Qaabka Aasaasiga Ah, Ee Ciyaartooyda Loo Xusho
February 26, 2010 Leave a comment
Guud ahaan dhalinyarada ciyaaraha ciyaarta waxay u kala baxaan labo qaybood:
(A) Qof jecel ciyaaraha oo u ciyaara hiwaayad ( Hobby) iyo
B) Qof u ciyaara naadi ( Proffesional player),
Hadaba mawduucan waxaan ku qaadaa dhigaynaa qaabka loo xulo ciyartooyga gaar ahaan Kubbada cagta oon isleehay faa’iido weyn bay u tahay tababarayaasha da’da yar soo koraya.
QODOBKA 1AAD: Sahanka kooxda iyo tababaraha
Naadiyadu badankoodu waxay jecelyihiin inay helaan ciyaartooyo tayo leh oo kor u qaada sumcada kooxda
sidaa darteed ayay maamuladoodu u sameeyaan wado tashi iyo sahan dheer siday u heli lahaayeen ciyaartooy cusub taas oo lagu jaangoynayo tartamada kooxdu rabto inay ka qaybgasho guulna ka soo hoyso waxayna kooxdu is waydiisaa dhowr su’aalood ooy ka midyihiin :-
1. Waa maxay sobobta kooxdu ay ugu baahantahay Ciyaartooyga cusub ?
2. Goorma ayay kooxdu u baahantahay Ciyaartoyga cusub ?
3. Goobtee ayay( position) kooxdu rabtaa inuu buuxiyo ciyaartoyga cusub ?
4. Muddo intee le’eg bay kooxdu u baahnantahay ciyartooyga cusub ?
QODOBKA 2AAD: U kuurgalka Ciyaartoyga
Hadii maamulka isku waafaqaan su’aalahaas jawaabahooga kooxaha qaarkood waxay la gorgootamaan ciyaartoyga
iyo Naadigii uu ciyaartooygu ka tirsanaa, kooxaha qarkoodna waxayba u magacaabaan guddi gaara inay soo indho-indheeyaan ciyaartooyo u qalma kooxda.hadaba sahanka kooxda iyo hawsha tababaruhu intaas oo kaliya kuma ekaanayso ee waxay raad-raacaan ciyaartoyga iyagoo ka fogaanaya inay faro galiyaan wixii taabananysa ciyaartoyga shaksiyadiisa ee ka baxsan danta ay kooxdu leeydahay ,raadraacaasna waxaa ugu muhiimsan qodobadan hoos ku xusan :-
1.caafimaadka guud ee ciyartoyga ( jidhka iyo maskaxda )
2.Tixraaca taariikhda ciyaartoyga (Taxamo) afka qalaadna loo yaqaan (CV)
waxaa kale oo looga baahanyahay Cadayn markhaatiya oo qoran ( reference letter) hadii loo baahdo
QODOBKA 3aad : Qiimeeynta ciyaartoyga
Qaabka qiimaynta ciyaartoygu waa mid tababarayaasha khibrade leh ay ku kala saaraan faraqa u dhaxeeya ciyaartooy iyo ciyaaryahan (sports man and player) qof jecel ciyaaraha inuu ciyaaro iyo ciyaartoyga xirfada wanaagsan
Ma qof bartaybaa kubbada, mise waa qof u dhashay hanaankeeda ?
Ma yahay ciyartooy la tababari karo ?
Ma yahay ciyartooy xirfadiisu ayna joogin ooy socoto ?
Arinta kowaad ee ugu muhiimsana waa adaabta iyo asluubta ciyaartoyga, tababaruhuna kuma deg-dego go’aankiisa ee wakhti buu siiyaa ciyaartoyga inuu isbedel sameeyn karo. inkastoo ciyaartoyadu ay ku kala duwanyihiin tababarka iyo tartamada ,sobobtoo ah ciyaartoyada qaarkood kuma wanaagsana tababarka ,oo way xishoodan laakiin waxay ku wanaagsanyihiin tartamada oo xamaasada ayaa gasha, Qaarkoodna waa kuwo ku wanaagsan tartamada ,tababarkana ku liita, oo niyad ma siiyaan wixii aan ahayn tartamo, qaarkoodna labadaba way ku fiicanyihiin.
QODOBKA 4AAD: Diiwaan galinta ciyartooyga
Diiwaanka kooxdu wuxuu kala u baxaa 2 qaybood oo kala ah:-
1).Diiwaanka hay’ada kooxda ama magaca kooxdu deegaanka kaga diiwaan gashantahay
2).Diiwaanka guud ee maamulka iyo maaraynta kooxda ee tirada magacda shaqaalaha iyo ciyaartooyga
Intaa ka dib maalinta la diiwaangasho ciyartooyga waxaa la siiyaa warbixin iyo qoraal ku saabsan heshiishkiisa, taariikhda kooxda, sharciga kooxda, jawdalka tababarka iyo isku – aadka ciyaaraha waxaana si bayaana loogu kala saaraa wuxuu xaq u leeyahay iyo wixii ku waajiba. Sidoo kalena waxaa lagu booriyaa inuu fuliyo sharciga kooxda xafidana sirta kooxda kana aadkaado saacada . intaa dabadeed tababaruhui wuxuu ku darayaa ciyartoyga diiwaankiisa u khaaska ah ee loo yaqaano diiwaanka farsamada ( technical list), ee ciyaartoyga kooxda iyo xulka kooxda (team players & selection team ) kaas oo go,aankeeda iyo sirteeda uu leeyahay tababarahu ciyaartoyga safanaya , kuwa kaydka ah iyo ciyaartoyga la laylinayo ee mustaqbalka kooxda iwm.
Digniin: Ciyaartoyga dabeecada xun waxaa ka xun ciyartoyga daaha badan.
Mahdi Farah Aden ( Mahdi Ghandi)
farahaden99@hotmail.com
Holland
