Abwaan Axmad-Daljir
nin salaada kaa bixinayoo meherka suureeya
insuleeqo loodiido oo laga subxaaneeysto
suuradaha halkeebeeykutaal aayad sugan keena
soomaalaay walaal kula dhashaad xume kuseeydhaane
surumada qiyaamaha ninkii siigo lagureebo
oosaciro laguleexiyaa magac xun saameeyey
inkastood qabiil sahan sateen silacu waaceebe
suuradaha halkeebeeykutaal aayad sugan keena
manaihi ragaan sareku qoran silacu waagaare
waana idin salaamaa abwaan saaxiyaan ahaye-By Axmad Daljir
…………………………………….
Bogani waxaynu u samaynay Abwaan Soomaaliyeed oo dhalinayro ah aadna u mucjiso iyo murti badan oo magaciisa la yidhaahdo, AXMAD ABSHIR DHOORRE (Axmad-Daljir) . Daljir waa wiil 30 jir ah oo ku nool Sweden. Akhris wanaagsan:
WAA SIYAASAD CAASHAQU
jiiftadan waxan utiriyey
wajaceyl dhaba
sahra maxamuud cabdi
sahro fooro
anagoo labo wadan kala joogna
marka hore salaan culus
kaaga timid saaxiibkaa
aan qiima lagu sifeyoiyo
wanaag lalasimaajirin
waasiyaasad caashaqu
adaan kuu sirbaxayaa
sanka neefta jiidiyo
dibna saxa oraahdiyo
sanbabadiyo beerkiyo
qalbi sida xusuustiyo
wadnahaad dhex surantee
sidaan ahay ma moogtahay
habeenkii maseexdoo
hurdo weeyga suushoo
adigaan saqdii dhexe
saaxiib kula ciyaaraa
aanba saamuleeyloon
ku sifaado jiifkee
saaxiibadeeydiyo
dadkiiweeysaluugeen
markaan suuqda marayaba
sheeko seeto dheerbaan
qalbigeeyga siiyaa
hadii leeysalaamana
suhuureeymaceliyee
socodbaan bilaabaa
markaan saa usoogalo
seeylad uurag joogana
filin leeyga suubshaa
saaxiibeey ladaaraa
waasidee markaan iri
saaxiibayaaloow
sacab beeybilaabaan
midbaa sare uboodoo
iguyirisaqraan yohow
maxaa samada kaajira
ma sahruujo maqanbaa
cirka suuradiisale
socotaye isdaba qabo
osamirbaan kuleeyahay
markaas baan sahwiyayaa
ooniraa saluuglaay
maxaa sida tan kaadhigay
saqda dhexe habeenkii
mawaxaa kasiidaran
markaad socoto laamiga
ilaahoow isama bixi
oosafarkeeyafududeey
nabad aan kuseexdee
jiiftadankalena waxan tiriyey
waqti anka dheereeyn
SAFAR CAASHAQ
sahruujooy waxaatahay
saxansaxo udgoonbadan
amaseeyma roobaad
quruxlagu saleeyiyo
aduunlalasimaajirin
siduu eebekaadhigay
soojeedka feeyskiyo
sankaiyo faruuryaha
suniyaha indhahategey
wejigaagu suuyahay
balaankuu sifeeyee
lamasiinin aadmiga
taawaxaa kasiidaran
soomaali baa tahay
midabkaagu waasubag
sarajooga dheeriyo
laafya seeyrin taaduna
waageeniyo socotoon
aadmi lala simaajirin
samirkiyo dulqaadkana
ilaahbaakusiiyoo
sinjibaaduleedahay
sooryeeynta admiga
sida anigu aan qabo
sune inankudhalataad
sideedii udhaqantaa
anuguna saluuglaay
ducaan kugu sagootiyey
weligaa samaantiyo
soomaalinimadiyo
calankaaga uunsido
marakaad seexaneeysana
waasalaada dabadeed
suno yaan lagaaweeyn
xuuralceeynta simanoo
janada lagu siyaartana
saaxiib aad ahaataan
gabdhihii samaayoo
soonkiyo salaadiyo
soowjla dhaqanka fiicnaa
rabibaa kasaacida
siraadkii madoobaa
fardoowsana usuubiyey
adna soowjadeeydaay
waxaan kaasugaaduco
iyo samir kalsoonile
SHEEKO JACAYL AH
waa maxay jaceyl
jaceelyohow maxaatahay
mahawiyo jinbaatahay
majuuciyodhib baatahay
mawax jiitamoodheer
oo nafta kalajaraatahay
majeestiyo colaad iyo
silac jooga baatahay
maimtaxaan jidkiisiyo
jaxiimookalaatahay
igajaahil bixiyoo
jaceeyl yohow maxaatahay
asna waa jawaaboo
jaceeylkii wuxuu yiri
janoiyo barwaaqiyo
wanaagjooga baan ahay
labadii wanaag jecel
midla jira ayaan ahay
jiilaalka gaajadu
labadeesan kalajarin
mid ujiirnaxaan ahay
janaraala deeyduna
majiiftaan dhamaantood
jabaqdeey dhegeestaan
hadal jilicsan weeyaan
qofkii igu jisaarana
markalaan ka jarayaa
waxan ahay jaceeyl wiil
mudo badan la joogoo
la jalbeebsan jirey waa
eemiyaan jisaar ahay
jahli aan aqoontiyo
jiirnaxiisa garaneeyn
markaluu ka jaaseeyn
…………………………….
HOOYO
tixdaan magaceeda waxaalayiraa
hooyo dhamaan wexeey quseeysaa
hooyooyinka soomaaliyeed
iyo ubadka eeydhaleen
dhibka eeykasoomareen
dhadagabay ninmeel soodhigtoo dheefsadaan ahaye
anigiyo libax soodhergoon soowdku dhiba heeynin
dhega nugulka naga dheer ayeey dheguhu qiiqaane
dheh uun lama yiraah dee xalaa leeygusoo dhacaye
baldhegeeyso hooyooy macaan dheeha gabaygeeyga
debci dhuma candhuuf aan dhamaan dhogor madoobaata
dheeyli xumiyo matagaan dhamaan dhiig yriyo caato
denbigeed ladhaaf hooyo soow wiilladhalay maahi
dhibaatada walaca hooyo soow dhega dhegeeynmaayo
calool dhagaxa culeeys aan dhamaan dhuuni laga quusto
barar dhaafay socodkoo dhibiyo dhabarka daalkiisa
denbigeedladhaaf hooyo soow kiila dhalay maahi
dhibaatada xaamilo hooyo soow dhega dhegeeyn maayo
markeey dhabanaheeystiyo timaad foosha dhirirkeeda
dhulkoodhiiga jirkaagoo dhanbalan muluqa soodhaafa
denbigeedladhaaf hooyo soow wiil ladhalay maahi
dhibaatada dhalmada hooyo soow dhega dhegeeyn maayo
dhib ayaan aduun kana la imid dhamista naaskaada
anoodhiriqle adigoon dhibseeyn waxn dhabtaajiifo
denbigeedladhaaf hooyo soow wiil ladhalay maahi
dhibaatada sebiga hooyo soow dhega dhegeeyn maayo
dhoowr kiilo anigoo ahoo dhamaya naas kaada
ayaan dhabarka kaajebiyayoon dhinac ku naafeeyey
denbigeed ladhaaf hooyo soow kiil ladhalay maahi
dhibaatada culeeys hooyo soow dhega dhegeeynmaayo
soondheere adoon dheefta cunin dhamista naskaada
dhulka iima quurtide dhabtaan dhereg lajiifaace
denbigeedladhaaf hooyo soow wiila dhalay maahi
dhibaatada jaqmada hooyo soow dhega dhegeeyn maayo
dha aa deeyda dadkoojiif ladhacay inad dhakoolnaato
aabena dhibsado qeeyladeey waa waxsoodhacaye
denbigeed la dhaaf hooyo soow kiila dhalay maahi
dhibaatada sawaxan hooyo soow dhega dhegeeyn maayo
anigoon dhawaaq iyo aqoon hadal isdhaaf dhaafa
dheyel iyo waxaan kaahelaa hadalka dhuuxaahe
denbigeed ladhaaf hooyo soow ruuxla dhalay maahi
dhibaatada warbarad hooyo soow dhega dhegeeyn maayo
rabigeey dhaqaaliyo ku sii maal isdaba dhaafa
aduunyadu madheeree ilaah dhaxal gal kaa yeelye
dhudhubkii qabriga iyo markeey dhabana heeys joogto
ilaah kuu dhawaaq oo xumaan dheguhu yeey koobin
qoraxduna markeey noo dhowdahay yoom ladhega taago
rabi dhaban ka kuusaar nimcaad dhuuxdo weligae
inkastooy janadu dheefsantahay dhinac walbood aado
ilaah kuu dhowee nebiyadii diinta nagu dhaafay
………………………………………………………………..
