La Mood, Noqonse Weyday

Tuug ayaa ii galay jidkii, aniga oo socda ayuu yiri joogso, waan joogsaday, suu yiri ookiyaalaha siib, aan siibay, uu yiri, shaatiga siib aan siibay, uu yiri, saacada siib, aan siibay, uu yiri garanka siib, aan siibay,uu yiri  hoos guntiga siib, aan siibay, uu yiri kabaha sib, aan siibay,ee uu igu hadhay kaliya kastoomihii ama kalsoonkii ninba siduu u yaqaan,oo aan iminka dadka soo gaadhay, inta le uga hadhanay noloshiisa waxay ahayd haduu dhahi lahaa  faraatiga siib, waxaa la dhahi lahaa kan maroodi maa maray .  !!!!

 Qore :A.Barkhadle.I(waraabe-cadde).


Waxaan salaamay beelaha reer awdal meelkasta ooy joogaan. Waxaa wax lagu diirsado ah hab dhaqanka warbaahinta reer awdal , waxaan is iri  allaylee sawtan aqoontii la inagu sheegaye soo ifbaxday ee lagu diirasadey taad tabaatabaa ka daran tii kale Maanshaa Allaa  Allaw noo barakee…kartidii wax lagu bedli laha uu baa dhiman, taas midhaa waa libaax lahaa xoogiisa, maalintuu geeriyoodo ayaa la tusaabaa.

             Waxaba ayaan hadalku ila gudbinee ,aan u soo dego mawduuca. Reer awdal guuxdheer bay ka baxsheen nidaamka lagu magacaabo dhul iidoorland.(Somaliland).

             Waxaan tusaale u soo qaadanayaaa 20kii sanno ee u dambeysay dhacdooyinkii ka dhacay maqaalada muqdishu mid ka mid oo lagu  magacaabo (yoomul maxshar). Waa yoomulqiyaamaha meesha aan dhahno. Qiso ku dhacdey wiilyar ooy tuug u galay hayska ama jidka .marka reer xamarku afkooda ku sheekaynayaana waxaad moodaa in aadan xoqan dhegta, wiilkii oo dad gaadhey una  sheekeynayaa waa kan: Tuug ayaa ii galay jidkii, aniga oo socda ayuu yiri joogso, waan joogsaday, suu yiri ookiyaalaha siib, aan siibay, uu yiri, shaatiga siib aan siibay, uu yiri, saacada siib, aan siibay, uu yiri garanka siib, aan siibay,uu yiri  hoos guntiga siib, aan siibay, uu yiri kabaha sib, aan siibay,ee uu igu hadhay kaliya kastoomihii ama kalsoonkii ninba siduu u yaqaan,oo aan iminka dadka soo gaadhay, inta le uga hadhanay noloshiisa waxay ahayd haduu dhahi lahaa  faraatiga siib, waxaa la dhahi lahaa kan maroodi maa maray .  !!!!

 waxaa taas la mid ah.

 Qawmiyadan gadabuursi ee marba loo adeegsanyo wax aan dani ugu jirin , ee dalkoodii, dadkoodii, adduunkoodii, cilmigoodii, afkaartoodii, dhaqaalahoodii, siyaasadoodii loo adeegsaday lafo maroodi waa la isku jabiyaa… miyaanay la mid ahayn.

  1. Waxaa la sameeyey oon horseedka ahayn waxlagu sheegay shirbeeleed kii boorame, laguna saami qaybtamay, 1993kii

           qaybtii golayaasha guurtida iyo baarlamaanka ee lagu sargooyey  axdi          qaramdeedka iidoor ee boorame.oo aan ka qadanay inta beesha arab la siiyey

