Reenka Samaroon, Maxadcasaa keenay !!

By Rigaax Awliyo Reer Boon

Anigu waxan rumaysanahay in Gadabuursi reen badan yahay, Isaaqna riyo (hawaawi) badan yahay, Ciisana ruqaansi badan yahay. Samaroon baanse imka ka hadlayaa oo  an qalinka  iyo haraga u qaatay anigoo  an jeclayn in reenkayga  la maqlo, laakiin mar-mar iska yar reema, kuna reema reer tolkay. 


Reenka  badan ee reeraha Samaroon waxan is leeyahay waxa ugu wacan reerka  Gadabuursi ugu degaan iyo dad ballaadhan Awdal iyo Djibouti, ee magaceenu waa magac muslime la yidhaahdo Maxamad Case, oo kaalintoodii gabay wixii ka danbeeyay xukumadihii siyaasadeedee Imaam Axmad-gurey, Xaaji Diide, Xaaji Kuul, Xaaji Khayre, Jaamac Saylici iyo ragii rag ahaa ee la midka ahaa.  Wixii RABBI keenay waa halkiisa oo hadii reerkan iyaga ahi amuuro rabbaaniya ku rafaadeen sabaanadan danbe, loo cadhoon maayo Ilaahay, wixiise Rag keenay waa layska ridi karaa.

Maxadcase waxay ku reemaan awoowgeybaa talin jiray, Jabuutibaan xukumi jiray, geel badan baan lahaan jiray, xaajiyo badanbaan lahaan jiray, halgamaa waaweynbaan lahaan jiray iyo waxaasoo wada lahaan jiray ah, kamana hadlaan waxay imika leeyihiin.  Iyagoo imikana an Djibouti iyo Awdal toona ka dhex muuqan hogaanKeeda siyaasadeed. Reenkaasina wuxu ku faafay samroonkii kale oo difaac galay iyaguna ku odhanaya, maxamdcase waa beentoode, anagaa ugaasyada ahayn, anagaa boqoro ahayn, anagaa curadyo ah, anagaa imikana jabuuti iyo somalilandba ku leh magac, anagaa wax lanaga weydiiyaa siyaasadda samaroon  iwm.  Sidaasi daraadeed ayaan ugu cuskaday qoraalkayga doorkani inaan idhaahdo, Samaroon wuxu ka liicayaa, dhanka Maxadcase.

Hadaba anigu waxan leeyahay hadal waa run kama raystee, maxamad casoow waad qalibanteene, toosa kaca, oo reerka Samaroon laf-dhabar baad u tihiine tiiriya.  Isaaq la xisaabtama way riyo (dream)  badan yihiine ugu heesa riyadii xalaybaan rumaystoo dreamlandbaan  (somaliland) moodoo waan riyaaqee, Ciise way ruqaansi badan yihiine  waxad ugu heestiin, heesii Ugaasadooda caanka ah (Ugaaso Nimco Jaamac),  ee ahayd,  ‘tuuryada ha lalin yaad i taaqaan’,  ilayn Faransiibay Ciise inaga raacceene.  Samaroon waa tolkiine ugu heesa haday midigtu kali tahay, tahar kuuma gooysoo, tifna laguma qaadee, waanse kaaga tudhi lahaa, haddii uu ku taabee, iga tiiri siyaasada, aawadaa tasoobee’.

 

Waa walaalkiin,  Rigaax Awliyo Reer Boon

Degmada Boon gobolka Boon

 

 

4 Responses to Reenka Samaroon, Maxadcasaa keenay !!

  1. Rigaax waad salaaman tahay salaan khaas oo rigaa xaysan.
    waxakale oo an salaamayaa dhamaann reer boon meelay joogaanba.

    Sxb kay Rigaax awliyo reerboon waxan aad ugahaelay maqaal kaagan kor kuy qoran, waxanan umalaynayaa inaad fanaan tahay wax alifikara,hadaanad imika ahaynna, baa kaa guu xaaya ee waxad iskudaydaa inaad soo dayso haddaad soodaysana yaanan qaramin ama anadnagu noqon wabinagu soofatahay,waa inaad noo tartiibi saa.

    mahadsaid mar labaad.

  2. heblaayo says:

    waxaan reen
    gadabuursi goomoo ka talin jiray jabouti iyo saylac? sidaan sheegteen ugaas waxaa iddinke danbeeeyey 1600 waxaa idin haye hinaase ciise oo aad ku hinaastnn ugaaska ciisaha eelu soo callema saaray saylac ilaahay ha daayo cadowgiisana ha jabiyo.haddi aad tarrikh da taqaan waxaa kuu cadaynaysa in ciisuhu laayahay saylac ugaaska ciise waligeedba waa lagu caleema saari jiray. waxaana soo xula odayo wax garad ah oo xeer yaqaan ah.ugaas ka ciisaha ilaaiyo maalintuu dhashay waa la soo tababarayey.sida ka samaroonka isagoo 20 jir ah canada lagama soo qaban oo dumar ma so o xulin.gadabuursiyow ciise caaro kama gaadhaysiine dhulkiina ayar iska fadhiya. waligeedba waala idiin talinjirey.dal balaadhsiga iska daaya. face the reality

  3. Ardaale says:

    Hayaayay wax kasta waa la maqli oo maantaba waa taa dhacday in ay sheegtaan ciise saylac waar ma waxaa inagu filnaan waaydey jabuuti oo la idinak soo dareeyey waa runtiin markii jabuuti la idinka soo dareeray in aad meel aksta sheegataan….
    hadaba ha ku lug gonina oo ha moodina balantii issaq inee qaaday ee uu naarta ididnka talaabay ee aad u daba naageynayseen

  4. xasan yuusuf says:

    Talo iskumakaa sheegto gadabuursi maanta ma wuxuu caayayaa daahirrayaale , ninkani waxa tala ah uu hayaa ma jirto , ha iska sudhsudhanina , waligiin waxaa la inigu aqaan inaad eegataan isaaq iyo ciise oo waxay sameeyaan aad ku dayatiine , saylac waxaan u oganahay ciise oo iskale , ee maalinta aad damacdeen saylac waxay ahayd maalintii ay jabuuti qaadata calanka ay ciisuhu ka tageen soomaaliland ay yidhaa heen dhul ayaan leenahay , isaaq iyo ciise afka ha kutaagina abti ayay idiin yihiin oo waxaa idindhasay gabadhii walaashood ahayd , iska daaya daandaansiga oo dantiina garta , hargaysa waad ka shaqay satiin birbira gabilay jabuuti saylac diridhaba iyo inkala , ee garta danta aad ku qabtiin isaaqa iyo ciisaha , oo ha isku ciyaarina ma haystaan dhul aad ku qahkdaan , sababtoo ah inimaa qaadayso boorama boon dhirwanaaje iyo dila , ugu dambayna ha ilaawina tii idinku gaadhay dila’a .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.