DANTEED MOOG
gabaygaana waxaan tiriyey
layiraahdo danteed moog
markeey itoobiya wadanka
qabsatay oo maxkamadaha
laga saaray muqdisho
nindareen fogaadoo qalbigu daaley baan ahaye
oo aan doowlad soomaaliyeed daawan baan ahaye
dugsiyada quraankiyo anoon deeyrka weli dhaafin
madfac duulaiyo soowma arag guux isdaba yaala
darlln keeygu maa heeyn jemhadu weeydagaalamiye
doowlad baa ladidayaa maoran dirirtu waa saase
duqeey iyo shabaab waxan arkaa daanka wada heeysta
qolo qolo inloodiriro beey danu ka geeyn weeysey
duruus waxa ilmaha loo dhigaa duulka uuyahaye
duceysane waxaa lagu yiraa qabiil doorabaa tahaye
asaguna danbuu moodayaa danafya doodaase
dagaaladu markeeyjoogsadeen doowlada latuuray
duqeeydiyo waxgaradkii magaran danaha soomaali
duufaan colaadaha dabkii derisku nookeenay
digtaa toori uunbaa qabsaday darajo raadaaya
waxba gabay asoon diirad diyo deelsan ila dhaafin
dagaalada sokeeyaha ragii dirira uun hayey
nin walbaba intuu diley miyaa darajo loosiiyey
baarlamaan dalool lihi marbuu danafyo keenaahe
balhaducato waalagu yaqaan daalim iyo tuuge
duge canbaarle ookale ayeey dibad wareegane
duqsigaba marbaalaga helaa fuudka dabadiise
iska daansha daanshoo adoo daalay baad imane
bulshadaad damqeeysaan rabeey deeqkasugayaane
taariiqda duugaa marbaa laga daneeystaahe
dulmitegey daryeel soonoqdiyo dibu heshiisiin dhe
dawo timi qabiil duugistii dayax iftiin kiisdhe
nasribaa dilaacoo xaqbaa maanta soodegaye
hogaan daacadaa laguyaqaan culimo diineede
dulmi iyo dadkaadaan ahaa weeyka diriraane
kitaab keey dugaashana hayaan daacada ilaahe
dacwadii islaamkiyo haduu yimidariiqiiye
nimankii dubkeenaan lahaa dalakan loodhiibey
ayaa ina daraabee balyaa diidey oranaaya
dalkanagi colaadbuu noqdiyo dabiyo baaruude
dalag nooma boxo oowobyuhu dooxme gebigoode
daacuunkiyo abaaraha waxaa nooga siigaranba
culimadi duceeysneeyd kuwii daaya laga waayey
dumarkeey xijaabkii hadana kala dagaaleene
wadaadada dugseey kala baxaan duhurka maalmeede
daacufle an dagaalami jirneey dan u maleeyaane
dabhashidanin nimankii barana daain ebid noole
xoolo aan ladubin beeydhaxleen iney daliiqaane
dugaageey la miitaal yihiin daacada ilaahe
ragdamiirle oonool injiru kama dareerteene
dalkanaga kuwii keenay baa nooga siidarane
walee waad dayoowdeen dhib baad dib umaleegteene
dacartaad qaseeysaab bulshada kama darsooneeyne
duqoowshaatihiin aan aqoon daniyo xeel toona
dafo hilib ujeedaatihiin dabina hoosyaalo
rabaa idin duleeyoo xornimo uma dadaashaane
marbaad daacidoontaan waxaad danumaleeysaane
soomaalidu dareen beeyleheeyd duxiyo iidaame
cadaw lala dagaaleey leheeyd daqar walboo gaara
dabrid iyo adeeyg beey leheeyd geesi diriraaya
darajana ma uuraadijirin doqon walaal keeya
imonkana dadnimo laga tegyoo duunyo laga raac ye
daaimoow alahayoow qalbiga daqarwalboo gaara
adaa daawadiisiyo yaqaan dilaha maariine
dadwanaag san iimaan degdega duunyo iyo maalle
daruur hoortay doog soobixiyo xoolo wada daaqa
calan duuban dabeeyshoo babida diirad iyo muuqle
dumariyo rageenooisjecel dooqyo aragiisa
damaashaad uaad beerihiyo wobiga dafkiisa
dugaagana barwaa duunyo iyo doolar iyo maale
duurkooda heeysaga jireen daayac meeylahae
dahankiyo saliideenuwaa darajo noogaara
danbarkooda lama maali karo xoolo kuudihane
soomaalaay dadaal ooqalbiga nabad ka doon doona
anuguna dabiibaan is iri daacad wax usheege
hadiileey daldalo iyo hadii dabin laiidhiijo
ama daacad nimadeeyda iyo calanku iidoodo
daainbaan ka sugayaa halkii lagu danbeeyaahe
igaduuba caawookaluu diirad leeyahaye
hana daalin calanyohow shacbigu waadamqanayaane
duruufaha naheeystana kusamir doowlad waad heliye
………………………………………………………………………….
GARNAQSI
gabay cusub
axmad abshir dhoore axmad daljir
garnaqsi
gablan talo aduuyooy maxaad galaba heerjoogtey
maxaa garashadii looga tegey gacalo waayaabe
gob halaawday garaadxume daddila geesi laga fano
iyo gabay dagaal lagu galoo gacaloo aafeeya
sidiiguba ninkii gacalisdila guuto kuhogaansha
garaadiyo waxaa looxiraa guunyo iyo maale
guubaa biyo wadadadi cilmiga inal soogaarey
gadgadoome oomaantawaa gacanku dhiigleeye
ganacsiga ragii heyn jiriyo gacalo sooryeeynta
gini iyo rasaas beeybaxshaan guluf colaadeeda
gawda iney kuhaayaan bulshada weynu garanaahe
goowraca shacbigu waamidaan lagaba gaabseeyne
xaajadu hadeey gaabis tahay gacalna loowaayey
miyaan gaabsadaa inaragoow godob ayaa taale
gogol baan fidinayaa hadii leey garwaaq sadie
garashiyo aqoon yaalehoo hadalka gaafmeera
somalaay intaas baan gartaye gacalo sow maahi
ana gabayga geesbaanka maray gube hadaan haayey
.. … … …. ….. …. …. ….. ….. ……
DANTEED MOOG – Jiifto
jiiftadaanwaxaalayiraa
danteed moog
waxaana tiriyey
abwan axmad abshir dhoore
axmad daljir
daaimoow alahayoow
canalkeena doogaa
haduulduulo samadee
darajadiisa sooceli
dugsi nabada weeyee
shacab yohow lakala diley
waadiga dayoobee
madareemiweeydeen
doqontiyo waxuushtaan
danshisheeye fulinee
mase iney daneeystaan
anagaaba doonoo
dabadhilif sidiisaan
hoowshii naloodiro
sidegdega ufulinaa
qalbi duuga weeyaan
dagaal ooge iyo nacas
maskax dooraneeysee
adinkoon dagaalamin
dib haloo heshiiyee
mataqaan wax kuudana
mase dibad wareegiyo
dawarsiga shisheeyaad
kudabeecad tahayoo
dumarkiyo ragaaguba
isma darajo dhaamaan
daalimiinta xoogale
dadka wexey yiraahdaan
nafta daayac oosoco
bada dalaqdhe oodhimo
hadaan dibad laguu jirin
cudurada dilaaciyo
madfacbaa kudilayee
dalka maalmo siijoog
ama daacad iinoqo
ragan iidiyaar sanu
waadableey hubeeysane
nindagaalamaa noqo
ama dumar sidoodiyo
doqonbaa xishootee
daqli adiga oon heeyn
ducfinimo kunoolaaw
hadaan laga dig toonaan
nimankaas dugaagaa
ale daaim weeyee
waxa loodan leeyahay
dabar gooyn ta shacabkee
meeska daawaneeynaa
daacad nimo ma aan arag
intaan dunida joogee
doowladihi nasoomaray
soow dabeecadoodii
digtaa toori maaheeyn
kala dila dadka isjecel
dagaalada sokeeyaha
mase waan dulmina yaa
cadawbaa dareen badan
oon udiirin ehelkaa
nacas baa dalool badan
oon weligiis digtoonaan
waana laga daneeystaa
dalku waa ideeqaa
nimcadaa diyaar kuah
laakiin dadkeeygaa
dulmanaa alahayoow
waana doowlad xumadee
denbigeena dhaafoo
danta guud nimaan garan
yuusan darajo nooqaban
hala kala danbeeyee
dadislaama baanahay
rabi darajo gooniya
degmaneeykunoolyiin
deeq aan la helikarin
uga dhigay dabiiciye
aaway kala danbeeyntii
yurub dacaladeediyo
wexeey dooni leeytiin
dadweynahan ilaaheey
ugudeeqay cimilada
ineey kala dilaanooy
dalka been kuqaataan
waxaa taa daliil uah
dagaalada sokeeyee
dabka soow ma huriyaan
hawadeena doorkaa
waxwalbeey kudeeqsiin
dhulka darajadiisuna
inta dalag aduunyada
aadmigu daneeyaa
degdeg nooga soogoa
degaan waaka limiteed
daaqa xoola dhaqatadu
weeyku diirsadaanoo
danbar beeykumaalaan
qaboow noolaha udaran
duufaano xoogbadan
buuro daadka sooroga
kuleeyldiido oogadu
intaasoo difeetaa
daaimkiina uumaa
bulshooy naga dulqaadee
dadkii nabad ku dhaqilaa
maahogaanka loodiro
dahabiyo saliidiyo
gaas dabiici yaayaal
midka ugu daqliga badan
diyaarado shidaalkood
ale daaim weeyee
dameer malab sidaanahay
asagaaba duunyaa
oon digna looxisaabeeyn
waxaa taa daliil uah
bada dacalka nootaal
daqliguu ilaah dhigay
dadku waaka jiifaan
ooma doonanaayaan
waxaataa kasii daran
dhirtii daawadaaheeyd
dadbaalaga adeeqoo
dabargooya laguyiri
waanadamac qasaaroo
dib shalaaya laga helo
xoolaheeyga doorkaa
nafaqada dushoodaa
fatamiino daawaa
oodareenka aad miga
durba jiidanaayaa
nafle wada dareemee
dhirteey daaqdo waaudug
wax xoolaha udaran iyo
dib jiryiyo qaniin male
dhulkuna daahir weeyaan
laakiin dadbaanjirin
duqeey daacad lagawaa
dhalinyaro dadaashoo
qaran doonta baan jirin
aqoonyahano kala dira
dagaal oogahaan jirin
culimo nooduceeysoo
isku duuban baan jirin
dumar diida dhalmada
ooraga diiriyaanjirin
dadka cararay ooqaxay
doowlad celisa baanjirin
dilka sabab la aantaa
awood daba gashaan jirin
ducfigiyo xumaatada
nimankii danmoodoow
yeeysan laabta kuu degin
nindareenle kama dhalan
eedagaalka siiwada
diiwaan ayaa jira
duubanoon wax qarineeyn
ninwalboo denbiilaa
balinuu difaac helo
waanu daawan doonaa
xabsi daain baajira
deldelaadna waaqodob
dilaaga udanbeeysee
dadweeynuhu hafiirsado
shayaadiinta darajada
dagaalada u hurinjirey
ilaah baa duleeyee
yaanla duugin weligood
taalo darajo doonkiyo
denbiilaha xusuusida
dadka seey ulaayeen
waain loodiyaarshaa
ubadkuha dareemee
ilaahoow nadaryeeloo
dowlad fiican nasiiyoo
dadkeeygoo isku duuban
oodabeecad wanaaga
ninwalboo dandareeysan
daaim loobarinaayo
walaal daadah nasii
rabiyoow ducfuweeyee
daldaloolka qabiilka
dadku waakudhamaadoo
dacarweeye qaraare
maskaxdeena ka doori
dibna yaan la xusuusan
daaimoow sharcigaaga
diinka aadina siisay
