Badheedhaha HiilDan: Isma Seegno Waligeen..!
April 8, 2010 1 Comment

I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!
December 15, 2009 Leave a comment
Qab qab dhaafaybay laba qabiil, Qaran ku weydaaye, Qar ha dumo, Qiyaamana Ha Dhaco, Qooysna yuuna hadhine, Walee Qabiil Inaanan Daahir ku raacin, ka qoomamayn maayo.
HALKAN KA AKHRI
November 10, 2009 Leave a comment

Gabadh Soomaaliyeed ayaa guyaal hore waxay ku heestay: “gurigii jacaylkiyo, waayeelkii godobta, keebaan gogoshiisii ku hurdaa, go’a yaa ila huwaday, gacantu raaxo daranaa, guudkayga saarani”. Waa qormo ku saabsan BOON iyo waayaha cusub ee SALAL.
October 10, 2009 1 Comment
Awdal xageeda murugadu kuma badna, kumana ba’na . Su’aasha is weydiinta mudan ee reer Awdal u taalina waxay tahay: ma dhulka idinka maqan ayaa haboon in ad si wadajir ah u xoreysiin?, mise dhulka idiin xorta ah ayaad si kala jir ah isugu dulmiyaysiin?.
August 1, 2009 Leave a comment
February 15, 2009 Leave a comment

Maalin maalmaha ka mid ah oo nin Geel ku jira Arraabi, uu si la yaableh ugu luuqaynayay hees macaan oo Geelu leeyahay, ayaa waxa isa soo ag taagay oo aad u dhegaystay nin socoto ah.
December 21, 2008 Leave a comment
Reer Boorama ayaa lagu yaqaanaa dhul laysku qaqabsado iyo dhabarka oo layska wada toogto. Xanuunka noocaas ah ayaa haatana soo galay Boon, dadka waxaas wadina ma aha reer Boon dhalad ah, waa kuwo laga biiliyo Boorama iyo Hargeysa, kana yimid meelo kale.
December 13, 2008 Leave a comment
Updated : 14/12/08
Awdal malaha hadaf siyaasad u gooniya iyo siyaasiyiin isku xidhan oo ka midaysan isla hadaf siyaasadeed oo gobolkan u gooniya. Balse waxay leedahay shaqsiyaad siyaasadeed oo iyagu iskood u dadaalay isuna soo shaac bixiyay.
June 19, 2008 1 Comment

May 6, 2008 Leave a comment
Gobolka Salal oo ka mid ahaa gobolladii maalintaasi lagu dhawaaqay ayaa 2 bishan May xaflad ballaadhan oo si la yaable loo soo agaasimay loogu wanqalay, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay barnaamijyo dabaal-deg ah oo kala duwan iyo cayaaro ku salaysan dhaqanka reer Salal.
Haddaba inkasta oo dulahaanba la filayo inuu muran badani ka dhalan doono gobolladan cusub ee S/Land ku soo kordhay ayaa waxaa durba soo ifbaxaya muran ku salaysan cidda hoggaamin doonta gobolkan Salal ama guddoomiye ka noqondoonta, sida ay wararku sheegayaan waxaa haatan ku muransan amaba ay mid walba halkeeda ka diyaargaroobaysaa beelaha kala ah Abrayn, Bahabar Celi , Bahabar Muse iyo Ciise oo dhammaantood wata xujooyin ay isleeyihiin waad ku hanan kartaan madaxnimada gobolkan cusub.
Sida la hadal hayo beesha Abrayn waxa ay rabitaankeeda kursiga ku salaynaysaa qodobbo ay badankoodu la xidhiidhaan taariikhda, tusaale ahaan Salal oo gobolkan cusub loogu magac daray islamarkaana ayna cidiba iswaydiin macnihiisa ayaa ah sida aannu ilo-xog ogaal ah ka helnay alle ha u naxariistee Salal Idris Caweer oo ka soo jeeda beeshaasi Abrayn kuna aasan dooxa Salal oo wixii ka danbeeyay xilligii uu ingiriisku degay loo yaqaan Ceel-Gaal.
