Dhaqaale Xumida Lasoo Daristay Shirkadaha Wax Dhoofiya, Saamayn Kuma Yeelan Kuwa Hubka Dhoofiya

Mahdi Ghandi

 Sannadahan dambe Shirkadaha hubku waxay noqdeen kuwa ugu badan ee dhoofiya wax soo saarka adduunka, faalo lagu soo daabacay shabakad madaxbanaan oo Holland laga leeyahay waxayna ku bilowday sidan :-shanta wadan ee ugu badan dhoofinta hubka sannadkii 2009kii waxaa ka soo galay isku celcelis adduun dhan $100bilyan oo dollar waa markii ugu horaysay taariikhda adduunka ee la dhoofiyo hubkii ugu badnaa caalamka, sannadihii ugu dambeeyay shirkadaha waaweyn ee caalamka waxaa la soo darsay dhaqaalo xumo oo sobobtay in shaqaale iyo shaqooyin badan ay meesha ka baxaan dhaqaalo xumadaasi saamayn wayn kuma yeelan shirkadaha dhoofiya wax soo saarka dhiiga qulquliya sobobtoo ah dhoofinta hubku waa dagaal casriya oo lagu tijaabinayo hubka casriga ah iyo fidinta fikradaha wadamada hubka gada ay ka leeyihiin dano gaara iwm. hadii aan soo qaadano shanta wadan ee ugu badan hubka la dhoofiyo oo uu dhaqaale badani ka soo galo gaar ahaan reer Galbeedka iyo Russia waxay kala yihiin Sidan:-
 

Dakhliga Hubka ka soo gala :-

  
1).USA $4.4 Bilyan oo Dollar / 2009
Daah inagama saarna in Maraykanku uu yahay boqorka dhoofiya hubka ,marlbaad ayuu soo labo kacleeyay ka dib markiii uu suuqa ka maqnaa ilaa iyo sannadkii 1975tii, oo maraykanku ka helay suuqa hubka adduun dhan $16Bilyan dollar ,
gaar ahan hubka culus, hubka fudud iyo saadka ciidamada ee uu wadamada kalle ka gaday ,hadaba sannadkii 2002dii dakhligii ka soo galay waxaa iska dhimay $10Bilyan oo dollar, laakiin laga soo bilaabo sannadihii 2003 -2007dii guud ahaan saamiga Maraykanku uu ku leeyahay suuqa dhoofinta hubka ee adduunka waxay korodhay Boqolkiiba 30% Maraykanka hubkii uu dhoofiyay 2009kii waxaa ka soo galay adduun dhan $6.7Bilyan oo dollar ,wax lala yabo maaha , sidoo kale suuqyada dulaaliinta ee gudaha Marykanka ayaa iyaguna ka macaashay hanti aan macquul ahayn
 
2).Russia $4.4Bilyan oo Dollar / 2009
Russia way noqon kartaa wadanka (1aad ama ka 2aad ) marka la barbardhigo saaxiibka cadaawada hoose ka dhaxayso ee Maraykanku hubka uu gado, laakiin Ruushku ma xumo suuqyadiisa hubka uu ka gado caalamka, sidoo kale saamiga Ruushku ku leeyahay guud ahaan dhoofinta suuqa hubka wuxuu dhanyahay Boqolkiiba 25% , intii u dhaxaysay 2003-2007dii Ruushku wuxuu dhoofiyay hub aad u badan, sidaa darteed Ruushku dheef badan kama soo galin dhoofinta hubka wixii ka dambeeyay sanadihii 80aadkii oo uu ka helay isku celcelis adduun dhan $18Bilyan oo dollar, oo ahayd shaqo iyo ganacsi isku -dhaf ah oo celcelis miisaaman leh. Wakhtigaas kala badh ayuu ka badnaa suuqa maraykanka marka sidaas oo Ruushku u arkayay inuu hooseeyo suuqiisu, laakiin wakhtigan xaadirka ah wax badan makala horeeyaan oo waxaad moodaa in Ruusku sannadaha qarkood uu ka badanyahay, hadaba Ruushka sannadkii 2009kii waxaa ka soo galay adduun dhan $4.4Bilyan
 
3).Germany $2.4Bilyan oo Dollar / 2009
Germany saaxiibka Europta bari wuxuu aad ugu caano maala kuna talax tagay gaadiidka Hubka daabula iyo gaadiidka casriga ah ee xambaara hubka noocyadiisa kala duwan ee fananta buuraha iyo banaanada iyo gaadiidka wabiyada dhex jibaaxa sannadkii 1958dii oo kaliya gaadiidkii uu dhoofiyay wuxuu ka helay hanti dhan $20Milyan oo dollar,dabadeedna waaba sii xoogaystay hadii aan soo qaadano sannadkii 1983dii waa markii ugu horayasay ee uu xad-dhaafay cadadkii hore ee uu dhoofin jiray waxaana u siyaaday $2Bilyan oo dollar oo uu ka helay intii u dhaxaysay 2003-2007dii , hadaba saamiga Germany ku leeyahay guud ahaan dhoofinta hubka adduunka wuxuu dhanyahay Boqolkiiba 10%. sidaa darteed 2007dii waa sannadkii suuqa hubka uu ugu fiicnaa Germany ee ay ka soo gasho adduun dhan dhan $500Milyan oo dollar oo waafiya ,marka la barbardhigo wadama wakhtigaas dhoofin jiray hubka,sannadkii 2009kii waxaa ka soogalay suuqa hubka
adduun dhan $2.4Bilyan oo dollar,Germany waxay kaloo hanti badani uga soo xerootaa gaadiidka iyo hubka ciidanka Boliska ee uu gado 