isagaa ina deeqdee
maskaxdeena kuduuboo
culimo yeeysan ka doodin
sixaqnoogu dilaaco
daaimoow idankaada
dhulkaan aanku dakeeyno
cir oow roobka da aayo
qoraxdaan dulmareeysa
daruurtoon marna daalin
dayaxaan soconaayoon
da aadiis sodon dhaafin
awoodaad ku daryeeshay
adoomo kaadalbanaayoon
cabsidaada ka daalin
daaim waaba nehee
adigoon ina doorin
dalka noobarakeeyoo
doowlad fiican nasii
rabiyoow dunidaan
dadka aadku abuurtay
naflihii darajeeysan
janadaad u dirtaahe
inta noodeni dhaaftid
daaqilkeeda nageey
hadaan diinka hilmaano
maalintaad dhulka duubto
dulibaanu nehee
sidaad doontonayeel
anagaa dalbanee
aamiin yaarabi aamiin
BERETAN
gabaygan magaciisa layiraahdo
beretan oo eeyku beretamaayaan
shacabka soomaaliyeed
iyo itoobiya oo iska soogashay
soomaaliya iyo wixii ka raacay
ceeb itoobiya abwan axmad daljir
badagabay bidhaan sami waxbaa lagu bisleeyaahe
qalbi buuqsan nabad beeylahdoo leeyn ubixiwaaye
birima geeydo barooreeysa oon ciduna soo booqan
colaad bururtay shacab baabi iyo barakac weeynaadey
bahda oon qabiil kaaga jirin gabay hadaad boobto
boqorkuna aqbalo ducada waa loobaxsanayaahe
barakada hanaga lumin aloow waala baabaye
bulshaweeynta soomaaliyeed boogta wada gaartey
biiem guuxa taangiga baraxan beebeiyo foodhi
biiteeym waalan hoobiye belaa jiib burburinaaya
baroonsocota shilke baac sadiyo suug bel belinaaya
silis buuxa bardalool watoo sebenle baal joogo
bashta kebiye aakoobelaa faal bam lagu taagey
baroon teedhi birigaanyo silis seeyr banbada qaata
booshkoo bam buuxiyo rasaas macal bistoolooyin
intaasoobalaayaa waxaa lagu baroobeeyey
barta laga xukumo raga nimada labada buur buuran
midlabixiyey mid badbaadeyoo weli la baac saayo
oobaadi gaab lagu yiraa bilis lasoo waalay
barafkiiah oolaga baxshana koran belaa weeye
isusoo baxaay soomaaliyeey baadi baa tahaye
indho bacoola maskax aan bedqabin beer damlaga waayey
biliaadan waxan loomaleeyn bahalo soow maahan
neef baqtiyey bariis yahay tirxigu biro usoofeeysta
bisadaha sioodaad ilmaha baad ka dhigataane
uus biintaara majo biifanaa bararka kaa muuqda
iyo beelabeeleysigaan laysku baacsaayo
isbiimee badbey sababtay aan laga badbaadeyne
inan nahay bilaash ina ragoon koox barkuma taala
boqorkaa og biniaadan waa nagu barjeeyaahe
boolida waxaan quudanaa badar sidiisiiye
lacag been abuur ganacsibaa lagu bulaalshaahe
sixirbararka sii badanayiyo beenta soconeysa
bismilee miyaan laga bexeey beladan faafeysa
baranaye xumaatida bulshooy meel kastaba buuxda
iyo qaranka beel dirirka uun baawar lagu siiyo
oo buushyo xulufadi wataan waadka baqataane
raga calanka baabay marhore beylah ka ilaalsha
oo cadawga baashaalka iyo baawarka u diidan
madaxii bed qaba waa ogyahay barana meysaane
boqoradii xoreyntaan iraa qoonkii beeylahaye
alahayoow bilqeyrliyo u curi maalin barakeysan
oo baaxad iyo sii awood cadawga beentaale
burji diini baqadirirka gaal wuu baxsanayaaye
ayadoon biyaha loo kabeyn boobe aan marino
baqtigooda waxaa lagu gubaa booca iyo tiinka
baroortooda waxaa laga maqlaa buuqyo alalaase
burcadyahay lasoo taba baroo boobtay shacabkeyga
adigoon bed qabin baad ku noqon buur itoobiya e
baqataye inaan kaa haraa beerka kuma taale
wax dhanbaad bulaashaye hadaad baadi ii tahaye
ha belbeline beerkaa adkey baawerkaa dhmaye
aniguba bukaan baan ahaay meyd barkimahiise
ilaahaase ii beer laxwoo waan ku baacsadaye
adigoon baqtiga quudanoon bari hawaash gaarin
in barkimo habluhu ii dhigaan ubadna ii beermo
beyska nolosha iiguma jirtee baro tacliinteyda
hilibaan bislaan nimanku baray maalin barakeysan
inoow beejo kaa goyn raboow diin ku bari doono
ayaan badar sidiisii maogid beeray waa hore e
tikireega badankiis markii beerka laga toogtey
amxaaraduna beytu laah gashooy barato diinteena
bah wadaagta oromaan iraa baawer adigaa leh
afartaas bisleeyeye amxaar balaqyo diifkiis dheh
bushintoo cadaatiyo abaar biijo iyo ceeb dheh
kilinkii barwaaqada ahaa barashadiisii dheh
en efdhiidi eey biiqsadeen baalki loo fidi dheh
baadidii ka bexe oo hadeer leyn ayaa baxay dheh
calankeyga bulugaa haduu ii babanayaa dheh
beerkiisa xidigtii ku tiil baawer kale sii dheh
bil halaga dhigaan oron lahaa beerka uga taal dheh
aqoonyahanka beylahay mar hore baro dalkaagii dheh
xoolaleyda beeraha fashana biladahood sii dheh
ciidankeygu waa badanyehee soo banaan baxa dheh
ciidamada badoo sharafta badan bililiqdiidkood dheh
booliiska seeriga watoo beled aqoontaa dheh
mila tariga boobaha watoo boorka kicinaa dheh
gaal bisleeye awood baaxad weeyn booba cadawgiindhe
miig ah birimo beylood wada qatara baadil jebiyoow dheh
biriq weeye aadmigu ka baqo baro sawaariiq dheh
amxaar weyle waakaa bogteye beylah weligaa dheh
afartaas bisleeyeye abwaan beriya qawlkiis dheh
suugaan bilicleh abwaan soo bandhigay bara dadkiisii dheh
beladiyo shayaadiinta badan biriq asiibee dheh
xaqbaa soo baxaayee ninaan baqi oraahdiis dheh
soomaaliyo bir wey wada tahaye wiil usoo baxay dheh
hadii been naloo sheegi jirey baranay ceebteed dheh
abwaanadu hadey baraf noqdeen biyo dhexdood yaal dheh
qarankeey bur buriyeen ayaan maanta bilayaa dheh
shacabyahow banaan baxa hadaad baalal leedahaye
……………… ………………………… …………………………
AF-LIBAAX
gabaygaan aflibaax
waxaan tiriyey dagaalkii
itoobiyaanka iyo maxkamaduhu
eey dagaalamayeen oo ciidabada
dharka doowlada wata shacabka
eey dhacayeen kuna dhacayeen
diriiska doowlada rayadkana
lagu tilmaamayey argagixiso
2007,7,25,
ilaahoow ilaah kalemajiro adiga mooyaane
umadii rasuulkaanohoo oomangebigoode
aqli malahan soomaaliweey kalairdhoobeene
aragtida afkaan lagu hadliyo oogadiyo muuqa
adigaa ilaahoow ka dhigay axad dhamaantoode
aduunyada ayeey daadsantahay eheladeeydiiye
odayiyo haween oodinqaba ubad tabaaleeysan
arxan wexeykasugayaan raboow adiga weeyaane
shacab wada islaamoo xabado lagu asqeeynaayo
oomaarta olokeedka qaxay duurkawada aadey
arga gixiso weeyaan layiri aragnayo soowmaahan
ooaduunku eeganahayoo loo arxami waayey
eeyska amar ilaaheey xaqwaa soo ifbaxayaahe
injiteey abaareeysatoon nooarxamaheeynin
iyo ehelunaarada shacbiga uurka kalajeexay
amarbuush aqoontiikaxaday iibshey qarankooda
ooinloo amaalgudoraboon aragnay weeyaane
midwalboo istaagoo qudbada erayo sooqaata
umadeeyba kalageeynayaan amarilaaheeye
idaacado waxsheegiyo ma arag ehelusuugaane
afkeeygacanta saarteen waxbaa looaqrinayaahe
abwaanadu aqlaha kama baxaan weeyafjigayaane
indheergaradna taariiq marbuu nooaqrinayaahe
ragakii usquda iyo midkii aragtidiis sheega
iyo kii ayaga raacaoo shacabka aafeeya
qofwalbaba amaalkiis runtaan soo agdhigayaahe
ibliis iyo nin iimaanle waan kala aqaanaye
balaan aragno ruuxii ajara eheladiisoodhan
shax irmaana ooqoom anbaday looansixinaayo
oo ameerikaan degey ayaan maanta aragnaahe
aayadaha kuraan buusan rabin gaalku ebedkiise
arga gixiso waxa looyaqaan ubadka soow maahan
soomaaliyeey waxa ildaran adugu soowmaahid
arligiisa kiiloogu yimid eheladiis waayey
anshaxna anleheeyn ooqabiil uriyey soowmaahid
dad aqoonla oomeelkastaba lagu idaaceeysto
ooanfoco karaadiya aduun ebera soowmaahid
ayaan xumo abkood qoomdagaal olosha soow maahin
indhaha duub adoomada gobaa lagu aruurshaahe
afka kiika yeerana qabtoo madaxa aafeeya
sidii ido wankiilaga qashoo coowska urinaaya
anfariirsan waanada adaan kuu aqrinayaahe
haogaal la aan ina ragwaa kii amxaar dila e
iyaba wexey inoo leeynayaan aanadii hore e
adisoo muqdiqo laga amreey orobadii neeto
usoo ola oleeyeen maskiin waaitaal gabaye
soomaali anfariirsaneey waxkusoo ooday
isha lagama fiirsado waxaan laga ahaaneeyne
arligaa difaac naga rabee eheladii meeday
aanada qabiilkaba ragbaa lagu ilaawaahe
mainkaaran yahay wiil amxaar ula usoo qaatay
mise aar inuuyahay ayaa ubadka loosheegi
ilmobaahan hooyoo ildaran aabe tabareeysan
ilxumada tan wax iiga roon iilinleeydhigo e
arin uguba weeyaan eskeri iibshey qarankiise
askartiilaqoray ooweliba kuu abtirineeysa
inamxaaro kaaceliso waa oodin kugu taale
ildhaqaalo goorteey arkaan unugta meel joogta
efwan iney ulaalaadiyaan waan ogsoonahaye
afka qoriga mooyee mushaar uma arooraane
sida umada loodhoco ayaa lagu abaabshaahe
shacabyohow islaam kaa hadeey edebu naafoowdey
in aduunyo lagasugo kuwaan waa ayaan xumo e
isbaarada anfaca laga sugaa unugba meelgeeynta
diin aroor layiri weeye oo aayga loo raraye
shacabkii ileeys moodayoow uurka wada duubo
awoodeena inan biirsanoon erino gaal raaca
albaab kale ninkii furikaroow soo ifbixi maanta
hana oran ibliisbaa xukumi ehelu toowxiidka
soomaali isir kalama lahan aabebaa dhalaye
ragu inanyar hoow qeeybiyeen odayo wiil kiisa,
waxba yaan indhaha leeysku qaban kala irdhoow deene
………………. ………………………. ………………………… …….