Sidoo kale waxyaabaha ay reer Garbo-Dadar ku doodayaan waxa ka mid ah iyada oo ay wakhtigii Turkiga hayn-jireen hoggaanka magaalada Saylac, islamarkaana ay magacda dabiiciga ah iyo kuwa shakhsiyaadka ee deegaannadaasi saacidayaan sida gacan Abrayn oo dhowr KM u jirta magaalada Saylac iyo Godin Abrayn oo aan isaguna waxbadan ka fogayn, iyo waliba dhagaxa Shirdoon Qarni iyo xaafadda duugga ah ee Khoor-Dubai oo ka tirsan magaalada Saylac iyo Axmed Guray oo mudo badan kasoo talinayay boqortooyadii ADAL ee jabisay boqortooyadii ardul xabash.
Beesha Bahabar-Celi qudheeda ayaa iyana sida la sheegay dhacdooyin taariikheed u cuskanaysa doonista madaxnimada gobolkan, waxayna diiradda saartaa shakhsiyaad magac wayn ku lahaan jiray Saylac wakhtiyo hore iyo muwaadiniin qayb libaax ka soo qaadatay ololihii la dagaallanka gumaysiga sida Cali Dable, Jaamac Saylici, Xaaji Diide, Xaaji Kuul iyo Rag kale.
Beesha Bahabar Muuse oo la sheegay inayna labada hore kula tartami jirin deegaanka Saylac qarniyadii hore ayaa waxay wararku sheegayaan inay iyada lafteedu marroosinka aasatay halganna ugu jirto sidii ay u hanan lahayd guddoomiyannimada Salal, iyada oo cuskanaysa dhaxaltooyada maqaamka Sheekh Ibraahim Saylici oo ay in muddo ahba iska daboqabanayeen culimaa’udiin beeshaasi ka tirsan sida Sh.Warsame Birikoo, Sh.Kaariye Qowdhan iyo Sh.Maxamad Abaadir Shirwac oo illaa imika horjooge ka ah maqaamka.
Sidoo kale waxaa Bahabar Muuse ka soo jeeda taliyaha ciidamada xeebaha Jeneral Maxamad Ibraahim Xudhuun oo ay beeshaasi ku dooddo inuu tan iyo wakhtigii taliskii Ziyaad dhacay halgan iyo samir badan ku bixiyay daryeelka gobolkaasi Salal .
Aan u gudubnee beesha Ciise ayaa iyaduna aaminsan inaan gobolkan cusub cidiba kula doodi Karayn, maadaama uu tan iyo qaybo ka tirsan cahdigii Afwayne duqa Saylac ahaan jiray nin beeshaasi ka soo jeeda, illaa maanta oo gobolkan la magcaabayna Cumar Maxamad Xaddi (Cawad) guddoomiye ka yahay, islamarkaana ay xarunta gobokan ee Saylac u dhawdahay Djibouti oo ay beesha Ciise ka taliso, arrintaasina waxa ay aad uga muuqatay sidii ay Jamhuuriyadda Djibouti uga qayb-qaadatay xafladdii wanqasha SALAL inkasta oo ay tallaabadaasi wax wayn u dhintay sharciyadda Somaliland oo uu meel carrigeeda ka mid ah dal daris ahi xaflad ku qabtay amaba uu ka soo qaybgelay iyada oo aan casuumad loo fidin.
Isku soo wada duuboo dad badan oo siyaasadda ku xeel dheer ayaa qaba inuuna Salal ka talin doonin fannaan dal daris ah ka yimid balse ay qaddiyaddu u taal dadka gobolka deggan, waxaana farta lagu godayaa inay isku soo hadhi doonaan wareega u danbeeya beelaha Bahabar Celi iyo Abrayn oo labaduba cuskanaya deegaan iyo taariikh, inkasta oo mala awaal ahaan loo badinayo inay beesha Abrayn ku guulaysan doonto hanashada hoggaanka gobolkaasi, maadaama ay sida ay ku doodayso taariikh ahaan cid kasta kaga horrayso Salal, walaw ayna 40kii sannadood ee u danbeeyay wax muuqasho ama dhaqdhaqaaq ah lahayn sida ay dad badani qabaan.