  

4).France. $1.8Bilyan oo Dollar / 2009
France Waa wadama ugu horeeya ee Dhoofiya hubka , suuqa hubka ee france cirka ayuu isku shareray waxaana loo boqray taashka dhoofinta hubka ,laga soo bilaabo 2003-2007dii Fransiisku wuxuu ahaa dalalka udu horeeya ee hubka dhoofiya wuxuuna ku jiray kaalinta afraad, hoos bayna u dhacday , laakiin saamiga dhoofinta hubka uu ku leeyahay wuxuu dhanyahay Boqolkiiba 8.56% , isku soo wada duub hubka sannadkii 2009kii Fransiisku wuxuu ku labo jibaarmay hubkii Holland ay dhoofin jirtay oo wuxuu dhoofiyay hub ka badan kii hore waxaana ka soo galay sannadkii 2009kii adduun dhan $ 1.8Bilyan oo dollar. waliba sidan ayuu hoos u dhacay suuqiisu.
 
5 ).United Kingdom.$1Bilyan oo Dollar / 2009
Boqortooyada Uk waa maskaxda Maamulka iyo Maaraynta suuqyada caalamka ee kala gadashada iyo gadista.Sanndakii 2007dii Holand waxay ka heshay dhoofinta hubka $1.3Bilyan dollar waxayna ahaayeen kaalinta shanaad Boqortooyada UK wakhtigaas waxay ku jirtay kaalinta lixaad, hadii aan soo qadano Holland suuqii dhoofintii hubka hoos ayuu uga dhacday kaalintii hore marka la barbardhigo Boqortooyada UK oo hada ku jirta kaalinta shanaad halka maanta Holland ay kaga jirto kaalinta sagaalaad oo ay dhoofisay $608Milyan oo dollar arintaas waxaan uga gudbaynaa waxaa jira wadamo badan oo soo saara qalab tayo leh laakiin aan dhoofin ama aan laga gadan suuqyada caalamka. marka la barbardhigo sannadkii 2008-2009 wakhtigaas oo Boqortooyada UK xooga ay hakisay dhoofinta hubka oo ay hoos u dhigtay $3.Milyan oo dollar intii hore , maaha run ganacsi waa ganacsi ( Busines is Busines is nietwaar) waa sida uu qoraalka uu u dhigay curiyaha faaladan. hadaba Boqortooyada UK waxaa ka soo galay dhoofinta hubka sannadkii 2009 aduun dhan $1Bilyan oo dollar.
 
Hantida ka soo gashay Hubka halka ay gasheen
Hantidii ka soo gashay hubka ummado iyo wadamo baabi’iyay dadka qarkoodna ay ku wayeen eheladii iyo qaraabadii ay jeclayeen isla markaana xaalufiyay degaamdooda xaydaabayna raaysmaalkoodii , hantiidii ka soo gashay dhiiga hubkaasi daadiyay waxaa lagu kabay, Nabadgelyada, Caafimmaadka, difaaca Waxbarashada, Ciyaaraha, Hawlaha guud, Beeraha,Darasaadka, Technologyada iyo Idiologiyada iyo daryeelka waayeelka hawlgabka ah ee shaqooyinka ka fadhiistay ( Waayeelka Jaqafsada) xanaanayta xarumaha ubadka ( Aaboole iyo Aabolaawe ) iyo dabcan bilicda magaalooyinka., wixii dhaafsan arimaha kor ku xusan saami yar oo la taaban karo ayaa laga siiyaa hogaamiyayaasha kali taliska ah iyo dulaaliinta u adeega wax soo saarkooda ee qotomiya xukunka musuqmaasuqa iyo hogaanka uu dhiiga badani uu ku daato.
Waxaa kaloo jira wadamo iyaguna dhoofiya hubka sida :- China, Italy,Spain, Belguim ,Sweden, Ukrain, Kazagstan, Thailand,India,South Africa, Turkey, Israel iyo North Korea
 
Africa
Africa waa qaarad dihin oo ay faro ba’an ku hayaan baahida wadamada horuumaray u qabaan khayraadkeeda, isku celcelis tirada cadadka Qoriga AK47 oo kaliya ee Ruushku u dhoofiyay Africa waxay dhantahay 70 Milyan oo AK47ah
waxaana ugu badan wadamada Congo, Angola, Siera leon, Liberia,,Ruwanda,Sudan Somalia,Eretria, , Ethiopia, Brundi Algeria, Masar, Chad, Musambique, Mauritania , Nigeria iyo wadamo kale oo aan la tirin karayn
 

  

 
Fiiro Gaara:- Beeralayda Qawmiyada Oromadu waxay ku maahmaahdaa sidaan maqlay ( Barbari ninkii beertay bay gubtaa ) (Barbari waa basbaaska yaryar ee cas-cas ee kulul ee Somaalidu u taqaano Orgon ),sida awgeed hubkani iyaguu dib u gumaadi doonaa ama iyagaa isku gumaadi doona . 

  

  

Mahdi Farah Aden ( Mahdi Ghandi )
Holland

  

  

 

  

  

  

 

 

  
 
 

 

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s