Waa Ayaantii ARDAA iyo Maalqabeenada Awdal, ee Abaaraha iyo Aafooyinka Awdal.
February 18, 2010 Leave a comment
Saylac Media iyo dhammaan saxaafadda Awdal inta u sara kacday inay ogaadaan aafooyinka iyo abaaraha ka jira Awdal, aad iyo aadbaan u salaamaynaa uguna mahad celinaynaa. Aalaaba ma maqalno maal-qabeenada Awdal oo hormuud ka noqonaya ma hogaankaba u qabanaya qaadhaan ururinta abaaraha Awdal, waxase la sheegaa iyagoo isu mashquulinya maal galinta amuuraha la xidhiidha siyaasadda iwm.
Siyaasiyiin isu sheega Awdal ayaa iyaguna ah kuwo ku guul darraystay inay u hadlaan ama ogaadaan halka ay Ummaddu ku sugan tahay. Inta badan kuwa mucaaridka ah , ayaan maqalnaa oo ka dhex muuqda ama ka hadlaya masiibooyinka Rabbaaniga ah ee meelaha qaarkood ee gobolka ka dhaca. Kuwa sheegta muxaafidka waxabad mooddaa iyaga in kursiga laga qaadi doono, haddii ay u hadlaan dadkooda halista iyo halaaga ku jira. Waa markii ugu horreysay ee aynu maqalno xildhibaan ka tirsan golaha degaanka isla markaana ah Meeyar xigeenka Boorama – MUUMIN GADIID CUMAR, oo si kulul ugu cambaaraynaya dawladdu inay gabtay xilkii gobolkani ka saarnaa. Meeyarada kale maxay sugayaan?
Musheekhda iyo Odayada Awdal ayaynu inta badan maqalnaa iyagoo kaashanaya ururada gargaarka sida urukii AACNA (imikana ah ARDAA), Ammoud Foundation, IQRA, IWM, oo hormuud ka noqonaya meeshii masiibo ka dhacdo. Maantana waa ayaantii ururka ARDAA iyo maal qabeenada Awdal, oo aynu ku eegi doonno kuna taageeri doonno, halka ay iska taagaan taakulaynta iyo taageerida dadkeena ku tabaalaysan Abaaraha.
Gobolku ma aha Boorama oo kaliya, Abaaraha iyo Aafooyinka ka dhacay Lughaya, Baki, Dila, iyo Saylac, waa wax ka dhacay Boorama, oo meelnaba aynu uga baxsan karaynin. Dadkeenana Kuwa maalka iyo maskaxda iyo muruqa intaba haya waxaynu u sheegaynaa inay maanta oo kale tahay maalinta looga fadhiyo gurmad iyo gar-gaarba. Kii taasi maanta garan waayina, maalin kale ayuu garan doonaa, isagoo taag iyo talo toona an haynin.
Hadal iyo murti; NIN LA SUGAYOOW, MAXAAD SUGI?. Ka sokow gurmadka Ilaahay, waxaynu sugaynaa maskaxda, muruqa, iyo maalka Awdal oo ku midooba iskaashiga gargaarka dadkeena ku go’doomay goonyaha Awdal. Waa ayaantii ARDAA iyo maal-qabeenada Awdal ee gurmadka Abaaraha Awdal. .