Rayaale oo ku Hungoobay Buuhoodle, Booramana ku sasabanaya Baroor iyo Beer-laxawsi Been Ah

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wuxu ku hungoobay hammigiisii ahaa inuu degaanada Bari u badiyo gobolnimo iyo dakhliba,  si uu uga kasbado taageero badan.  Taasina waxay dhacday  kadib markii aynu xalay ka fiirsannay UNIVERSAL TV,  Gobolka Buuhoodle oo ka mid ahaa goboladii uu madaxweynuhu dhawaan magacaabay, oo dadweynihiisii intay isku soo baxeen  dusha saareen calanka  buluuga ah,  ee astaanta u ah xorriyadda Soomaaliyeed. Isla shalay galab wuxu Madaxweyne Rayaale soo gaadhay Boorama isagoo ka faa’iidaysanaya  aaska Marxuum Maxamad Xasan Mataan (AUN),  oo ahaa  muwaadin reer Awdal ah, oo kaalin weyn kasoo  qaatay ololaha gooni isu taaga Somaliland.  Balse sida dad badani tuhunsanyihiin Madaxweynuhu imika ayuu is ogaaday inuu gobolkiisii dayacay, dadkiisiina xabaal ku wada riday, wuxuna  u yimidi inuu  baroor been ah ku sasabto reer Boorama, si aanay uga gu’in Somaliland.  Isla saakana wuxu bilaabay booqashooyin uu ku gaalaa-bixinayo bar tilmaameedyada ugu caansan uguna da’a weyn Boorama, sida Cammuud.

Read more of this post

Minnesota Tol Convocation Will Go Ahead Next Week And It Will Neither Be Fruitless Nor Collapse Just Because Specific Group Of People Is Missing

By Samaroon Rooble
PRAISE BELONGS TO THE ONE
I will start with my pen welcoming this upcoming historic Tol-convocation of the great Samaroons in the city of minnesota within the next few days that will happen to change and save the future of Adal generations in the short and the long term against uncertainty. The Majority of Adalites have long been waiting to see a day like this where all the different kinds of the Adal communities come together as a Tol to implant some concrete resolutions for  the community,and it is known to us that this kind of Convocation at this time of the century is really needed to pull us out clearly from the mishaps.

Read more of this post

Shirweynaha Daahfurka Gadabuursi iyo Duruufaha Ku Gadaaman

  Qore.A. Barkhadle. I

Waxaa wax lagu diirsado noqdaytay war murtiyeed ka soo baxay xarunta aqoonyahanadda gadabuursi ee Minesota, hadal lagu diirsaday, kii furuq hayeyna ka soo bogsoodey, kii calaacali jireyna ku diirsaday, kii dhan xun wax u wadi jireyna ka xumaaday.

Read more of this post

Boorama oo Boon Kaga Dayatay Iskaa Wax U Qabso: Dawladduse Ma u Bogi Doontaa?

Bulshada ku nool caasimad weynta  Boorama,  ahna bulshada ugu ballaadhan  bulsho weynta beelaha Samarroon ee gobolada Awdal, Djibouti iyo Harawa. Aayaa waxay ku tallaabsadeen isu soo bax taariikhiya oo lagu dhisayo jidka u dhaxeeya  Boorama iyo Dila.  Mabda’ an  isaga ah oo kasoo if-baxay, isla markaana ay kaga daydeen  Degmada Boon (caasimada labaad  Awdal) , ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa ‘Hays Caawiso’  ama  ‘Iskaa Wax u Qabso’

Read more of this post

Meel Dhuuni Galay, Dhaqan Ma Galo.

  1.  Madaxweynuhu ma wuxu ka rabaa Salaadiinta Awdal, inay iyagu  ogolaadaan Soo dhaweynta Ugaaska Ciise, oo amarka iyagu yeeshaan?
  2. Mise, Madaxweynuhu isaga ayaa ka raba ama ku amraya Salaadiinta Awdal inay soo dhaweyaan cumaamad saarka Ugaaska Ciise, oo dawladda ayaa awoodda iska leh?

Read more of this post

Cumaamad Saarka Ugaaska CIISE iyo SAYLAC.!