  1. minguurintii shirkiiki ururka gacankudhiiglaha ahaa ee snm, ay ku yeesheen baleygubadle 1990kii  kuna saabsanaa sidii beelaha  waqooyi degan loo minjo xaabin lahaa, la iskagana dhigi lahaa dad walaalahood ah.inta la gaarayo danta iidoor.
  2. sidii loo sameyn lahaa dawlad iidoor beelaha kalena laga dhigi lahaa maqarsaar lagu adeegto loona siin laha labo mansab oo waaaweyn lana hoos dhigi lahaa agteeda, loona adeegsan beelo aan iidoor ahayn in ay sugaan.dugsiyada caruurta in lagu baro intii ka dhimatay ururkii snm. Laguna magacaabo mujaahidiintii u soo dhimatay dalka iyo dadka xoriyadan la haysto, qabiilka kale ee gadabuursigu ka mid yahayna la cafiyey , laguna saleeyo taariikh sooyaal ah oo ma guurta ah oo iidoor is leeyahay.
  3. Danta ugu weyne eey ka leeyahiina tahay sidii daroor ay u kal qaybin lahaayeen , ummaddana ugu sheegi lahaayeen xadku waa halkii engiriiska iyo talyaaniga u dhaxaysay. Labadii dale e la dhahi jirey soomalilanad iyo Somali. Waa sidey hadal u dhigaanee.
  4. qawmiyadan gadbuursi sidii madexa loogu salaaxi lahaa loona oran laha labo beelood oo walaalo ah baynu nahay dadkana waa iska xigtaa cajiib.. hoostana looga gumaadi laha  sida ku xardhan falkii kan dhacay jkalbaydh iyo dila dhexdeeeda oo ah mid aan hore ummad degan geeska afrika u soo mari kuna cusub, miyaad aragteen iidoor wali si wacan uga hadlay wax aan ahayn maalmahii dhiigu qoyanaa ee la inagu sabasabaynayey, miyaad aragteen cid hadal haysa oo iidoor.
  5.  dhulbalaarsiga baahsan ee ay ku jirto beesha iidoor  ummadda kalena loogu sheego dad walaalo ah isku ciid iyo caro ah wa gadabuursiga markay dhex joogaan , markay kali yahiina allaaw ayaa idin tusa ujeedada ka dambeysa
  6. isdiiwaangelintii dhicisawday waxay sal u ahayd in dhulka iidoor baa le la dhaho adduunkana la hor dhigo 80%. kama hadli kareen , taas na lagu saleeyo xukunka dalka lagu magacaabo iidoorland.
  7.  Iyadda oo aan u wada jeedo  dhankastana ay inaga yimaadeen , midhaa waxay la mid tahay ninkii fuleyga ahaa ee islaantiisii ku tidhi habeenkii libaaxu isa soo dul taagay reerkiisa, xoolahina   ay dideen, ee istaantii ku tidhi gamruraw  xoolahii way dideen oo bahal baa dul jooga, ee uu yiri daa ha soo dhacee, ee hadana dideen xoolahii ee ay oodii jabiyeen ee tidhi wuu soo dhacay oo waa ta ridii qoorcas qoorey cabaadi , ee uu yir daa hala dhacee, jabaan la maaganee, ee uu la dhacay ee cidii ridii jaqaaqdeedii ka siibi bixi muska dambe, eey tidhi la bood .. ee uu yiri intuu xaamxaamtay yiri dhankeey ka ciyeysay aan dabo boodee …..

                Cajiib. Qodhiin iyo xeradiinee bal fiirsha  bari baa la inaga yimid, oo ilaa lughaya ayaa hadda la inagu haystaa, waqooyi  bari baa la inagaga yimid oo dila la leeyahay gabdhaa gadabuursi oo iidoor guuraday baa  loo yarad bixiyey ee gadabuursaw ka guura, galbeed baad aragtaan oo reerahii deganaa kadarcadey waa kuwan dhabi-feedho-cad u dhaafey bari.ila oodanka darey macaane.

             Waad aragteen xeebtii saylac waxaa ka dhacaya ee maanta lagu caleemo saarayo ugaas ciise oon aynaan waligeen maqal   ,  gadabuursaw ma is weydiiseen ugaaskan labada dawladood caleemo saari muxuu yahay? Ileyn dhaqan waxaa u lahaaa beesha uu ka dhashay oo ugaasyada beelaha kale ku martiqaadee caleemo saarkiisa ee…

Doqoni amaan u gadh lushay baanu maqli jirey, taas waxa la mid bal fiirsha, qaarkeen baa ku hadaaqa Somaliland baanu nahay oo gadabuursi yahay kuwo dadkoodii la jarjarey baa ka mid ah… kuwo waxay ku riyoodaan soomaliland unaga ayaa ka madexweyne ah oo waa doqontii marka beenta loo sheego ee lagu guurayo aan isogeyn heerka ay taagan tahay intay kolba dhan u jeesadto waxay tiraadhdo garanweydo .. odhanaysay ciix..ciix..Allaaa….