Laakiinse maadaama ay beesha bahabar Celi badankeedu baryahan danbe qaadatay caqiidada xisbiga Kulmiye islamarkaana dorraad loo diiday C/raxmaan Saylici inuu xafladdii SALAL ka hadlo, waxaad mooddaa inay kor u soo kacayso rajada hoggaamiyannimada beesha Abrayn oo laga dhandhansan karo hab-dhaqankeeda xoogaa Udubnimo ah, waa haddii uu madaxwayne Rayaale xilka sii hayo, haddii kalena waagii baryaba waayo leh, waxayna dadbadani hadal hayaan guddoomiye ku xigeenka degmada Saylac Cismaan Muumin Caarre iyo Muscab Xirsi Cali oo ah wiil da`yar oo aqoonyahan ah oo ka tirsan guddiga doorashooyinka inuu midkood Salal guddoomiye ka noqon doono haddii uu xisbiga Udub xilka sii hayo.
Dhinac kale dadka qaarkood baa aaminsan inuu madaxwayne Rayaale intuu waxanba iska dhaafo Salal u soo magcaabi karo masuul ka soo jeeda beesha Aadan Yoonis tusaale ahaan, maadama uu sida ay dad badani qabaan madaxwayne Rayaale iska yaqaan xigto- u miiska kana soo qalin jabiyay Dugsigii Kacaanka.
Golaha Tifaftirka Lughaya News
lughayaweb@gmail.com
April 8, 2008 Leave a comment
Ayaamahan danbe waxaynu saxaafadaha ku aragnaa dad ku andacoonaya in ujeedada saxaafaddu tahay inay Runta ka sheegto wacyiga iyo wararka jira, isla mar ahaantaana iyagu yihiin kuwii runta sheegayay. Sidaa iyo si le’eg ayaa dadka iyaguna wax qor-qora iyo kuwa forumyada ku dhex duryamina ugu dacwiyaan inay runta sheegayaan, xaqa iyo xaqiiqdana ku hadlayaan. Hadaba dadkaasi markay leeyihiin Run baan sheegaynaa, ma waxay u jeedaan:
Qormadani kooban waxaynu ku eegaynaa sheeyga la yidhaahdo RUN. Tusaalaha ugu habboon ee aynu ku qeexi karno waxay tahay runtuna. Waxaynu u cuskanaynaa, sheeko garnaqsi ahayd oo dhex martay labo beelood oo reer Awdal ah (Ciise Vs B/Celi) wakhti an sidaas u sii fogayn. Oday kasoo jeeday dhinaca beesha koowaad ee dhibta tirsanaysay (Dhibanaha/Ciise), oo isku haystay inay beeshiisu Runta ku hadlaysay oo ay ahayd kuwa dulman, ayaa markuu ka yaabay sida gartii u weecsantahay dabadeed yidhi:
Oday kale (bilaa-kitaab -AUN) oo isna dhinaca beesha la dacweynayay (muddici) ka soo jeeday oo isagu ku adkaysanayay inay runtu tahay sida ay iyagu rabaan inay noqoto ayaa dabadeed ugu jawaabay:
(1). Runtu Ma Sidaad Jeceshahay Inay ahaataa?
Aynu woxoogaa sii falanqayno isla gartan iyada ah; midda hore (dhibanaha),waxaynu ku qeexi karaynaa inay tahay “Run baadhis Rumaysan”, midda danbana (dacweysanaha),waxaynu ku sheegi karnaa “Run sheegid Rumaysan”. Sideey taasi u dhacday?.
Waxay u dhacday, inay qolada hore dhib qabeen, lagana dhagaysan waayay, oo ay raadinayaan xaqiiqda. Qolada danbana (muddici), iyaguna sheegayeen runta ah inay diidmadooda ku adkaysanayaan oo taasi iyaga run ka tahay. Si kale haddaynu u dhigno, waxa la odhan karaa labada kooxoodba runbay sheegayeen, oo kooxda horana inay dhibban yihiinbay run ka sheegayeen, kooxda kalana inay iyagoo dhibkaas kooxda hore og, hadana ka dhego adaygayaan ayay Run ka sheegayeen. Qolo waliba sidii ay rabeen inay runtu ahaato ayay ku dacwiyayeen. ! RUN MEE?; iyo RUN WAA TAN AN KU HADLAYNO.
