CIISE Ooda Soo Jabi, Al-xudhuuna Soo Dhaaf..!!!!!

“Xaqiiqatan waa wax aan la yeeli karin, anigaanba yeelayn inay yimaaddaan oo qofna ma yeelayo shaqadaada ha qabto, laymana soo sheegin. Sababtoo ah, Madaxweynahaa ila soo hadlay, aniga ayaanu ii xil saaray hawsha amniga ilaa ay dhammaanayso hawsha Caleemo-saarku. Waxaanan u xilsaaranahay Lawya-caddo ilaa Saylac oo ah inta la soo marayo.”

Sidaasi kor ku xusan ayuu  yidhi, General Maxamad Cusmaan Xudhuun oo ah Taliyaha ciidamada Gobolada Awdal/Salal  isagoo khadka telefoonka ugu warramaya wargeyska Ogaal ee Hargeysa, kana jawaabayay su’aal la xidhiidha  haddii ciidamo reer Djibouti ahi yimaadaan.  Balse hadalkiisaa kadib, ayaa waxa isa soo taraya warar xaqiijinaya in ciidamada Djbouti ay durbadiiba joogaan magaalada saylac, oo horeyba ay usii dhex joogeen iyagoo  sita dhar cad, iskana dhigi jiray inay yihiin qoxooti laga soo celliayay Djibouti.   Kuwaasi oo maalinta berrito ah iyagoo hubaysan kasoo bixi doona guryahooda, muujinna doona  muruqooda.

General Xudhuun, ayaa waxa lagu soo warramayaa inuu isaga qudhiisu hor kacayo ciidamo boqolaal ah oo u badan beesha Gadh-Xajis ee beelaha Isaaq.  Amniga gobolka Saylac ayaa isaguna ah mid ugu fadhiya ahmiyad ballaadhan dhammaan saddexda Jamhuuriyadood ee isku arki doona cumaamad saarka siyaasadaysan ee Ugaaska CIISE.  Kamana maqna fagaarahaas inuu noqon doono meel laysku faro saaro, fiiro dheerna laysku wada yeesho.  Horeybaana loo yidhi NIN DURBAAN QAATAY, CILAAQ DALBAY, iyo waliba NIN QAB WEYNIYO, NIMAAN UBA QABIN, IS QANIINAYE.

Docda kale, kooxaha Islaamiga xag jirka ah, ayaa iyaguna shiishka ku haya masuuliyiinta shilshilis ee halkaas isugu iman doona, oo la filayo inu madaxweynaha Jabuuti ka mid yahay, iyo raxan ka mid ah  wasiirada Djibouti, oo la ogsoonyahay inay midig saar buuxa la leeyihiin Maraykan/Faransiis/Yuhuud/German iwm, ee ka hor jeeda danaha Islaamiga ee geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, waxaynu ka sugaynaa Jawaab ficil iyo farsamaba leh, waxa uu General Xudhuun ka yeelli doono ciidamada Jabuuti, ee sida xaragada leh, uga soo gudbay xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Djibouti.

Wuxu soo  Arartaba, Ciise oodda Soo jabi, Al-xudhuuna Soo dhaaf..!!!!.

One Response to CIISE Ooda Soo Jabi, Al-xudhuuna Soo Dhaaf..!!!!!

  1. khadar says:

    waxaan aad utaageerayaa janaraal maxamed cismaan xudhun iyo wixiitageer san

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.