 Ugaaska Mustafa
Waxa isa soo taraya warar badan oo ku saabsan qaban-qaabada  Caleemo Saarka Ugaaska 19aad ee bulsho weynta  beelaha  Ciise. Ugaas kaas oo  wali  ah wiil yar oo ‘caano nuugga’  (da’ yar) ,  oo ‘dhiiggii habartii an dhiig kale ku darin’..! Waa Ugaas Mustafe Maxamad Ibraahim oo dhawaan bulsho-weynta beelaha  CIISE isu raaceen inay doortaan. Isla markaana ay rabaan inay ku caleemo saaraan magaalada qadiimiga ah ee SAYLAC.  

Read more of this post

Saddexley Ha ii Tumin..!

Intay Somaliland(Isaaqland) sidan tahay, ama saxu qalad yahay, dhiig sarartu leedahay, safarkii dhacan yahay, seeraha Boorama seeftu iga taal, waan ka soomay siyaasade, sayliciga iga daa, sadddexlay ha ii tumin, saddex lay ha ii tumin…! 

Read more of this post

Ceebta Saxaafadda iyo Sirdoonka Somaliland ee Ku wajahan Colaada Bardaale

By Mc Shariif

shariif

Ciid wanaagsan guud ahaan shacbiga Somaliyeed, gaar ahaana waxaan halkan ka Salaamayaa shacbiga xalaasha ah ee JSL munaasibada ciid-alfidri waxaan ilaahay iniiga rajaynayaa barwaaqo iyo bash-bash in aan ku gaadhno sanadkaa sanadkiisa kale oo illaahay inaga dulqaado aafada siyaasadeed ee inalasoo daristay iyo afgaranwaaga dabaylaha colaadaha waji kastaba hayeehseene illaahayna bogeena burcad isku mariyo dhibaatadana inaga ilaaliyo dhamaanteen Aamiin.

Read more of this post

Wasiirka Warfaafintu Muxuu Ku Hadlay..??

By Cumar Xadaari- Hargeysa

Hargeysa(AllBoon); Waxaa TV ga madaxa banan waraysi siiyay ninka Axmed x daahir cilmi oo ah wasiir dowlada hada xilkii kasii dhamaanayo. Waryasigaasi  oo aan  ahayn mid qof fayow ama qof caafimaad qabay oo xuskiisu dhanyahay siiyo tv caalami ah.
Read more of this post

Madfac-madfac Yaa Ramadaan..!

JHolac1Hargeysa
 
Waxan xusuustaa Cawaale-Xaax (AUN),  oo dheegtay  heestii Xasan Sh Muumin(AUN) ee Marxab-marxab, yaa Ramadaan, wa-yaa marxabaabika yaa Ramadaan. kuna badalay erayo isagu uu iska samaystay oo ay  ka mid ahaayeen: ‘Madfac-madfac, yaa Ramadaan, wa-yaa madfacaatika yaa Ramadaan.!!!  .

Read more of this post

Xaalladaha Cakiran ee Somaliland, Sidee Looga Gudbi Karaa?

xadaari
 
By Wariye Cumar Maxamuud Qayaad (Cumar- Xadaari) – Hargeysa

Dalkan somaliland oo ahaan jiray mid  ku dhisan isfahan iyo wada tashi, isku tanaasul ayaa waayadan  danbee aad moodaa in  arimahaasi oo dhan soo yaraanayaan iyo dowlada hada jirta oo ku fashilantay  in ay wax ka qabato  arimahaasi ayaa waxaa ku soo badanaya  magaaloyinka  somaliland qar kamid ah dil arimo aan hore looga aqoon kuwaasi oo hadii ay sii socdan dalka  ku keeni doona burbur horleh.

Read more of this post

Fadka Saar Jabuutaay, Haka Muuqdo Fooddee..!!!

 

Waa lagaa filaayoo, lagaa foolinaayee, Fadka Saar Jabuutaay Haka muuqdo Fooddee”

 

Kii ka Naxoowna, Nafta Waa..!!

Kii ka Naxoowna, Nafta Waa..!!