HAGARDAAMO
hagardaamo 2009,8,29
gabay axmad daljir sodonjirdegan iswiidhan
kudhashay xaradheere kubarbaaray muqdisho
hada gabayga wayahan ka haray himiladeediiye
haatufbaase iiyimid markaan soohangaafsadaye
hikaadiisa leeyguma qabsado heeybad iyo luuqe
mahaleelay hilaac iyo sidii roob isdaba heeysta
dhulkoo hodana hagardaamo gacal heeyb malagu faanay
war reer hebelyo reer hebel markii holaca looqaatay
hilbihiina soow haad dibjira kama hamuun beelin
intii kahadhay soow maar hugmee haaro umayeelin
hooyoominkii miya asaay hadiyad loosiiyey
halhaleel miyaa looga qaxay maarta hugunkeeda
haatun iyo waxaa nahay dadaan cidu uhiileeyne
odayaashu haal daa warkii maba haweeystaane
habheeb beey nataageen hadana duul habaar qabae
hadaadunbaan kajoognaa ragii lagu han weeynaaye
hadhiinada agoontiyo ragbaa heeryadood cunaye
haadurbaa shacbigu wuxulahaa looga hoobsadaye
haladoodin beey maatadii ula hor seedeene
halraradbeey qabiil nagu hodeen danu uhoos taale
heeceyn harsala baarasaas lagy hogaan shaahe
heeka heeko waateey aqlaha uga hadaafeene
halhaleel markii looga qaxay maarta hugunkeeda
haruub daatay waala hamijirey ficil usoohaabo
eeyaa hakiyey haranka waa kuhawo beesheene
ubadkoo habeeniyo dharaar gaajo halakeeysay
habluhuna lafiyo harag noqdeen oonla hadal beelay
hantidii dadweeynaha qoryaa lalahortaagnaaye
ragyoow hilibka ubadkooda cunay horor maxaad dhaantey
waxwalboo hunguriyaad qabiil kula habaawdaane
hawo xumidinaa iga waloon laga hodmeeyn beene
ubad hooyo eeywada dhashaad heeyb utirisaane
hogaamiyaha beeshoow walaan halako kaayeelin
imisaad halboowlaha jartoo birola haadeeysa
imisaad haldoor qarandishood haada tirifeeno
imisaad halyeey oranjidhoon naarta huridoonin
nafsaakuhaya hagardaamogacal haawiyaad tegiye
hoga harag qurmiyo waxa kujira halaqyo waaweeyne
hogaan raadiskii wuxukubaday holacinaareede
gaaladii habaawdiyo fircoon kama hareeysaane
kuharaadbax halaag iyo dhibaa hadiyadiinaahe
hebednimada qaarkeed dadwaa laguhalagaahe
hiinaayo nimankii nabaday halaka aan joogno
oo hadana halkeey gobilahayd haabta naga diidey
wax walboo hunguriyana qabiil kula habaabaayey
honog waayagii qubijiree aragtiyaahaaya
maanta waa hayine kaalayoo haraga iisiiba ,
afartaas masooheeybsadee hanad oraahdiisdhe
raghaldoorki heeybkama gabyee qaran hilaaciisdhe
hagardaam hogaamiye colaad hadal uyaal meeldhe
hanbadii nin hoos ula hadliyo himilo taariiqdhe
iminkana halyeey kama tagee hadafka aan taabto
runta laga hakado waaqalqiga hadimadiisiiye
mahaleelay soomaali weeyn horumar eey duugtey
inta oday hangaafo ah shacbiga lagu haleeynaayo
oo hadalka loo dhigo dadyoow haa la,oranaayo
weeydun kala haboowdeen hadaad horumar moodeene
hab ilmuhu markeeydoonayaan hadalma daayaane
hadaaqbarad miyaanahay runbaan laga hayaameeyne
tacliin heera jaamici hirgala oday miyaa haaya
maskax hodona oon horay ubadan himilo shaybmaaleh
hogaan toosan halyay lagu hurdiyo heegan odaymaa ah
hawl kartileh shaqaale aan harsayn cadaw horayntiisa
hami kacaya umadyahay hurdee habacsabnaantaada
rag wuxuu haldoor yahay intaan haragu miin yeelan
ishulaab haduuu dhidid hurdiyo halamacood yeesho
haybad walid buu leeyehee yaan la halakaynin
ninhamuun dadwaynuhu u qabo hagarna aan yeelin
ayuunbaa hogaan laga dhigtaa mana huraysaane
isusoo hoydaay soomaaliyey kala haboowdeene
hogaankana u dira wiilal noo heelan baa jiraye,
afartaas masoo heybsadee hanad oraahdiis dheh
rag haldoorki heyb kama gabyee qaran hilaaciis dheh
hagardaam hogaamiye colaad hadal uyaal meel dheh
hambadii nin hoos ulahadliyo himilo taariiq dheh
iminkana halyeey kama tagee hadaf kalaan taabtay
dhulkoo hoosa hareeraha dalkoon cadawba loo haynin
hirka webiga beertoo hayina doogi halac leeyo
dhirtoo hogolcas hoobaan miraa haadna laga waayey
oo xoluhu hareeraha guryaha ka hirqadeen dooga
hideheena dhaqankii hufnaa aqal la haaneedshey
halo ubad leh owrtoon ka harin inan u heesaaya
iyo hooyo haamaha cushoo ubadka noo heysa
lo hagaagsan dibiyaal hertamay weylo horay jooga
oy habluhu haruubada wataan subagu heehaabo
riyo horina hufhufley orgiya waxaro hiihiile
oohaamo caanaa martida lagu hamuun gooyo
wanan hibi leh hormadoow laxaa sumay hadaaqeysa
baan qof hadala subagaan la helin horumar daawaa dheh
hoosmadow badwayntaan hindiya qeyrka lagu heysto
malaay hiliba aargoos hantiya qubo hamuun goysa
libaax hodona hirarkoo cambara luulka laga haabto
maraakiib hagaag waxusafrida ganacsi hoowshiisa
shidaalkoo habsami looqodoo dunida heehaaba
inta habardugaag iyo ugaar hebed udaaqeeysa
in ilaah hawada soogelshaa nagu habooneede
rabiyoow intaba hoonatiri oomacuno hilibka quureede
halbanbeelay mooyiyo waxaan gaal laheeybsadoe
soomaal ilaah waa halqura waalidkuna namahabaaraane
halujeedo dadkoowada hamiya hooyogurigeeda
iyo hurumarbaan idan ilaah kaahamiyayaahe
hawadaas cimaarado kuyal laamiwada haaya
hantiweeye lagusoo hirtee taalo hodan tooyo
jaamacad hogaan sareleiyo maado kala heera
waanalama huraan inanjahliga nalagusiiheeyne
aroos hodana haween iyo ninkeed heelo iyo dhaanto
ubad heelan iskuulaad hirgala macalimiin haaya
diriis heerba heer laguyaqaan halaka uujoogo
hoosedhexe hilaaciikansare hadalmidkaad doonto
kahamuunbax jaamacad hantiya biiejlaga haabto
intii heeybyo tanbaa iguhaboon laiskusoo heeystey
aduun horumargaar oocirkeey kahawisaayaane
anana sidi habaar duul qabaan hoos usoconaahe
dadhilmaamay ineeyhodan yihiin hoorsha gacantooda
oona heeybad iyo doowlad nimo ubahinaaseeynin
horteenya arkaba caalamkaa lagu habaabaahe
alahayoow adaa helikaree waxankusoo heeybsho
hogaan diina shacabkoohntiya calamoheehaaba
dad hogaansan hididiile nabad heeybadlagufaano
nahanuuni eeboow adoon hoogteybaanahaye
halmar iga ajiib maantawaa halis dadkeeygiiye
hogan xaqa adoontoowbad hela narnalaga haayo
janowaa hagag ooilaah nagu habooneede
hidihii islaamiyo hadaan hadafka diinteena
hogaan lagusaleeyn maanagaa horumargaareeyna
afartaas hantiyey maasowaa hogotusaaleeyne
haqabtiray afsoomaaligii lagu hanweeynaaye
igahooya caawaan murtidu iga hababeeyne
………………… ………………….. …….
