Tawxiidkiyo Quraankiyo, Tusbaxa Yaan Laga Tegin..!
February 20, 2010 Leave a comment
Tan iyo intii Daahir-Abaar
Taajka la noo saaray
Awdal taahiyo kama bixin
Tiihiyo dhalandhoole
Tawsiyo ciilbay dadku
Cadho badi la tiicaane
Tahriibay dhasheenii
Tiigsadaan idayle
Aaafooyin taxanbaa
Tumaatiyay dhulkiiye
Tulub geeliyo ma noola
Turuq yaroow adhigiiye
Lo’adu tarankii daysoo
Ma tararaan Riyuhuye
Ugaadhii Tuulanaan jirtyna
Tiradoodu dhammaataye
Tallaahibaan ku dhaartaye
Tabaaloowday Ummaddiiye
Gaajaa tamar daraysooy
Tukubiyaan tallaabada’e
Tukahaana habliyo wiilal
Intii uu harraadku tookhay
Tahartooda ka haagaye
Tawradi nooma dhalane
Taliyese waxa jira
Aan teenna rabinoo
Tafiir go’eena u taagane
Hadday taasi run ahayn
Ma afkaa laga tantoomay?
Tacaawin uu ku yaboohiyo
Maxaa taakulayn u diiday?
Awdal xundhurtiisa Taalli
Xabbad lagu toogtay miyaa?
Intaasoo turunturro ah
Iyo waliba tacdiib badan
Tunkaan ku haysanaa
Tagoogihiyo dhabarka’e
Naftaase tallamaysee
Danbaab uma tacaaline
Malaha waan tafaafulannahay
Talaba waa yaabe
Balse tawxiidkiyo quraankiyo
Tusbaxa yaan laga tegin.