Waxa la joogaa 27kii Juun, waa maalintii xorriyada dalkeena iyo dadkeena JABUUTI.  Durba Waxa kasoo wareegtay 32 sannadood, oo nabad iyo caano iyo xorriyad taam ah ay Jabuuti ku caano maashay. Laba iyo soddonkaas sanadood waxay  ahaayeen shalay oo kale, oo xusuusta xorriyada jabuuti waa mid  mar walba ku xardhan maskaxdeena.   Bal aynu dib u jalleecno 32 sanadood ka hor iyo  Boon  oo an  joognay markii calanka Jabuuti la saaray, qof an wakhtigaasi garaadkisu buuxinna kama tarjumi karo qiimaha iyo qaayahay  ay maalintaasi lahayd.

  Read more of this post

Maanta ma kastid mana kasban kartid wanaag, ee kas xumaadaa addaa wax ku la,a: Boon iyo Biyo

 By Yaasiin Siciid Cusmaan            

Scw salantaa islaamka dabadeed waxaan hanbalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa ,dhamaan waayeelka,haweenka ,culimada, dhalinyarada iyo cuqaasha BOON, meelkastoy jogaan.  Waxaan malmahani ina dhaafay ama usbuucan ka akhristay websiteka saylac.com in dhalinyarada Boon ay biyihii la wareegeen markii loo magacabay dad khaas ah,, waxan kaloon manta oon qorayo maqaalkani aan ka akhristay lughaya.com in dalinyaradii biyahaa isku xeertay uu police ka selel uu arintaa xaliyay uuna ku xaliyay wadahadal ka hor in cid dhex dhexaada loo sii dhiibo biyaha mamulkooda inta loo xilsarayo cid loo garto biyahaa,,,,,,waa sidaan ka akhrisatay,ama uba fahmay.

Read more of this post

Aadbay ii Taabatay Uurkutaallada, Ubadka ku Jira Xabsiga Boorama

By Xaawa Cige Guuleed – London

Marka ugu horaysa waxaan akhristayaasha ku salaamayaa salaanta islaamka Asalaamu Calaykum Waraxmatulahi Wa-Barakaat.

Read more of this post

DanYarta Awdal iyo Maxaa, Duufaano Kala Haysta?

danyar-iyo-duufaano-borama3

Waa markii labaad muddo Labo sanadood gudahood ah, oo ay roobab duufaano iyo baraf wataayi ku habsadaan degaano ka mid ah gobolka Awdal.  Doorkan maanta ahna waxay duruuftu taabatay dadweynihii ku noolaa  caasimadda ummadda oo ah Boorama.

Read more of this post

Saylac.com Maxay iska Shabahaan Idaacaddii Huutuda Ee Interahamwe..?

 By Ojor Daahir Ojor
Waxa Jirtay Dagaal sokeeye ahaa oo ka dhaxeeyay dadka wada daga wadanka Ruwanda La yiraahdo xiligii 1990s. Hadaba xiligaasi waxa buunbuunin jirtay dagaalka meelahaasi ka socda Idacaddii caanka ku ahayd in dadka la laaayo, la dilo la dhaco, ilaa inta laga dhamaynayo Tutsiga.  Waxa idaacadaas la odhan jiray ‘Interahamwe’ waxana hormood ka ahaa maleeshiyada Huutuda, taasi oo mar walba dadka ku wacyi galin jirtay qabiilka Huutuda Ee Wadanka Ruwaanka in la gaadhay Wakhtigii Ay ka Takhalusi Lahaayeen Tutsiga Ruwanda.
 

Read more of this post

Dulmi Cidna Ka Yeeli Mayno

“MA NIHIN QOOMIYAD XORNIMO HAYSATA ,MANA AWOODNO INAAN AWDAL OO AAN LEENAHAY S/LAND UGA HORNIMAADNO SI CAD”.
 By Abdulkadir Rashid A.Douksie.
   

Maamul Xumida Boon, Dawlada Fadhiidkaa Ka Masuula

By  Cumar Xadaari

Hargeysa (AB); Boon ayaa ahaan jirtay meel xadaarad iyo ilbaxnimo lagu yaqaanay oo maamul wanaag iyo ismaqal lagu dhamayn jiray waxkastaa oo khilaaf  ku yimaada bulshada dhexdeeda.  Balse  waayadan danbe waxaa ku  soo kordhaayay ismaqal  la’aan iyo maamul xumo.

