Dhaqaale Xumida Lasoo Daristay Shirkadaha Wax Dhoofiya, Saamayn Kuma Yeelan Kuwa Hubka Dhoofiya

Mahdi Ghandi

 Sannadahan dambe Shirkadaha hubku waxay noqdeen kuwa ugu badan ee dhoofiya wax soo saarka adduunka, faalo lagu soo daabacay shabakad madaxbanaan oo Holland laga leeyahay waxayna ku bilowday sidan :-shanta wadan ee ugu badan dhoofinta hubka sannadkii 2009kii waxaa ka soo galay isku celcelis adduun dhan $100bilyan oo dollar waa markii ugu horaysay taariikhda adduunka ee la dhoofiyo hubkii ugu badnaa caalamka, sannadihii ugu dambeeyay shirkadaha waaweyn ee caalamka waxaa la soo darsay dhaqaalo xumo oo sobobtay in shaqaale iyo shaqooyin badan ay meesha ka baxaan dhaqaalo xumadaasi saamayn wayn kuma yeelan shirkadaha dhoofiya wax soo saarka dhiiga qulquliya sobobtoo ah dhoofinta hubku waa dagaal casriya oo lagu tijaabinayo hubka casriga ah iyo fidinta fikradaha wadamada hubka gada ay ka leeyihiin dano gaara iwm. hadii aan soo qaadano shanta wadan ee ugu badan hubka la dhoofiyo oo uu dhaqaale badani ka soo galo gaar ahaan reer Galbeedka iyo Russia waxay kala yihiin Sidan:- Read more of this post

Arligaygoow: Maxamuud Ciise Cumar – TimaJilic (AUN)

Walhad: Raage Ugaas

Waa geeraar uu ku amaanayo faraskiisii la odhan jiray “Weehad”. Geeraarkan wuxuu inagula daadegayaa siyaabaha eebbe ugu deeqay Weehad, iyo wax qabadkiisi. Dabeecadihiisa Dagaal iyo Habsami Socodkiisa, Muuqaalka Quruxdiisa, arimahaas oo dhan ayuu ku tilmaamayaa geeraarkan.
Wuxuu kale oo uu geeraarka ku furayaa dhowr beyd oo uu kaga waramayo aftahanimadiisa ilaahay siiyey, oo soomaali badankeed ku tixgaliso isaga:
Read more of this post

Dalladda HiilDan Media oo Hawada Soo Gashay: HiilDanMedia On The Air.

Waxan ogeysiinaynaa dhammaanba Bahda HiilDan iyo AllBoon, inay hawada soo gashay shabakada Caalamiga ah ee HiilDanMedia.Com.  Shabakadaasi waxay noqon doontaa dallad isku xidha shabakadaha HiilDan.com, AllBoon.com iyo Gargoorray.Wordpress.com. Waxyaabo cusub ayay dallladani kusoo kordhin doontaa waxyaabihii ad horey noogaga barateen. Hawsha halkan ku burburtayna waxa ku faro yaraystay isla markaana wali faraha ku haya SAMARROON ROOBLE XASAN WACAYS,  oo isaga la’aantii aanay waxba noo suurto galeen. 

HiilDanMedia Network, ciwaankeedu waa http://hiildanmedia.com

Raage Ugaas: Soow Waxan Ilaawaba, Mid Xumi Ima Ogeysiiyo

By Faarax Geeydh

Raage Ugaas wuxuu gabaygan ka tiriyay dagaal ay jifadiisu (MaalinGuur) iyo Jifo Kale ooy hayb korre wadaagaan (Reer Amaadin) Wada galeen.
Dagaalkan waxaa lagaga guuleystay Jifada Raage Ugaas ka dhashay. Raage oo ku baroor diiqaya ragii ku le’eday dagaalkaas, sida Aw Cumar Xaashi, Aw-Faarax Warfaa ooy ilma adeer ahaayeen, ayuu tirshay Gabaygan. Raage ugaas wuxuu kaloo arkay, ragii dhintay, dumaashoodii inay heleen rag aan dhigmin kuwii horre oo uu isagu dhaliilsanaa. Gabaygan ayuu mariyay oo soomalida inteeda badani ku faafay.

Read more of this post

Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal

By Faarax Geydh

Guurkii iyo is af-garadkii dhiigu ku qubtay

Qisadani akhristoow waxey ku saabsantahay rag caan ah oo soomalida ku magac bixiyay, Abwaano iyo Talis xukumona isugu jira. Qisadani waxey ka bilaabatay Raage Ugaas iyo Nin uu gabadh ka doonay oo reer jigjiga ah, kadibse dad badan aafeysay. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka sasabane ee ogaadeeniya, kana tirsan gobolka jarareed ee xarunta utahay Dhagax-Buur. Raage Ugaas wuxuu kasoo jeedaa qoys talin jiray oo ugaasyo ahaa badankood, aabihii Waa Ugaas Warfaa Faarax Samatar, Raage waxaa kor uga weynaa Walaalkii Xuseen oo isna Ugaas noqday.

Read more of this post

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.