DADYOOW MAY MAQLAYSAAN
jiifto dadyoow meey maqleeysaan
2009,8,30
dadyoow meeymaqleeysaan
qabiilkaad danmoodeen
doowlad laguma helayee
dabadhilifyo tuugbaa
dalkeena uheshiiyoo
doolarbadan kuqaatee
qofdamqaday miyaa jira
ishii noodareeydbaa
dhirbaaxadu dabooshee
dhibadjoog masharafbaa
culimadu madoodee
quraan daadeheeyntii
madaayeen dhamaantood
abwaaniinta doorkeey
damiirtoodu taagneeyd
dibmiyeey uceliyeen
darajiyo wanaagii
calan keena doogaa
maxaloo dibdhigayaa
ileeyn doqoni calafmale
dalkeedoo barwaaqaa
ayeey dibad wareegaan
diracyan eheeynwaa
midnimada udoonoo
ilaah diinkawadadhigay
doowladaha agteenaa
wadnahaa dikaamoo
nalaguma degdegi jirin
iminkana dadnimoxumo
doqonimo naheeysaa
dhegaha naga dabooshee
madabaanku faanaa
dugsiyadi quraankiyo
darihii qurxoonaa
duufaan colaad iyo
dabaabaad miyaa gube
aduun yadu dagaalkaan
wixii neeysku keendiray
daliil beey uwaayeen
dadweeynaha islaabkaa
ayaa noodamqadayoo
doowlad amad uyeeshaan
ayeey daawga geliyeen
derintii naloodhigo
doodikama dhamaatee
diiwaan masidataa
weligeed malagudaray
diciif nimada teenaa
manakala dareernee
midkii aan udeeynaba
deeqdiilakeenuu
damag uunka siiyaa
dadka markuula joogaba
qudbaduu dareershaa
adkuna wexey yiraahdaan
daacad weeyye wiilkaan
ilaahoow inoodaa
markeey gaajo deeysana
dagaalbuu bilaabaa
duqeeydii ladhaawacay
caruurtii ladaayacay
iyo geesi dooroo
qabiil weeye loodiley
maalinteey daraan tahay
wanaagii ladoonaba
dagaal ooge yaalbaa
diidey uun yiraahdee
isma darajo dhaanoo
dhaqankeeni duminee
soomaalaay isdaba qabo
walee waad dayoowdoo
dabeeylbaakusidatoo
dugaagaa kudhaamee
soomaalaay isdaba qabo
daanyeertuba aroortii
midbeey daba kacaanoo
daaqsinkii usoowada
waxaa taa kasiidaran
dabuu ciidkasaaraa
hadiilaga daliiqada
daamankuu guduudshaa
anagana duleed kiyo
daafaha aduunkuu
dumarkeenu joogaa
ubadkii duceeysnaa
dayacnoo shisheeyeey
doofaar la feentaan
maxaa diidey nabadii
maxaa doorshey maankii
maxaad doowladnimadii
dadkeeygoow kuweeyseen
rabi daain weeyee
dacarbaad ka dheregteen
waadse daaci doon taan
dhulmigiyo dhibaatada
……………… ……………………
HUBKA DHIGIS
axmad abshir dhoore axmad daljir
hubka dhigis
hubka dhiga aduunyadadhanwaa naga horeeysaahe
heeybadiyo wanaagii hadeer waalahelayaahe
ninwalboow hormoodnoqo siyaan heeruwada gaarno
hagarli i wax uguqabo sidii kula haboonaata
adigoon halaageeyn bulshada harana sooqaadan
heeybad waxad uleedahay dhulkeey hooyo leedahaye
haatufkiyo shisheeyaha adoon hadalka sooqaadin
hubso oowexeeydoonayaan kalahabaawgeena
heshiis kulama ahan eeadeey kuholcinaayaane
waxa eey haraanka ugabixi hibitiqeeniiye
hoosaasin beeneeywadaan hagaryo duulaane
carabkaba hadaan iligka harin horayma joogeene
kuwii hiilka noodoonan jirey nama haweeysteene
siyaasiga hurdaayoow belaa hanaqa kuutaale
ninkii hooyga kiisaalayiri qoray usoo haabao
hooyadiis markuudilo ayuu garan habaarkeede
maharaan baxaayee beluu hoos ugelayaahe
hakaharin hadaan doowladbaa lagu hanweeynyahaye
soomaaliyoo hanaan doolad nimo uhanqaltaageeyda
ooeey habaryo wiilkeeydhashiyo oday uhaadaayo
ninka nabada nala hagayey waa ina habreedkeene
hagarlii waxqabashada markuu bilo nasii haayey
hooda gacanta hiilada dadnimo hadalwanaagiisa
horusocodka hoowshiyo calanka soo haadey
hoona dhehe haween iyo ragii nabad uheesaayey
mahilmaamo weligiis ninkeey hooyo korisaahe
alahayoow adaa hodanahoo nabada noohaaya
aloow hoos uliicnaye markaan horay inoo taaji
aloow kaan hanaankiyo jecleeyn heeybadiyo diinta
kadhex haati muuhanan karee hoowsha dhaqan keena
hogaan diinta heeystoo aloow hagarta diidaaya
halyeey nabada jeceloon aloow hiilo garaneeynin
hooyoiyo caruur wada hudoon odayo haasaawe
heshiis waara hoodiyo kal gacal horumar taariiqle
………………… …………………………. ………..
DHOOHAN
axmad abshir dhoore axmad daljir
gabaygan magaciisa layiraa
dhoohan
dhada gabay hadaan dhuujiyoon dheelika ilaalsho
dhacdo hore waxaan dhacay hadiyo dhaqamadii yaaley
waxba dhaafi maayee hadaan dhinac ka taataab to
ninkuu dhibo nikii dheef sadiye dhaqan midkaan yaala
dhacdadiyo ujeedada anoon qodobka dhaafeeynin
anoon soo dhoweeyneeyn cidoon qolana dheereeynin
idhegeeysta duulyohow dhimani hadal ma dhuux daane
waxna dhiba madiidaan runtana uma dhowaatiine
mawaan sida la dhaafeeyn dadyohow weeyska dhimateene
dadka dhoowrsan iyo maalin taan dhaqanka loolaaban
dhibka kama bexeeysaan dadyohow dhegaha taag teene
dhulkanagu dhaqaaluulahaa meelkastaba dhooban
dhismo iyo wanaag buulahaa dhaxal galoo fiican
dhaqameey lahaayeen bulshadu xeeral lagu dheelin
diintaa dhextaaloo majirin dhinac kaloon aad no
dhalinyaro xishootaan laheeyn dhiiri lagu faano
oday dhinac ka joogaan leheeyn samaha loodhiibo
dumar dhaqanka jecelbaan laheeyn aqalka loodhiibo
ayagaa dhalaan taba baroo hadalka dhuux siiya
dhaqankeenu waatuu ahaa dhaayda iiruxa e
ninkii dhaqasho geel kaa badsaday dhaxalna kaaweeyne
markii leeysku dhugo dhinacyo badan dhimasho reer gaartey
isagaa la dhiibaa hadaan laisku dheeleeyne
loodu dhaxalgal weeyee hadaan dhinac ka taataabto
dhaaydeedu eaa subag hadii meel laguu dhigo e
ariwaa madhaafaan markeey dhaqasho reer joogto
isageey dhalaan kiyo habluhu dheefka helayaane
araftaas intaan soodhex maray dhoowr maka hikaadshey
bada dhaafi maayee hadaan kuudhex galo maaso
xoolo aadandhaqanbuurabigu kuudhexigay taase
dhuuxiyo lafaha subag ayaa kaaga soo dhaca e
dhafoorada kujiidmiyo ishaa dheeftukaa geliye
sidiiaan usoodhuran leheeyn maan udhega taagno
inaaddhaafi qeeyrkaa maogid waanse kuu dhigiye
dhabuqaado taladeeyduwaa dhaxalgal kaagiiye
waxadheeyli fuud laga helaa dhega caleen leeye
wobiyada dhulkeenoo miraha lagu dhaqaaleeysto
beertoo dheeeysoow biyaha dhinac ka siiyaahe
aan dhaqaaqno xoogeena waan uga dhergeeynaahe
amadhoofa ooina ibliis gacan haloodhiibto
inta ninam ladhoowraa waloon dhaxal lagaareeyne
aan dhameeyno niman yohow ragaan dhiiganaga daadsheey
oowaan dhib loo arag abwaan dhoowsan baan ahaye
aduun yadu dhib waasoomartiyo dhamacyo baaruude
kalamana dhaqaaqaan hadeey booga dhimiyaane
mawaxaa dhiboowgiyo nabaday dhagarta aan baaqan
uma dhalanba soomaalidu dhulkee dhaqan ayaa keenay
…………………. …………………………. …………………..
LUULYO
jiifto 2009,luulyo,1,
axmad abshir dhoore axmad daljir
bishaluulyo waakoow
bishaaraadilaacdoo
waatiileeysusoobaxay
taariiqdeena baaldahab
boqoradikageliyoo
cadawgeena baacsaday
ragwalbaba beyaan lehe
soomaali bilicdeed
nimankii badbaadshaa
baalka dahabigaa mudan
axmadgurey bidhaantii
amxaar waaka baqijirey
seyedkana bulhaan tiis
gaalku uma bardhigijirin
wixii hore kasoobaxay
xornimaa bulsootiri
swl baa bidhaamisay
boqortooyo weeyaan
magacaan bilqeeyrkaa
calankii badbaadyoo
durba waakan soobaxay
banaadir xeebeheediyo
bartamaha hargeeysiyo
bari iyo nugaal iyo
beldweeyn kismaayiyo
dheeydhabiyo ilaa luuq
baraawiyo mar xaradheer
calankaa babanayoo
bilicdiisu waacaan
bidhaanroob cirkooxiran
xidig beerka loodhigay
ama dhulug cadaanloo
shanta lagu beyaanshee
cadawgana baroor diiq
midbaahiyu ku raagtoo
bushimuhu cadaadeen
midbidaaru leeftoo
bahdiisii kasoo tegey
mid baalootadeeniyo
waran beerka loodhigay
dhulku waa barwaaqoo
baliyada xareeduna
meelkasteeyka buuxaan
dhirtuna waa bislaatoo
ciida meelbanaan male
shacabkuna barwaaqiyo
baraabuuku noolyahay
afrikaanka badidii
gumeeysiga kameey bixin
qaar nagu baroortoon +
labaadi goobnay baajira
xurnimoeeyka baqayeen
dhulka baaxadiisiyo
bilicdiisu waacaan
badbaa nagu wareeg too
baahi sheegan meeynee
rabiyoow bilqeeyrlaa
maalintaas bidhaantee
soomaali badankeed
maanta baaba weeyaan
eebarakada hanaga lumin
diintu waa barwaaqoo
gaalaa baacsaneeysee
awoodooda baabi i
hubka lagu badraamiyo
diyaaradaha buubaba
muslin kama baqanayee
aloow barafkasiiyeel
falastiin badbaadaa
afqaanistaan bidhaan wacan
iraaqoo bishaaraa
soomaaliyoo barwaaqaa
ooxaqa lagu baraarugo
ilaahoow baryeheeygu
basiid weeye agtaadee
baahideena dabool
ilaahoow bishanmaanta
midbalaayada reebta
xaqa baaxad uyeesha
soomaaliyoo isku beera
wanaag oowubilaawdo
beldekeedna dhexjoogta
basiidweeye agtaadee
baahideena dabool
rabiyoow bugtadeeniyo
bahdilaad wadankeena
kuwiimaanta barbaarsha
bash kasii indhahoo
waxba yeeyubidhaamin
ninwalboo birismooda
seeflasoo baxsanaaya
weligiis mabadbaado
marbaa booca lagooyn
ajasha uu barkadaahe
baadilkaas naga leexi
basiidweeye agtaadee
baahideena dabool
xornimadii bilodhaaftay
ooknton siibaxsaneeysaan
baadigoob ku hayaaye
ilaahoow bilqahaaga
kubad baadi dalkeenoo
barakadeena haqaadin
basiid weeye agtaadee
baahideena dabool
aamiin yaarabi
……………. …………………..