            Waxaa iidoor iyo ciise  iyo dabaal jooteynayaa wa midkataaba sidii dhul gadabuursi u hantiyi lahaa oo qorshaysan mid ku yiraahda soomaaliland baad nmadexweyne ka tahay , mid ku yiraahda wiilka abtiga loo yahay waa in la doortaa.. oo qarsoon heeshiis gaar ahna jiro sidii dhulka xeebta u ugu wareejin lahaa waaxwaax kolba heer……iyagua doorashada soo socota ay ugu ridi lahayeen waa heshiis isna dhul ugu wareejin lahaa kolba meel. Laakiin kan miyuu ka caqli xun yahay habartii inanteeda ciisuhu guursadey ee ka naxdey ee tidhi (gabadh bahdeed guursatoo lagu baxaad ahaydee ciise guursatee waa waxaad cuntaa). Ina rayaale gorod oo school fees tii waayey maantana madexweyne ayaad tahay la yiri, wallee in aanu mid inagaga tegeyn, ilaa gororka ugu dambeeyey uu heensinayo , ogawoo hidena waa u leeyahay dhul bixin ama gadis. Oo adeerkii aw cali akaal buu ahaa ninkii ugu horeeyey ee gadada masaajidkii ugu horeeyey magaalada diri-dhabo.kana gadda gaalkii talyaaniga ahaa ee ka dhigtay makhaasiinka, dadkiina yaabay

Adeerkiis ina xaaji bahdoona Bolol buu yarad u bixiyey oo uu ciise siiyey.

 Gebo gebo:. Waxaan maqalay shirweynahii aqoonyahan beesha uga furmi lahaa waqooyiga maraykanka waxaa dhex galay dirxigii waligeenba inagu dhex jirayey, oo qaar baa la yimid dib ha loo dhigo, kuwaas oo ka amar qaatay ina rayaale iyo wax xun ka taliskiisa hoosta gaga jira.

Waxaan leenahay shirka sidii aad hore ugu baaqdeen u wada , nacas la soo dhex maray oo idinku jirey iyaan loo joojin. Aftida gadabuursina waa sida kii ka nixi iyo kii ku farxiyawba.

60%   Gadabuursi wuxuu rabaa awdal state.madexbanaan.

20%   waa soomaliweyn.

15%   waa wadaado surwaal gaaban oo xooga ku jooga, shaarubo xiis, gad la mitiryo oon la jarin  lama yaqaan dhankay u socdaan

5%   waa soomaliland (iidoorland). Kuwo raba. Cod bixintii beelaha gadabuursi waa taa oon cad la saarin, kii kanaxi iyo kii ku farxiba.

  Shirweynaha waxaan leehay guul iyo gobanimo  calanka astaantiisii baa idiin dhiman…..

               Qore :A.Barkhadle.I(waraabe-cadde).

2 Responses to La Mood, Noqonse Weyday

  1. muraad says:

    SCWW
    Ninyahow dadkii aan cidna dhaafin Samaroona ku tilmaamey fuley iyo doqmo aan caqlilahey Isaaqan Khayimiin dadka gumaada. bal waxaad noo sheegtaa sida aad wax u rabto iyo xidhiika aad rabto inuu dhex maro samaroon iyo isaaq. waayo maqaalkaaga kuma cada waxaad doonayse ee wuxuunbaad ka sheekeysey dhaleecayntaad haso.

    Wabilaahi towfiiq

  2. shaadiya says:

    Waar waan naqaanaa adigooo kale oo qurbaha shaqona ku haysta reerkiisuna u badqabaan,jeclna inuu dalkiisa iyo dadkiisa fido kala dhex dhigo waayo wax isaga ka soo gaadhayaa majiraan. car hadey kaa run tahay kaaley oo adigu hogaami kacdoonka aad sheegayso. ogwonna cid kale kuu qaban mayso waxaad iskaaga riyooneyso. Ninka geesiyi waaka isagu umaddiisa horgala ee maaha ka intuu dhuunto ku yidhaada fulayaa tihiinee dagaalka kala anna waan idiinka dab imanayaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.