Abwaanada Boon

Taariikhda Abwaanada Boon ayaynu boggani ku kaydini doonnaa.

1).      Abwanka Abwaanada Boon – Xasan Yoolac (AUN).

Last  Up Dated: 10 June 2008 :  Dib ayaan u saxnay qaladaad yaryar oo madbici ahaa, walina waan sugaynaa reer Boon inay nala soo xidhiidhaan. Balse dadka qaybtan akhristay aad ayay u tiro badan yihiin, waanan isku dayi doonaa inaan sii wadno  ururinta murtida abwaanadii boon oo dhan.

Abwaan Xasan Ibraahim Migil- Yoolac (Raxmatullaah Calayhi) ayaynu ugu horreysiin doonaa oo aynu dhammaan halkan kusoo qori doonno murtidiisii oo dhammaysiran. Qof kasta oo reer Boon ahna waxaynu ka codsanaynaa inuu nala soo ururiyo taariikhdii Abwaan Yoolac.

Yoolac wuxu sameeyay heeso aad iyo aad u murti qurux badan oo heer qaran ah an odhan karana wax la qiimo ahi maba jirin oo iyagaa ugu qiimo badnaa. Waa abwaanka an u tixgalin karo inuu yahay macallinkayga, waana macallinka an kaga deydo ee an ka dheegto murtida iyo laxankaba. Yoolac hees kasta wuxu raacin jiray hab dhaca luuqdeeda oo wuxu ahaa laxamiiste weyn iyo waliba fannaan weyn oo heesi kara. Reer Boonna majiro abwaan u dhigmi karay Yoolac, mana jiro qof igu diidi kara inuu Yoolac ahaa Abwaanka abwaanada Boon.

Heesaha qaarkood ayaan midhahooda ka xusuustaa waxyar oo ay ka mid ahaayeen sidan hoos ku qoran:

(1). Markaan Boon Imaadeen, Isha Bilic Ku siiyaan Hurdo Boganayaa.!

Badhtankaa dhidhiideed,

Billalay dusheediyo

Libaaxlay ma barateen,

Baalaha ma eegteen,

Iyadoon basaasinoo,

Beeluhu ka guurinna,

Aradada ballaadhan

Ee Biyo  galeenka ahiyo

Boonbay ku dhalataye

Inkastoon baddii tego,

Berrigana ka soo dego

Markaan Boon imaadeen,

Isha bilic ku siiyaan,

Hurddo boganayaayeey…!!

 

(2). Ma Gefine Inaabtaay

 Sida buurtii goodire,

gubatada dusheedoo,

xoolihii ku guureen…….. (halkaas intii ku xigtay in badan ayaa iga maqan),… 

ninka guri ku hooystaa,

guul iyo nasiib lehe,

Ma gafine inaabtaay,

kaan garwaaqsanayniyo

Caashaqbay la kaa galay.

 

 

(3). Sida Dhool guyoo da’ay

 

 

 

Sida dhool guyoo da’ay,

Dhabanada libaaxley

Biyihii dhalaaleen,

Ayaad iiga dhigantahoo……………(halkaas wixii ku xigayna  in badan ayaa iga maqan)

Dheel-dheeli maayoo,

Dhaawacbaa i gaadhoo,

Hurdo wayga dheertahaye..

waxa aniga igu dheer,

Dhalladkaaga wacanee,

Rabbigay dhammeeyee

Igu dhaliyay caashaqa….!!!!

 

 

(4). Hillaaca Jabuuti

 

Cirka oo Hawaawiray

Gu’  horraantii

Hilaacuna u simayhay

Hoorayaan dhibcihiyoo

Xareeduna hanqadhayso…..(wixii halkaas ku xiga ma hayo)

Hoodiyo nasiiboow,

hanna kala hana kala

Hana kala  hallaynine,

Isku kaaya soo hoo….yaaa salaam…….!!