(2). Runtu sideey tahay Inay Ahaato?
Wali waxaynu ku jirnaa falanqaynta isla gartaasi iyada ah; runta gartaasi waxay ahaan lahayd in qolada dhiban runta ka sheegaan dhibka ay qabaan ee qolada muddiciga ahi u gaysatay. Qolada muddiciga ahina waxay ahayd inay qirtaan dhibka ay geysteen oo qataan qaladkooda. Hadaba sidee loo ogaanayaa inay qolada hore run ka sheegayso wixii dhacay?; sideese loo ogaanayaa in qolada kale iyaguna diidayso inay qirtaan wixii dhacay, oo danbiilayaal yihiin?. Waxa lagu ogaanayaa su’aasha ah RAG MEE? iyo RAG waa kan.!. Rag meesha ay joogaan waxa joogta xikmad, talo, murti, xaqiiq iyo xog-ogaalnimo, iyo xaakinnimmo.
Balse, hadana meel Rag (Binu-Aadam) kaliya uuni joogo miyaa jawaabtu inay runtuna ku imanayso, oo qoladii qaldan markaaba la helayo?. Intaynaan ka jawabin waxanu u daadegyanaa su’aasha saddexaad ee gartaas laysku weydiiyay oo ahayd, RABBI mee?. Akhri qodobka hoose
(3). Runtu Sideedaba Maxay tahay?
Gartaasi iyada ah, waxaynu ku aragnay in sheyga la yidhaahdo RUN, ka maarsanayn RAG iyo RABBI. Sidaa daraadeed Rag meel iskugu yimid oo xikmad iyo murti iyo hadalba dalaandali ma sheegi karaan RUN, haddii aanay la kaashan oo cuskan magaca RABBIgii abuuray. Macnaheeda oo koobani wuxu yahay inay Runtu tahay sheey Ilaahay hortii looga sugayo Aadmiga inay ku hadlaan sidii wax u dhaceen iskana illaawaan sida ay iyagu rabi lahaayeen ama jeclaan lahaayeen inay ahaato.
Gabgabo Iyo Gunaanad.
Sheyga la yidhaahdo RUN, waxa ku dhisan tiirasha adduunka ee Ilaahay taagay, waana xikmad Rabbaani ah. Marka qof Binu aadam ah oo Ilaahay abuuray, leeyahay waxaasi an ku hadlayi waa iga RUN, kaliya waxa loo qaadan karaa uun inuu ku dhaaranayo magaca Ilaahay. Waana qof xujaysan oo dhaarsan laakiinse an is ogyan isagu. Run kuma hadli karti adigoon Rabbigaa ku dhaaranayn. Hadduuse qofku meesha ka saaro Ilaahay, isagoo isla mar ahaantaana ku dacwiyaya inuu sheegayo RUN. Taasi ma aha Run, waana Been xaaraan ah iyo namiimnimo, qofka geeystana mutaysto ciqaab aakhiro iyo adduunba.
“Sidaa daraadeed; dadyoowga saxaafadaha ka wakiilka ah ee maalin walba ku andacoonaya inay RUN sheegayaan, ha ogaadaan inay xujaysan yihiin, dhaar Ilaahayna ku jiraan. Hadday run sheegayaan iyagoo magacii Ilaahay ku dhaarsan, waa wax wanaagsan. Haddayse diidayaan dhaarta Ilaahay kuna cel-celinayaan inay run sheegayaan, waa wax hoog iyo halaag leh, If iyo Aakhiraba”.
Hadal iyo dhammaan; RAG kaashaday RABBI ayaa keena RUN.