ISMADHAANTO
ismadhaanto 2009,8,25,
dhada gabay abwaan waadhaxloo dheefsadaan ahaye
madhantaalo maasada iqyaar dheehabaan ahaye
nindhedhemiyey muuqeed ilmadu weeykasoodhiciye
suugaandhinac ubadan iyo necbaa dhuxula naareede
haldhuuxo dhigeeyoow waxbaa dhibay nafteeydiiye
hanaloodhameeystiro ninkeey dhibi oraahdeeydu
dhameeysmaaha uunkuyehadaan yare dhaliilyeesho
sodonsano madhaafine halkii dhiriqle iisheega
manadheelin doonoo murtida weeyska dhiciyaahe
baldhegeeysta nin dhaxaltooyadiis dhicisay waa ceebe
dhulkeeygoow salaansoodhaxdoo badaha soodhaftay
oodheemaniyo luul sidood ila dhalaaleeysa
misna dheeha bulugiyo cadaan calanka dhuuxiisle
ayaandhiib isiri eegudoon dhaawacbatahaye
quluubdhimatay iyo dhega xirmoo waano laga dhoowray
ayaakaadhasheesamir adoon dhoohanbaanahaye
dhalaankii waxkuuqabanlahaa maalinbuu dhalane
dhoowr odayo dhaqanbaa hadeer dhaanto kuuwada e
dhooqoiney majahakuugelshaan kama dhamaadaane
hoowl dhicisa hadalinadhiboo dhuunilaguqaato
ayaa lagadhaxlaa igawaloon nabadka dhoowreeyne
hayeeshee dhankade iyo walaal dhiiglebaajira e
hadhibtoon dhulkeeygoow ragkugu dhaarta baanahaye
qarandhacay colaad aandhamaan maarisdaba dhaafta
iyodhiig sokeeyoolaqubay dhaawac iyo meeydle
doowlad dhexe dhaliilaye dadyoow qeeyr malaga dheefay
qabiildhicisa uunbaa dhashee nabadmiyaan dhuuxnay
hogaanwaliba maalinbuudhashaa wana dhacayaaye
duqa dhaafa yaayiri inaan dhagarno mooyaane
dhiigyocabyo aandhoorso garan soowmanagu dheelin
dhinbil wada tareesaa qasnado booshkalagudhoobay
dhulka iyo cirkiibeeys qabsaday dhara racdoodiiye
dharkeeydhigatay ooxaajadii dhega xanuun reebtay
dhibkadaashey soomaaliyeey manadhaqmeeysaane
ceeyr soodheceeysaad duun gacanudhiibtaane
dhulkiiyaadhisaa waayadaan labadhaqaaqeeyne
dhoofnay eemiyaa laga dhanyahay dhaxal absoowmaahan
soowinlaga dhacsado kuma wacneeyn cadawga loodhiibey
nindhintiyo nindhaanteeyeyoon dhariyo biil heeysan
misna ubad dhalaa nagujiroon cidudhaqaaleeyne
dadnadhalay walaalo isudhaxay dhiig dadwadasheegta
oohooyo dhamay caaneheed klama dhuuntaane
miyaandhega jignaa waayadaan ehel ladhoowreeyne
tobandhalasho iyo qoom haduu dhaqan walaaleeyo
dhanka aabe dhiig kaaga yimid waalid dhiniciisa
amahooyo ubad eydhashood dhaxalka siineeysid
ama dhiiga xidid oonaflaha lagu dhaqaaleeyo
balyaa kuudhow ooyaase dheer dhinac walboor eegto
dhalhabaar inaan wada nahoon ehel ladhoowreeynin
abtidhacan adeerooladhibo xididkudheel dheelka
waxaalaga dhaxlaa soowma ogid dhuxulo naareede
islaan dhaba kitaab kaladhacshaa eebeheen dhigaye
eehadaan ilaah loodhowaan dhaqan miyaa toosi
taangidhinaca biiem soodhocoon dhaaf kan garaneeynin
aartifeeyfyo dheereeya oo dhaca sidii roobka
jiibdhuunkaala biiteeym dhaldhala suuga dhamacdiisa
shilke dhaashan dhashiikiyo baroon dhuxulo naareeda
seben dhinaca jebsheyaal dhibadan dhiisha qara xeeda
toonbirkoodhow shaam shuutarkii dhigayey kuutaabto
seeyrar dhuxula aakeyaal dhib badan fal isdaba dhaafa
dhaxalnaye dhankii looridaba soowku dhimo maahan
balmaxaad dhibane faaraxoow dhabarjabkaadoontay
dhumuq nimanleheeyn maasagaa socodkudhaashooda
dhoolbirmale nimaandhool leheeyn dhagagacdiis daaye
dhoodka dheer ninkii aan dhuliyo sharafba dhoowreeyne
dhito ubad nimaan xoolo dhaqan uma dhamaayaane
dhaadisaar haween uma dhaqnaan niman dhaqaaleeyne
dhaameel ninloodhixiyeybaan weli dhiblooheeyne
maanagaa dhibaa noocadcade dhaqanba dooneeyna
waxa dhacay wixiidhaliyeywaa dhaqan abtaagnaaye
abtirsiimo ubadloodhigoo kaladhaqaajeeyda
dhibkadhaca qabiil inowdhexgalo diinalaga dhoowro
dhiig aruuri meeydbaadhecee lacagta soodhooba
dhurooboow dhexdiis joog tolkaa dhinac adoon aadin
ayaa dhaxal naloosiiyey ee dhaqanxunsoow maahan
maandhoow halkaan kaaga dhaco dhalasho soomeeri
ilmo iladhashoo aabedhalay ubadki dheeh meeyey
sadaqada maskiin dhuun qalalan ficil inloodhiibo
ayaa dhaxal naloosiiyey ee dhaqanxun soow maahan
quraandhigo culuuntana ka dhereg xeerna dhaqanweeye
haweenkana dhuroobaatahaye dhaqo midaan keeno
wardhaqaaq qabiilkaa udhimo hana isdhaameelin
ayaa dhaxal naloosiiyey ee dhaqanxun soow maahan
xaajadu hadeey dhaamad tahay laga dhamaan waayo
ama gacal ka dhiidhinahayiyo dhaqebaloowaayo
dhul laawihi madoobaa ayaan dhaxalnay soowmaahan
aduunyada ilmaha lagu dhaloo ceeyrta lala dhoowro
dhaqaalaha waxloosiinayaa maalinbuu dhicine
dhoohane madoowbaatahaye dhamacgal soowmaahan
dhagarqabe israaiil intaan naasikaladhiibin
isaguba dhiliyo waalahaa dhamacyo baaruude
dhufeeys dhagax hadeey ugujiran dhicisyo soowmaahan
dhabahaan kujoognaalamida dhoowryo tobankaane
isma dhaanto dhiigeedajecel iney duldhoobnaato
misna kala dhaqaaqdeey mutidi daba dhakooshaahe
dhaaf hadaan isoran laa wadani dhaartay baan ahaye
soow inaan dhibaatada kajiro dhaxalgalkeey maahan
soomaalaay isdhugo dhiigbaxdoo dheeygagbaatahaye
dadladhoowray ooeebeheey sharaf usoo dhiibey
dhalinyaro dhalaan iyo duqeey diintalagu dhaafay
hadeey dhinac maraan eebesoow dhaarti qaban meeyso
dhuumatada ragii doonayoo dhaqanka gaal heeystey
dhaqmarkii layiri eeybulshada dhib usiyaad sheene
dhanjir beey yiraahdaan ninkii dhigaya toow xiide
dhuuxiina jahanabo dhantaa meel idiin dhigan dhe
warna dhaafa dhaha diintuwaa idindhibseeydaahe
islaam dhoowrsan musxafkiiladhigay kama dhaqaaqaane
dhinbil naara dhuun kamadegtee dhibe calool duubo
madhanaane umad dhoowrsanbaan welidhex joogaahe
ilaahoow adaan kuubandhigay cadawga noodhuunta
misna naga dhexbixi waakuwii dhibay adooontaae
daljir45@hotmail.com
abwan axmad abshir dhoore axmad daljir
shiribcusub oomagaciisa layiraa jano beel 1
jano karoor jaxiimo aad adoon jecleeystey baan arkaa
islaam jujuub jago kudoon jihaad rag moodeybaan arkaa
jano kadheer nin jiir walaal jaraaya oonka joogsaneeyn
jaceeykadiinta ruuxyaqaan jidkii rasuulka oowmaraa
jano kadoon jariimo naas jalaad dhigaaya yaa yaqaan
jidaan laheyn janaa kutaal jabtee miyaad kujiifsataan
walal jilcoon loo jiirnexeeyn qofkii jeclaada waa jisaar
jadiin la,aan bis uun jeclaaw jahlaa tehee kujiifso taas
shirib cusub,jano beel 2
adoon ilaah ayaan ehee alshabaab aboormiyaa
abaar islaam kunool ayeey artifeeyf kusiiwadaan
ilxumaa agtooda taal ilaahna waa ka aargudaa
imtixaan aduunyo oon isheeydasaaray beeynoqdeen
urur aan ilaah oqoon aqlaana heeysan beey noqdeen
anshaxii ragiibsadoo aduunyo raacay beeynoqdeen
ilaahse waa awoodayaa iqaab aduun ineey arkaan
gabay cusub ayaan daran
alshabaab islaankaad dhibtee eeboku haleeshay
alekama cabsootiin dhibaad nagu afuuf taane
indha xumo waxaad ina badeen aafo iyo ceebe
adoomada ilaah uuntaybaad kala eryeeysaane
alaan idinkudhaarshee mar uun aayadsugan keena
ashahaado beenlaatihiin aragtideeydiiye
runtuwaa iftiin aadanaha lagu irsaaqaahe
ayax miyaad tihiin ceebuwaa alalaskiiniiye
umadaha alihi uuntaybaad amarki diideene
irsaqiina eeboowkayeel naarta ololeeysa
balaan aragno aayaha danbiyo ehel wixii gaara
gabay cusub oolayiraahdo
marin xumo
moowlow intaad maalin hore magac inoo yeeshay
ayaan madax adeeygnoon xumaan madal utaagneeyn
sanma maqale maangabyadaan magac wadaageeyney
maalintuu marxuunkii kuyiri meersha hadalkeeyga
aayaadki moowluhu nabaray muran markuu saaray
marxabaad tiraahdeen siyad maanac adinkoole
muftaaxii janada weey arkeen maalin gelinkeede
midigtoodse diidoo wanaag laga madoobeeye
hadaan maalintaas loosabciyin maxamad qoowlkiisa
mixnay iyo rafaadkaan ilaah nama marsiiyeene
mugdigiyo jaxiimana bereey muudsan hilibkiine
balyaad magansan doontaan jahligu waamadoowyahaye
waxa nahay dad muuqiyo ilaah midab dhamaan siiyey
diinlakala macneeyiyo ilaah maanac ka ilaalshey
waxse magacxun soomaaliyeey lagu marsiin waayey
madashiiqiyaamaha intaan magacyadiin gaarin
miisaanka toowbada arkoo muranka uundaaya
ilaahbaa miciin laga sugaa moowdka dabadiise
nebimaxamad,csw,raacoo waryaan moowle idin naarin
suaalo gabaya
nintolkiis cardaadiiqdayahay dhiigu caran ceero
maalin uusan caro muujin karin care e yaasheega
