Walhad: Raage Ugaas
May 13, 2010 Leave a comment
Wuxuu kale oo uu geeraarka ku furayaa dhowr beyd oo uu kaga waramayo aftahanimadiisa ilaahay siiyey, oo soomaali badankeed ku tixgaliso isaga:
Geeraar waa nin wanaajiyo
Ninuu waraar kaga oodmiyo
Nin sidayda warkiisiyo
Wacdigiisa yagaanee
Walhadow faraskayga
Weedh yar oon ku amaanay
Wowga maan ka bilaaboWaxa soo ururiyay FAARX GEEYDH
Gamaan waa kala waare
Weehadow orodkiisu
Wadhaf dayn lagaxooriyo
Taarka layska warqaadiyo
Ma wayeenka shukaantoo
Wanaag loogu qabtaa?
Weyraxow camalkiisuna
Waraab aan u kaxeeyo
Isagoon wada laacin
Anigoo wada mooyee
Ninkii haanta ka waabshiyo
Wallayskaa garabjoogaba
Widhiidhuu kudilaaye
Wiyil qoodh ah miyaa?
Weedhaan show dhakhsihiisuna
Ma wareega libaaxoo
Intuu neef ka wab siiyay
Wid hadii layidhaahdo
Wankallaadi u boodka
Dadka waabinayaa?
Werisow midabkiisuna
Cirka oo wadhanaayoo
Wahabkii laga qaadiyo
Wirriilaa aan caddaaniyo
Ma waagoo sagliyaa?
Meel waylaaqtan col joogoo
Warmaa laysku ridaayana
Wadnahaan ku kabaaye
Wiil uu Eebbe ku siiyiyo
Ma walaalkay rumaa?
Wajigiisa arsaaqduna
Wax haddaan ku eryaayo
Ma wadooyinka ceelkoo
Roobku aad u warmeeyiyo
Waadigoo rogmadaa?
Hadaan heega ku weedhan
Ka wareeji idhaahdana
Wajaquu ambadaaye
Madaxuu kor u waaliyo
Indhuhuu ka wig siiyey
Wiyic waayac curaaf iyo
Ma wax sheeg sixiraa?
Warran waaxyaha gooyiyo
Wayab qaarka madow iyo
Ridda soo widh-widhlaysiyo
Wajaafkeeda rasaastuu
I waydaarinayaayee
Ma wadaad layaqaanoo
Wanaagii arbacuunka
Waligiisba yaqiinoo
Wan intaad u qashay
Walduxaada quraankiyo
Walleyl kuu akhriyaa?
Dadka oo wada seexday
Hadaan ooda ka weecshana
Waddankaan ku shakaalo
Ma waydaaran yaqaanee
Ma wanaagsan gabdheedoo
Waalli kuu gogoshoo
Wareegaysa dushaadoo
Wacdigaad ku lahayd iyo
Waanadii aqbashaa?