Meel Dhuuni Galay, Dhaqan Ma Galo.

  1.  Madaxweynuhu ma wuxu ka rabaa Salaadiinta Awdal, inay iyagu  ogolaadaan Soo dhaweynta Ugaaska Ciise, oo amarka iyagu yeeshaan?
  2. Mise, Madaxweynuhu isaga ayaa ka raba ama ku amraya Salaadiinta Awdal inay soo dhaweyaan cumaamad saarka Ugaaska Ciise, oo dawladda ayaa awoodda iska leh?

Waayo mugdi badan ayaa u waabariistay salaadiinta saldannadda Awdal ee Samarroon, kadib markii madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin,   oo kasoo jeeda isla gobolkaasi, uu si badheedh  iyo qab weyni ah uga xayuubiyay sharaftii iyo karaamadii ay salaadiintu ku lahaayeen gobolkooda iyo geyigoodaba.

Sharaf ka xayuubintaasina  waxay dhacday kadib markii ay salaadiintu is yidhaahdeen soo xaqiijiya arrimo isku huursanaa, oo ka taagnaa jaziirado ku yaalla gacanka gobolka Awdal, oo la sheegay in la dhaxal wareejiyay. Jasiiradahaasi  oo madaxweynuhu  iska hor istaagtay salaadiintu inay soo booqdaan, isagoo adeegsanaya cudud militari.  Hadana waxa xigtay inuu madaxweynuhu ku fidiyo war murtiyeed saxaafadda, isagoo ku hadadaya salaadiintu inaanay shaqo ku lahayn inay soo faro galiyaan arrimaha dawlada ee la xidhiidha ciddii dalka maal gashanaysa iyo ciddii dhul laga iibinayaba.  Taasi hadana waxa xigtay in cuqaal iyo salaadiin kale oo arrimahaasi qaadan waayay lagu cayuuqo jeelasha Boorama, si foolxumo lehna loo af-lagaadeeyo, oo la quudhsado sharaftooda iyo karaamadoodaba.

Hadaba waxa wakhtigan xaadirka ah isa soo taraya warar sheegaya inuu Madaxweynuhu kula jiro waan-waan iyo wada-xaajoodyo salaadiinta Awdal, isagoo isu dayaya inuu ku sasabto inaanay is hor taagin soo dhaweynta Ugaaska Ciise.  Faaladan iyada ahna waxaynu isu weydiinaynaa laba Su’aalood oo kala ah:

  1. Madaxweynuhu ma wuxu ka rabaa Salaadiinta Awdal, inay iyagu  ogolaadaan Soo dhaweynta Ugaaska Ciise, oo amarka iyagu yeeshaan?
  2. Mise, Madaxweynuhu isaga ayaa ka raba ama ku amraya Salaadiinta Awdal inay soo dhaweyaan cumaamad saarka Ugaaska Ciise, oo dawladda ayaa awoodda iska leh?

Haddii madaxweynuhu horey u yidhi salaadiintu ma faro galin karaan arrimaha ku lug leh maal gashiga iyo qaybsiga dhulka ay  isla salaadiintaasu  kasoo jeedan. Isla markaana,  uu hadana imika uu ku amro inay salaadiintu soo dhaweyaan Ugaaska Ciise.  Taasi waxa loo qaadan doonaa inuu madaxweyne Daahir Rayaale, uu  dilay saddex jeer salaadiinta Awdal, oo waa saddex jeer dhimasho. 

Haddiise uu Madaxweynuhu inuun uu sharaf u ogolaanayo salaadiinta Awdal, waxa laga sugayaa inuu awood buuxda u siiyo salaadiinta inay iyagu leeyihiin  wixii ku saabsan dhaqanka iyo hidaha ee la xidhiidha cumaamad saar ama caleemo saar Boqor/Ugaas/Caaqil/Suldaan/Sheikh iwm.  Taasi oo macnaheedu yahay inay Salaadiinta Awdal awood buuxda  u yeelan karaan  inay ku joojiyaan ama ku ogolaadaan caleemo saaarka ugaaska Ciise.

Si kastaba ha ahaatee;  waxan ka baqaynaa in meel dhuuni galay, dhaqan aanu galayn, oo imikana suldaanada lagu yidhaahdo, wixii maalgashi ku saabsan oo dhan, xitaa caleemo saar Oday, dawladda ayaa iska leh, ee idinku kama hadli kartiin.  Sidaa daraadeed haddii ay saddex jeer salaadiinta Awdal dhimanayaana, waxa u sharaf badan inay karaamadooda adkaystaan oo ku mitidaan yidhaahdaana, ‘waan diidnay wixii nakala dilaya’.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.