Maansadii KASMO

Kalawliyo karuurra

Kadinkii  Gargaara

Kaydka ceelasha oomay

Kaymaha abaarsaday

Kulaylkani  noolaha

Kulli wada abbaaray

 Kow iyo laba maaha

Intuu  naflay kaatibay

Ka kaxeeyay uunkanoo

Kummannaanbay tirada

Kor  u sii dhaafayaane

 

Dadkuse  waa kala laba

Qaarbay kabuubyada

Abaartu kadeeday

Kaarka xanuunka taaha

Ku dhammaysta Kuudad

Kambadhuudhsi diiday

Kari waayay Kadaloob

Kuus timira haysan

Kibis waayay loxooxa

Koob  shaaha caddaysan

Kax ka siiyay harraadkuye

 

Kuwaasi ogaanayoo

Kariimkii na uumiyo 

Korreeyoow Ilaahbaan

Koolkoolli leennahay

Kobciyoo dhammaantood

Kaafi yeel Allahayoow…AAMIIN..

 

Kuwo kalaase jira

Kashbacoo kibraaya

Ku Kifaaxa magaalada

Kolba sarkaal Hargeysa

Kelyaha ka naaxay

Kormeer ugu yimaado

Ku yidhaahdo kaalaya

‘Kalwiya doorashada

Kursigiina eegta

Waliba ka keenoo

Kuweer tabaalaysani

Umaba baahna kaalmee

Ku kordhiya  Cashuuraha’..!

Kolkaasay iyaguna

Waxba  kaadsan maayaane

Sida koox carruurroo

Kor Kubad  loogu laagey

Is jabiyaan  Kuraamaha

 Ani uunbaa kardhaniye

Malaha waa kala guure

Bal inay kas beeleen

Komishanbay isku haystaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.