fiidnimo , Habeenimada Axaddu soo galayso , kuna beegan 06/02/2010.
Ka soo qayb galkaagu waa muhiim, ilaalinta wakhtiguna waxay muujinaysaa astaan ilbax nimo oo kuu gaar ah.
Maamulka Timacade News Network TNN