Nabad iyo Caano
Editor’s View
March 17, 2008 Leave a comment
Qofkii u leh aqoon fiican Xasan Muuse-Ilkoole, ayuunbaa dareemi karaya halka uu ka hadlayo Xasan iyo muhiimada iyo miisaanka uu hadalkaasi leeyahay. Waa nin aanay jirin wax uga sokeeya Awdalnimo wax uga shisheeya mooyiye, oo aan waligiis dib u jeesan inuu horey u socdo mooyiye. Dadkana wuxu moodayay inay sidiisaas wada yihiin, laakiinse imika ayuu kusoo anbabaray inay jiraan kuwo ‘fana-ka cuudu-billaysan’.!
Waa wax aynu filaynay in marka dad hagaagsan hadlaan ee daacadnimo iyo niyadsamaan wax u canaantaanba ay qaar canaasiir ahi oo koob shaaha caddayni Karin, meelahaa kasoo yoo-yoontamaan. Waanan ka xunahay, oo waliba waynu ka qammuunyoonnay, inuu guddoomiyaha Gargaar Mudane Xasan Muuse Subagle oo hiil iyo hooba ugu hagar baxay dadkiisa kusoo baraarugo oo dareemo dadkan wajaqsan ee jaha wareeray.
Xasan, uma baahna in laydiin sharxo oo laydin baro, oo haddaan idin idhaahdo odaygu wuxu Adeer labaad u yahay Aabahay, oo waa Awoowgey an waliba isku guri kusoo wada kornay, noqonayna walaalo rumaad. Iyo haddaan idin idhaahdo waa Oday Samarroon Siciid ah. Xasan wuxu jeclaan lahaa inaan ku daayo midda danbe ee Samarroon Siciid oo kaliya. Huunno, hadalkaasi maydin deeqay mise waan idiinku celiyaa.!
Magaca ururkiisa GARGAAR, iyo magaca isaga loo yaqaano, oo ah SAMAROON, ayaa idiinku filan barasho. Isagana idiin weydiin mayno inuu isku kiin sharxo haddeed, oo sidaa uu codkiisa ku xidhay ayaan anaguna ku dhiirri galinaynaa inuu juuq iyo jufuq danbe idiin celin. Hadal yar iyo Hawl badan ayaan ku ognahay Xasan Muuse Subagle(Samarroon). Halkaagaagaasna ka wad ayaannu lennahay himilada GARGAAR; hagoog xumana yeelkadiisa.
Kuwa Xasan Muuse magac qabiil ku caayay, ama magac qabiil u hadlaya. Kuwaasi waxaynu u shegaynaa Xasan, inay yihiin mid iyo labo qof oo kaliya, oo ah dadka magacdooda qariya ee wajiyada badan, oo iska dhiga dad badan, anaguna waan naqaanaaye noo soo dir emailadooda. Ma sheegan karaan reer Boorama, mana sheegan karaan reer Awdal iyo Samaroon toona, iyo xitaa qabiilooyinka iyo qooysaska ay u hadlayaan, xitaa mana sheegan karaan magacooda saxda ah oo buuxa, oo waa fulay (Cowards) daaha dabadiisa kasoo hadla. Waa kuwo beri hore la raad qaaday, oo lagu tafaafulay Waraabayaasha Hargeysa lagu gawraco, oo siyaasadaas Hargeysina waashay.
Hadaba Xasanoow, kolley waxan hubnaa in dadka intii wanaagsanayd kuusoo hambalyeeyeen kuuna og yihiin dadaalkaaga hor Ilaahay ad ugu hagar baxday. GarGaar la’aanteedna Cusbitaalka Boorama lama arkeen, curyaamiinta Awdalna baabuur kuma carareen. Hambalyo noogama baahnid iyo abaal marin toona, oo xaga Ilaahay ayaad ka helaysaa. Hawshaadana halkaas ka wad, oo Allaha kugu garab galo.
Ummaddeenuna ogsoonoow ma wada waalnee. Awoowo Xasanoow bushada, badh yar uun baa la baabay beri hore. Kuwaasina way is ogyihin, Ilaahayna wuu ogyahay, Ummaduna way ogyihiin, oo dhawaan CALAAMAD lagu garto ayaana kasoo bixi doontee la soco.
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
HiilDanExpress