waayeel cadgalay iyo ilmaha cunaya diifkooda
halkeey ceeyn kawada yiin ragoow care e yaasheega
malaaigaha caadil soodiroo camaladeen sheega
waqtiyadey casiiska utagaan care e yaasheega
xoolowaa cadaan amab madoow amaba ceewl coowle
cutub dheeman cadkee laga helaa care e yaasheega
anuguna cindiga waxan katiray leeyga celinaayo
oonan cunaha soomari isoran care e yaasheega
jawabta gabaygaan ninkii yaqaan daljir45@hotmail.com
haiigu soo diro mahad sanidin dhanaan tiin
vem du vill.
saxiibayaal waa idin salaamey waxaan idinkaga mahad celinayaa sida sharaftale oo aad iila dhaqan teen
waxaan idinka codsanayaa inaad iisoo qortaan ciwaan aan sawir idinkugu soo diro
mahad sanidin dhamaan tiin
Abwaan Axmad anaguna aad iyo aadbaanu kuu salaamaynaa, adigaa mudan.
email addresska ad nagala soo xidhiidhi karto waa:
hiildanyare@yahoo.com
dhamaan waxaan halkan ka salaamayaa dhalinyarada reer boon gaar ahaan mahad irije c/laahi oo ah wiil reer boona iyo dhamaan umada islaamka meel kas tooy joogaanba waxaan hanbalyo udirayaa madax waaynaha wadanka mr mudane daahir rayaale kaahin iyo marwadiisa huda iyo dhamaan wiixi
garanaya afka soomaaliga sidaa iyo macasalaama bye bye bye
dhalin yaro iyo wayeel
kii jaceelka dhowrow
dhaayahaaga kalaqaat
dhegahane uyeel maqal
dhamcdi iyo ujeeddada
jaceelkaan dhexiisaa
ogow labo isdhaarsaday
dhankasatab hanoqotee
isma dhaafi karayaan
bulshoy tani dhabwey yaan
dhadhan maleh aduunaydu
hadii aad kadheertahay
dhanbaalda jaceelkaa
waligaa dhaliil iyo
dhagar yuusan kuugu arag
hadii kale kadhoorsoo
haysu dhiibin cashaqa
ama dhinac kudaliyo
dhibuu kuu horseedaa
marka hore waxxaa aad umahat leh allaah tankale abwaan danjir waxaa tahay qof aad u wanaagsan waxaa jeclaa la ahaa inaa garab igu siisu hees ayaa rabaa inaa qaado taas oo igu kaliftay jaceel dhibaato badan ii geestay kaas oo ilaa iyo hada aa ka soo kabsa la ahay abwaan taas waa codsiga aa qabo waxaa kaloo rabaa in aa kaa helo ciwaan kuu gaara si aa kuula xariiro mahatsanit
asc waxaan salamaya umada somaliyed mel walboy joogto kadib waxan salamaya shaqaalaha webkaan kadib waxan umahad celinaya dadka so geliya suganta amba maqalka ah amba aqriskaa masha alah ban leehay dhalinta somaliyed mel walboy jogaan wan salamaya
anigoo ah abwaan axmad daljir walaalka igasoo codsaday
inaan lashaqeeyo waan ka aqbalay ee haigala soo xidhiidho daljir45@hotmail.com abwaan walba soo soomaaliyeedna waxaa laga rabaa in uuudhexeeyo
walaalihiisa soomaaliyeed mahad sanidin
hiiltana waan salaamey saaxiib keeyga qaaligaa
ok bay
axmad abshir dhoore axmad daljiir
jiifto magaceeda La yiraa
naf teeydaay
nafteeyday ma nabadbaa
waxdhnbaad naruuriyo
nolol raaxa badaniyo
neecaaw da dunidaan
kuneef neef saneeysee
noolaha dhamaantii
alahii naf geliyaa
loo noqon dhankiisoo
naarbaa qaxeeysee
camal looga nabad galo
nafteeydaay maheeysaa
mase wad nusqaantoo
naxligii aduunkaad
nolol fiican moodaa
markahore nafteeydaay
midabkaada nuuraa
hoosbuu u noqonoo
hadaad waayo nooshahay
aqli waxad la nuuc noqon
ilmo naaska nuugee
malagyada nafaha jara
iga noqo mayeelaan
qabribeey nafteeyday
noloshaada hore tahay
nafaqada qabriga taal
labo uun midbeey noqon
naruuriye wanaaguu
nebi mohamed ina baray (scw
nin udhega nuglaayoo
nacam yiri warkiisii
ama ruux ka naafaa
tiintiisa nuurkaa
rabiyoow i noolee
diinteeyda nabadaa
adoonkii udhega nugul
ayuunbaa nasanayee
raboow naar haiidhigin
rabiyoow nafteeydiyo
noolaha islaamkaa
ka najee dhamaantood
naf aduun ma heeynee
roow nolosha aaqiro
janadaada nuurkaa
nagayeel kuwiigala
aamiin yaarabi aamiin
asc sxb hiiltan waa axmad daljir iisooqor tel kaada mahad sanid wakan eml daljir45@hotmail.com
GABAYGAANU WAA GABAY KA JAWAABAYA
GABAY MOORYAAN GAREEY LAMAGAC BAXAY
WAXAANA LAYIRAA MADAL
caadiloow alahayoow adan ka cabsanayaye
cirkaan taagan cidaan isrogin admi kala ceyna
cawiyo malin cimiladan jidhiyo leydha carafteda
bad cigaagan wabiyal cartama buro cududod leh
cadaab iyo janaad ledahiyo malagya cadaasa
cabiidkaga ruxii dulmiya caadil adiga og
cada gabaygu wayadan danbey igu cilaleyde
anigoo cakiray bu waqtigu igu casumaahe
ma cataabo rux lo carbiyay curinta suganta
carab dalableh gortan arkiyo cudur nin beraya
cuqda diyo xumantana yaqaan cebo wada qexan
an cantugo tariiq xun buu labo canleeyaahe
afartaas cadeyaye abwan curiyay sugan dheh
cabadkaga watan maqlaye cunaha hees goyne dheh
cutub gaab inaad tahan ayan caadka rogaya dheh
ceeryamo adigoon ku qarin caarif magacaa dheeh
hadaad curiso ceyneleyda gabay ama caleen sarto
adigoon calyeeyn baa murtida lala ciyaaraahee
casharada waxa loo bax shaa caalim oo kale e
hadii aadse cuus custidood hadal ku ceebeysid
amaad ereyo caanood mar tiri celiso laaqooda
caruur tiyo hablugu wey fahman cebta gabay gase
afartaas cadeyaye abwan curiyay sugan dheh
cabadkaga watan maqlaye cunaha hees goyne dheh
cutub gaab inaad tahan ayan caadka rogaya dheh
ceeryamo adigoon ku qarin caarif magacaa dheeh
gabyaa caana maahide nin yahow cayda dumar jooji
macsi caadadood mahaanoo weyka cararaane
hadaad soo cabto adan garan ceeebta hadalkaaga
ciid walboo islaameey midani ciifo galisaaye
is canaano cadaada u noqo camalka diinteena
hadiikale ciroolaa tehee ciidan kale doono
afartaas cadeyaye abwan curiyay sugan dheh
cabadkaga watan maqlaye cunaha hees goyne dheh
cutub gaab inaad tahan ayan caadka rogaya dheh
ceeryamo adigoon ku qarin caarif magacaa dheeh
baarlamaankan ceebtisu tahay cunaha ii buuxi
dowladan ragii ugu cadaay kala caroonaayo
cashar beey u tahay adanuhu ku cibri qaatane
caro nabada caqiidada islaam caaqil talinaya
rabiyoow hogaan cadiloo calanka noo saara
oo cano iyo nabad bulshada caada sare geeya
afartaas cadeyaye abwan curiyay sugan dheh
cabadkaga watan maqlaye cunaha hees goyne dheh
cutub gaab inaad tahan ayan caadka rogaya dheh
ceeryamo adigoon ku qarin caarif magacaa dheeh
ka caraabay ceynleyda gabay caarif baan ahaye
iminkana cadbaa ii haraye ceynka iga jooji
mowloow adaa maaligoon jirin mitaal kaahe
adaa muxamed nooso diriyo macalinki dinta
qurankan macan iyo sunahad galisay mankisa
manshaa ale muhanigi wada macneynaye
markad mowle kalagi ku tiri maxamed ruxisa
asxaabta murug baa u timid malin iyo leeyle
inkastoy madluumen jihaad wey mitidayeene
murtadinta galada la jira uma maciineyne
muslinimo hadey manta tahay madaxa la laadsha
mashaa iiqna moryan garey lagu macneynayo
adigaa masiirken yaqaan mowdka dabadiise
mowle noo gargaar maanta waa milantay labtiiye
afrtaas masuul maaxdey iyo mudane qowlkiis dhe
ninka magaci qariyow runwaa lagaama marmaan dhe
masjidada ilaah iyo adaa marag xasdaa diin dhe
morwo sharaf leh macsiley nin yiri mahadhadisi dhe
nin munafaq nimadiis qirtana madax adeeygis dhe
mas madoobe muqiis dad yahay mici kuleeyl kiis dhe
masuul dumar maryaha tuur nin yiri madashi ceebed dhe
afartaas hadaan meel dhigon miiso hadaf keeyga
oon madiixsho tariiqdu waa lagama marmaane
shax maleegan gaal soo mutaaxan oday maqaarsaara
israa,iil, mareeykan, iyo ruush orobo maankeedu
midnimada islamkeysan rabin waadna moog tahaye
maguur iyo haduu meel kastaba madax xanuun yaalo
mu minka ey dhibatey nayaan iyo mardabeynta
hadi maxmadkii kula dhashiyo mumin iyo qaasin
lagu yiri masiibeey wadaan meyd ayaa tahaye
mowqif gaalo iyo kii makriga meeydiyo u taagan
isku magac ayey leyihiin mir iyo geed keede
maadin raadi mada is yiri madax jab moyaane
afrtaas masuul maaxdey iyo mudane qowlkiis dhe
ninka magaci qariyow runwaa lagaama marmaan dhe
masjidada ilaah iyo adaa marag xasdaa diin dhe
morwo sharaf leh macsiley nin yiri mahadhadisi dhe
nin munafaq nimadiis qirtana madax adeeygis dhe
mas madoobe muqiis dad yahay mici kuleeyl kiis dhe
masuul dumar maryaha tuur nin yiri madashi ceebed dhe
Calaamadaha Qiyaamaha maxaa kamid ah? mala lajoogaa mise waa wali xilligii calaamadahaas la arki lahaa ?Posted at: 9/10/2009 5:09:00 A Waxaa wehliya Gabay Jiifto ah oo uu marinayo Ahmed Abshir Dhoore (Daljir) oo naftiisa weydiimo hor dhigaya.
