Saxaafadda qaarkood ayaa lagu soo qoray in beel weynta HABAR XUSEEN/MAXADCASE/SAMARROON, oo lagu naanayso BAHABAR CELI, ahna reerka ay ka dhasheen hogaamiye siyaasadeed- dhaqmeedadii ugu caansanaa bulsho-weynta beelaha Samaroon. Raggaasi oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Diide (Governor of Adel/Djibouti), Jaamac Saylici (President of Djibouti), Faahiye-Gadhacase (very First Sultan of Borama), Xaaji Kuul iyo rag kale oo badan, iyo musharraxa madaxweyne ku xigeeenka xusbiga KULMIYE, ee wakhtigan xaadirka ah, C/Raxmaan Saylici. Inay beshaasu ku shireen meesha la yidhaahdo XARIIRAD, oo ay go’aan ku gaadheen inay taageeraan xusbiga UDUB, ee haya talada dalka Somaliland.
Daily Archives: March 1, 2010
CIISE Ooda Soo Jabi, Al-xudhuuna Soo Dhaaf..!!!!!
“Xaqiiqatan waa wax aan la yeeli karin, anigaanba yeelayn inay yimaaddaan oo qofna ma yeelayo shaqadaada ha qabto, laymana soo sheegin. Sababtoo ah, Madaxweynahaa ila soo hadlay, aniga ayaanu ii xil saaray hawsha amniga ilaa ay dhammaanayso hawsha Caleemo-saarku. Waxaanan u xilsaaranahay Lawya-caddo ilaa Saylac oo ah inta la soo marayo.”
