Bahabar Celi Ma Shirine, Sheeko Kale Ma Haysaan?

Saxaafadda qaarkood ayaa lagu soo qoray in beel weynta HABAR XUSEEN/MAXADCASE/SAMARROON, oo lagu naanayso BAHABAR CELI,  ahna reerka ay ka dhasheen hogaamiye siyaasadeed- dhaqmeedadii ugu caansanaa bulsho-weynta beelaha Samaroon. Raggaasi oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Diide (Governor of Adel/Djibouti), Jaamac Saylici (President of Djibouti), Faahiye-Gadhacase (very First Sultan of Borama), Xaaji Kuul iyo rag kale oo badan, iyo musharraxa madaxweyne ku xigeeenka xusbiga  KULMIYE, ee wakhtigan xaadirka ah, C/Raxmaan Saylici.  Inay beshaasu ku shireen meesha la yidhaahdo XARIIRAD, oo ay go’aan ku gaadheen inay taageeraan xusbiga UDUB, ee haya talada dalka Somaliland.

Beesha Habar Xuseen(B/Celi), waxay lahaan jireen xaddaarad qadiimi ah, oo aad ugu yar beelaha kale ee dhigooda ah ee buslsho-weynta Samarroon. Xaddaaradaasi oo ah inay sannadkiiba hal mar isugu yimaadaan siyaarada Sh Xuseen oo ka dhici jirtay  degmada Garoorray ee u dhoow, degaanka Sh. Awaare ee buurta LIBAAXLEY. Siyaaradaas oo beeshu ku ducaysan jirtay, ku tashan jirtay, kuna tilmaami jirtay jidka toosan ee ku habboon inay ku toosaan. Balse  ilaa iyo intii Somaliland dhalatay, beeshanu isuguma iman siyaarada noocaas oo kale ah, oo ay dantooda kaga wada hadli jireen, duruufo siyaasadeed/Diineed aawadeed.   Sidaa daraadeed ma jiri karo isku imaatin ama shir beeleed la odhan karo waa midkii ugu ballaadhnaa  abid, ee B/Celi yeelato, oo an ahayn midka ay siyaarada waalidiintooda ku qabsan jireen.

Haddii ay B/Celi shirayaan, maxay ugu shiri waayeen Boon, oo dad  ahaan ay ugu badan yihiin, ama Libaaxley , oo aanay cid kale ku tarraxin, ama Saylac, oo wali ay ugu badan yihiin, ee ay ugu shireen Xariirad, oo reer DUDUB iyo reer GEEDI, isku haystaan,  haddii aanay cabsoonayn, ama aanu warku been iyo bug ahayn.  Beeshu wakhtigan xaadirka ah uma baahna inay ka  shiraan arrimmo siyaasadeed iyo xusbiga ay taageeri doonaan, oo taasi waxay isu raaceen wakhtigii ku habboonaa iyo xisbigii ku habboonaa iyo qofkii ku habboonaa, ee ay soo saari lahaayeen.   Balse wakhtigan xaadirka ah, waxa beesha u yaalla inay ka wada hadlaan sidii looga bixi lahaa Abaaraha aadka u aafeeyay degaanadooda.  Waxa kale oo hor yaalla inay ka wada hadlaan sidii ay usoo degi lahaayeen SAYLAC, oo ah meel ay xundhurtoodu taallo, ugana qayb gali lahaayeen horumarka lagu sameeynayo hooygoodaasi Saylac.

Wixii intaasi dhaafsan ee lagu soo qor-qoro warbaahinta ama saxaafadda dalka, waxay B/Celi u aqoonsantahay inay tahay mukur iyo murame iyo is yeel-yeel, ay ku daac-daaceen dad an dammiir iyo dareen sare toona an lahayn, oo an la socon xaddaarada reerkan ugu faca weyn, reeraha Samarroon.   Si kastaba ha ahaatee, warkan intiisa kele oo faah-faahsan: HALKAN KA AKHRISTA 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.