Cllaahi Ibn Cabaas (RC) waxaa uu yiri in Nabi Muxammad markii uu dhameystey xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegneyd sanaddii 10aad ee Hijriyada uu hor istaagey iridda laga galo kacbada barakeysan, isago gacanta ku haya qufulka iridaasi, isla markaana ku dhahaya asxaabta ‘ MA IDIN SHEEGAA ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO?
Salmaan Faarisi oo ka mid ah ahaa asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow nabiga CSW, ayaa yiri ‘ Haa Yaa Rasuulu Allah CSW inoo sheeg’
Rasuulka ayaa markaa yiri ‘ Xaqiiqo ahaan, astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey saacadda waxaa ka mid ah 1) in dadku ay salaadda dhayalsadaan
2) Dadku waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda.
(3) Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u xishmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah.
4) waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo
5) Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga muminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, soda milixda ama cudbada ay ugu milanto biyaha, waayo Mu’minku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la xaaraantinimeeyey oo lagu dhaqmayo, mana awoodo inuu wax ka bedelo.
Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?
Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah
7) Wasiiraduna waxay noqon doonaa kuwo caasiyaal ah
8) Kuwa xilalka loo dhiibana ee amaanada lagu maaniye waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya
9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan
10) Kuwa wax khiyaana waxaa loo arki doonaa kuwo aamin ah, kuwa aaminka ahna waxaa loo arki doonaa iney waxa khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la aamini doonaa, halka kan runta sheegayaa loo arki doono inuu beenaale yahay
11) Waqtigaas waxaa kale oo jiri doonaa maamulo ay haween ka taliyaan.
12) Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo
13) sakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.
14) Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibadiisa
15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan (comets).
Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?
Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
‘ Salmaanow
16) Waqtigaasi haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan raggooda
17) Roobka di i’ doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl wata.
18)Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, maaskiintuna waxay noqon kuwo aan la xishmeyn, waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatadaa sida aadka ugu dhow uu mid kasta oran doonaa, anigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu oran anigu wax faa ido ah maan helin. Sidaa darteed ma wayn doontid qof IIlaah u cabanaya Subxaanahu watacaalaa.
Salmaanow
19) Waxaa dhici doonta in dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya, waxay la kulmi doonaan dil, hadii ay aamusaanna, waxaa khasab lagaga qaadi hantidooda, wax xushamd ah lama siin doono, dhiigooda ayaa la daadin, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami cabsi, mana arki doontid ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa mooyee, mid aad u baqaya, isla markaana la argagax geliyey.
20) Shaki la’aan Salmaanow, waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni doono galbeedka, waxaana halkaa ku ba’ay kuwa iimaankoodu uu laciifka yahaya ee ummadeyda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaa kuwo aan isku naxariisan oo aan is cafin. Jirkooda waa jir bani aadam, laakiin quluubtooda waxaya noqon quluub sheydaan.
Salmaanow
21) Waqtigaasi ragga waxay haysan doonaan rag kale, haweenkuna waxaya sidoo kale haweysan doonaan haween kale.
22) Wiilsha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida haweenka oo kale.
23) Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween, haweenkuna waxay isku ekeysiin rag.
24) Waxayn taasi horseedi doontaa inuu AIlaah naclado haweenka ummadeyda ka tirsan.
25) Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab walaa xoowle walaa quwatu ilaa bilaah. si la mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda.
26) Qur’aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo ku soo jiidanaya walaa xoowlaa walaa quwatu ilaa bilaah.
27) Minaaradaha masaajidd aa waxay noqon kuwo aad u dheer, safafka dadka salaada ku jira waxaya noqon kuwo badan, laakiin dadkaasi quluubtooda iskuma fiicna, hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.
28) Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan dahabka oo ay xarago ahaan u xiran doonaan, waxaya kaloo xiran doonaan xariirta, isla markaan waxa kale oo ay isticmaali doonaan haragga shabeelka.
29) Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo, dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi , iyagoo isku eedeynaya laaluush.
30) Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa loo qaadi doonaa,.
31) Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo haweenka.
32) Xuquuqaha Rabbina uukuleeyahay adoomadiisana waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin.
33) Laakiin taasii mid Allah Subxaanahu Watacaalaa wax u dhimeysa ma aha
34) Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo aalado music ah.
35)Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummadeyda
36) Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadeyda waxay xijka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama socdaal cadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah, masaakiintuna waxay u tegi doonaan is tustus.
37) Waxaa soo bixi doona dad baran doona quraanka kariimka ah, base ujeedkooda ma ahan Allah dartii, waxayna quraanka ka dhigan doonaan sida aalad music ah.
38) Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona , oo iyaguna aan Allah dartii sidaa u sameyneyn.
39) Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan, dadkuna waxay isku qaadi doonaan weeraro, adduunyo ceyrsasho awgeed.
40) Salmaanow! Waxaani oo idil waxay dhaci doonaan, mar xishmadii ay suushey, dunuub badanna la geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka heystaan kuwa wanaagsan.
41) Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay iyo doodo hadalo la isku dhaafsado, miskiinnimada yaa iyana baahi doonta.
42. Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.
43) Waxaa di’i doona roobab aan watigooda la gaarin.
44)Dadku waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo musik.
(45) Ma jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan.
46) Qofka Mu’mika ah xishamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa marka la barbardhigo xitaa dadka ka shaqeeya guryaha.
axmad abshir dhoore axmad daljiir
jiifto magaceeda La yiraa
naf teeydaay
nafteeyday ma nabadbaa
waxdhnbaad naruuriyo
nolol raaxa badaniyo
neecaaw da dunidaan
kuneef neef saneeysee
noolaha dhamaantii
alahii naf geliyaa
loo noqon dhankiisoo
naarbaa qaxeeysee
camal looga nabad galo
nafteeydaay maheeysaa
mase wad nusqaantoo
naxligii aduunkaad
nolol fiican moodaa
markahore nafteeydaay
midabkaada nuuraa
hoosbuu u noqonoo
hadaad waayo nooshahay
aqli waxad la nuuc noqon
ilmo naaska nuugee
malagyada nafaha jara
iga noqo mayeelaan
qabribeey nafteeyday
noloshaada hore tahay
nafaqada qabriga taal
labo uun midbeey noqon
naruuriye wanaaguu
nebi mohamed ina baray (scw
nin udhega nuglaayoo
nacam yiri warkiisii
ama ruux ka naafaa
tiintiisa nuurkaa
rabiyoow i noolee
diinteeyda nabadaa
adoonkii udhega nugul
ayuunbaa nasanayee
raboow naar haiidhigin
rabiyoow nafteeydiyo
noolaha islaamkaa
ka najee dhamaantood
naf aduun ma heeynee
roow nolosha aaqiro
janadaada nuurkaa
nagayeel kuwiigala
aamiin yaarabi aamiin
Waxaa nasoo gaarisiiyey Abwaan Ahmed Abshir Dhoore (Daljir).