Ismaaciil Cumar Geelle, Degmada Waa U Halis.

Walalayaal, maqaalkan waxaan ugu hal daray: “Ismaaciil Cumar Geelle
degmada waa u halis”. “Oo calanshaan, leesh”? “Calashaan kida”! Waxan
ahay muwaadin reer Jabuuti ah oo la yidhaa Xasan Cabdi Aadan. Waxaanan
haatan ku noolahay dalka Canada, siiba magaalada Ottawa. Haatan ka hor,
waxaan ahaan jiray macallin, dabadeed, principal, ugu dambayn, Computer
application developer (programmer).

1990dii waxaan ahaa soo-saaraha 3
wargays oo madax banaan oo la odhan jiray:
1. “Horizon” oo uu lahaa xusbigii UDD ee ay diiday inay sharciyaayso
xukumaddii la maroorsaday/reeraysta ee dabadeed laga dhigay
dhaxaltooyada, ee kelidood-taliyaasha Guleed/Geelle!
2. “L’enseignant” oo ay lahayd sindikada macallimiinta dugsiyada
dhexe/sare ee reer Jabuuti.
3. “L’Éducateur” oo ay lahayd sindikada macallimiinta dugsiyada hoose ee
reer Jabuuti.

Is-barashadaa ka dib, maanta waynu wada ogsoonahay wacyiga ka taagan
Jabuuti. Waxa kele oo aan wada ogsoonanahay, Xukuumadda ina-Geelle
Batal, oo faro-gelin qayaxan ku haysa arrimaha Soomaliland (dalbalaadhsi
tartiib-tartiib ah: maanta Saylac, Sacad-a-diin, Ceebaad… illaa
Ceelgaal! berrina halkee?). Xukuumadda ina-Geelle Batal oo Farogellin ku
haysa, qandaraas furanna ku qaatatay arrimaha soomaaliya (450 askari oo
reer Jaabuuti ah ayaa ka hawlgelaya Xamar). Waxase laakiin layaable,
ninkaa  ina-Geelle Batal ee haalkaa marayaa, waa nin dhulkii uu
madaxweynaha looga dhigay, Qayb ka mid ah (Doumeira), uu haysto dal
shisheeye (Erythrea)!

Hadal waa murti ambase mataataq eh, aniga oo ka tirsan maqaaridka
Jabuuti, waxaan leeyahay arrimaha xumuudda waqtigii kasii dhacayo ee ina
Geelle Batal ay kawaddo gudaha iyo debedda dalkayaga Jamhuuriyadda
Jabuuti, maaha kuwo dano noogu jiraan. Mahaa kuwo dani ugu jirto dadka
aan wada dhalanay ee reer Soomaliland. Maaha kuwo dano ugu jiraan dadka
aan walaalaha nahay ee reer Soomaaliya. Maaha mid dani ugu jirto
nabadda, xasiloonida iyo wada noolaanshaha degmada Geerska Afrika iyo
Badda Cas. Hadaba dantuu ka leeyay Kelidii-Taliyaha ina Cumar Geelle
faragellintaa, waa mahay? Waxa uu ka leyahay labadan hoos ku qoran:
- Xagga Soomaliland: Kelidii-taliyuhu, wuxuu abuurayaa ciiro iyo
dhallaan-habaabis uu ku daahayo qorshaha uu doonayo inuu ku bedelo
dastuurka dalkayaga oo aan ogolayn inuu mar sadexaad dib isku soo
sharaxo. Wuxuu doonayaa inuu dadka wada dhashay ee Samaroon iyo Ciise
(oo labadaba u kasoo jeedo) ee nabada ku wada nool, inuu ka dhex alooso
xiisad dagaal, si, inta la’isku jeedo, isga, looga jeedo!
- Xagga Soomaliya : Qandaraas furan ayuu qaatay si uu qasnadihiisa
buux-dhaafay usii buux-dhaafiyo!

Sidaa awgeed, anigu shaqsi ahaan, si aan uga qeybqaato isbedelka looga
bahan yahay dalkayga Jabuuti iyo degmadiisa, sidii logu soo dabaalilahaa
caddalad waarta, dimuqraadiyad dhab ah iyo wada noolaansho lagu wadaago
nabad iyo caano, waxaan doorbiday inaan codkayka ku biirsho kuwa dalka,
degmada iyo debedaba ka halgamaya. Markaa, halganka nin meelbuu kaga
jiraayeh, waxaan wax ku qoraa, ugu yaraan 2dan meelood:
1. http://kulanbaded.blogspot.com/ (personal bog roll)
2. http://www.djiboutii.net/index.html (home page)
  http://www.djiboutii.net/pb/wp_2b6263d0/wp_2b6263d0.html (news)

Bologroolka (1.), anigaa iyaa si shaqsi ahaan ah u falleeya arrimaha
Jabuuti (anoo huwan shaqsiyaadayda iyo muwadinnimadayda gaarka ah).
Wesiteku se (2.) waa mid ay wadaagto bah aan ka mid ahay oo ka kooban
dakda xisseya ama wax ka qora arrimaha Jabuuti.

Maqaaladaha boloogga “kulanbaded.blogspot.com” iyo kuwa bahda
djiboutii.net” waxay inta badan ku qoran yihiin afka faransiiska; kaaso
ah afka qoomiyadaha kala duwan ee reer Jabuuti (soomali, cafar, carab,
i.q.k.b.) ay ku wada hadlaan. Lakiin waxa dhacda inaannu wixii
af-soomaali kusoo baxa, sidiisa aan u soo dayno. Masalo ahaan, waxa jira
warar iyo faalooyin af-soomaali ah, oo uu soo daayo raadiyo madax
banaan, oo ay sameeyeen mucaaridiin reer Jabuuti ah… Raadiyahaa oo
layidhaa “Coka Jabuuti” (ama “La voix de Djibouti”) waxa hawada lagasii
daayaa todobaadkii hal saaq (imika ahaan) fiidka maalinta khamiiseed,
6:30pm illaa 7:30pm (saacadda Afrikada-Bari). Raadiyuhu wuxuu kasoo
galaa hawada hilinka 15165 khz ee mawjadda gaaban ee 19m. Waxa kaloo
laga dhegeysan karaa:

http://www.lavoixdedjibouti.com/.

Walaalyaal, dadkayaga reer Jabuuti ee qurbajoogu, waxaanu wararka
dalkayaga ka hellaa, inta badan, wargeysyada Soomaliland iyo, kuwa
shisheeye sida BBC, RFI, VOA… Waxa taa sobobay, argagiriso, xakamayn,
caqo-juglayn iyo dhego-dhegayn ayku hayso xukuumadda xumbada
qab-qabsanaysa, ee ina Geelle, dhamaan isgaadhsiita dalka (telephon,
internet…)!

Ugu dambayn, waxaan idin waydiisanayaa, inaad warbixin ka siisaan dabka
reer Soomaliland ee aan walaalaha nahay intooda xiisaysa arrimaha
Jabuuti, jiritaanka iyo ujeedada “djiboutii.net” iyo raadiyaha madaxa
banaan ee “Codka Jabuuti” oo indila xidhiidhinaya wargeysyada,
adeeqadaha iyo websiteyada kele ee madaxa banaan ee Jabuuti.  Wara kele
oon jecelahay inaad nala daawataan waraysigan oo duluciisu yahay :
“Ismaaciil Cumar Geelle, ha ka dego xukunka 2011ka, xil iyo ceeb la’aan”!

Waad mahadsantihiin bahda “HiilDan”.

Xasan C. Aadan
hassan.aden@ncf.ca

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.