Heesahaas aynu waxa yar ka xusuusano  ee an dhammays tirin iyo qaar kale oo aad iyo aad u  tiro badan ayuu sameeyay Abwaan Yoolac.  Fadlan cidii haysa dhamaan murtidii Abwaan Xasan Ibraahim Migil oo dhammays tiran, waxan si sharf leh uga codsanynaa inay nala soo xidhiidhaan.

Waxaynu kusoo gabagabaynaynaa ducadii ugu weynayd ee Yoolac oo ah: RABBIYOOW HANAGU DARIN DUUFANADAADOO DAAD XOOR HANAGA DHIGIN.

 

Ateyeh & Bahda Allboon.com

 

11 thoughts on “Abwaanada Boon

  1. waa heestii xasan aadan samatar markaan dada,jiray shan iyo toban markaan damac guur lasookacay nafteyda mid aan udoor bido da,deed anigoonkagraneyn hablaka kadaydayo markaan iri dabecadeheeda gaar iyo bal aan dulahaa tilmaamee midabka biyodahab sidoodii ishaandeymada kaboganoo jeedaalada woowdawiyo nabadeey cirkoo dambarsami kuhooroo dunida maasheeyey waagu,e caashaqanmudobadan mudobadan idaashadey riyada taan doonisteedii hurdada deriskala ahan jirayey dabeeyshiyo dhaxantadeyreed dugsiga tii iiga noqonleedey armeeydaraney daraney adiga tahayeey

  2. luqunteyda dheer iyo laafyaha garaaraha dhabanada labeentaleh midab keygan luulka ah nimaan leysaneynoo luflufku umacaantahay anigaa uloogooo nikaaxa uga gooyeeeeeeeeeee

  3. waan idin salamay dhamaan reer boon mel wali ood joogdaan waxaan soo gud binayaa maan soo aan maanka ka dheegay waayaha aduunkiyo
    walbahaarga dibadiyo
    weerarkani dhacaayaa
    iku wabay meeloo
    wanigan wareeree
    wayeel xishooodgii
    waayuu wajaqyee
    intuu weeka diriyuu
    wariyaha dhagaysduu
    caydh walan qaduu
    is waydariyaa oo
    wadankii udirayaa
    kuwa loo diraayina
    waa walanyiinoo
    waxay shaw uhaystaan
    inuu soo wadhaamshuu
    waaraadka xiimiyo
    hool seelar leeyahay
    wacaneey aduunyooy
    marna weerka xidhataaay soomaali
    washaye maad
    waxad ujeediyo
    wab intood kasiisoo
    dadga wadan usheegdid
    ana waan kudayoo
    diba ima maqashide
    walee kugu wareeree wayahay
    aduunyoo
    waa inoo markale iyo
    saldhigii wacnaa iyo
    wahelgeeda ahkiro

  4. Walalayaal reer Boon,

    Anigu horta ma ihi reer Boon laakiin waxaan ahay xigto. Waxaan jeclaanlahaa reer Boonoow, abwaan lagu naanaysijiray BULLAALE BOORAME (AHN) inaad wax ka qortaan haddii aad dadkii ka hadhay heli kartaan.

    Marxuunku wuxuu ahaa, nin qiimo dadan (AHN).

  5. hoyo hoyo

    Ciltiraay Hoyo
    Cawiiyaay Hoyo
    Caafimaaday Hoyo
    Cadowgaa jab Hoyo

    Habeeyay Hoyo
    Huriyaay Hoyo
    Haneeyaay Hoyo
    Cadowgaa jab Hoyo

    Xafiidaay Hoyo
    Xariirrey Hoyo
    Xanaaniiyaay Hoyo
    Cadowgaa jab Hoyo

    Agoon Koriyaay Hoyo
    Aqoon Kodhiyaay Hoyo
    Amaan Tiriiyaay Hoyo
    Cadowgaa Jab Hoyo

    Hooyo Hoyo
    Cadowgaa Ha jabo Hoyo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

Gravatar
WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s