Read more of this post

Muxaafidka Mustaqbalka vs Mucaaridka Mustaqbalka.

Ma moodi jirin inay xusbiga UDUB ku hadheen dad leh hadal karaanimo ama aftahannimmo,  balse waxa ku hadhay Maxamad Ismaaciil Bullaale oo ah xoghaya guud ee xusbigaas.  Dhinaca kale xusbiga KULMIYE waxa kolba ku soo biiraya dad midba midka kale hadal ku dhaamo, haatana waxa kusoo biiray mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, oo ah kooxdii QARAN.

Read more of this post

Maamulka cusub ee degmada Boon loo sameeyay; Muxuu ku soo kordhin doonaa Degaankaasi???

By Xadaari

Maamulka  cusub ee degmada Boon ayaa ah  midkii ugu danbeeyay gobolo iyo degmooyin badan oo u mahadxwayne rayaale  magacaabay.

Read more of this post

Raaskii Caddaa, Rijaalbaa Ka Talin Madoow..

16barak533.jpg

Senator Barak Obama wuxu kala badh u jiraa inuu gaadho Guriga Cad (Half-way to the white House) ee looga taliyo Ameerika iyo Adduunkaba. Waa shaqsigii igu horreeyay ee Madoow ee ku soo baxa is reeb-reebka loogu jiro jagada Madaxnimo ee dalka Maraykanka. Waa guul usoo hoyatay guud ahaan dadka ku nool Maraykanka oo muujiyay wajigoodii Diimuqraaddiyadnimo. Inkastoo lagu xisaabtamayo inuu wajigoodii Cunsuriyadnnimmo wali qarsoonyahay oo malaha (perhaps) ay la sugayaan marka doorashada ugu weyni timaado ee loo tartamayo qofkii ka talin lahaa Guriga Cad (the White House) ee Maraykanka. Hadana ilaa iyo haatan Mr Obama iyo intii taageertay waxa usoo hoyatay guul la taaban karo.

Read more of this post

Diwaan Galintii Deeq Looma Hayee, Doorasho Ma U Dareernaa?

Libaaxlay(HiilDanExpress – HE); Awel horeba danbi ayay ahayd in ummad an lagu samaynin dib u dejin lagu dul cuno kharash ku baxa diwaan galin. Read more of this post

Boqor Axmad-Guray vs Madaxweyne Kaahin?.

Mujaahid Imaam Boqor Axmad-Guray iyo Madaxweyne Jaalle Daahir Rayaale Kaahin laysma bar-bar dhigi karo.  

Mujaahid Guray wuxu la jihaadayay gaallo, xeebaha dalka iyo guud ahaan dalka Soomaaliyeedna uma ogolan kareen gaallo iyo wixii la mid ahi inay gacanta ku dhigaan isagoo nool.   Read more of this post

Hogaanka Gabiley, Toloow Yaa Hanan Kara?

Gorayacawl(All Boon -AB); Dhakhtar u dhashay beelaha Koonfur Soomaaliya oo  ka mid ahaa dhakhaatiir loo soo diray degaanka Gabiley sanadihii 1977kii  ayaa wuxu dhawaan noo sheegay in markii loo soo dirayay degaankaas, ay wasaarada caafimaadku ku war galisay inuu yahay degaan ay u badan yihiin beeralayda iyo xoolo dhaqatada beelaha loo yaqaano Gadabuursi/Samarroon. Read more of this post

Dhoolla Tuska Kulmiye Iyo Dhoohanaanta Kaahin: Faallo

mudaharad6.jpg

Gorayacawl(AllBoon – AB); waa markii labaad ee bannaanbax ballaadhan oo nabdoon ay taageerayaasha xisbiga kulmiye fagaare iskugu soo baxaan. Dibad bixii hore wuxu ahaa midkii dhawaan ka dhacay magaalada Burco ee lagu diidannaa muddo kordhinta madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka dalka. Dibad baxaasi hore waxay dawladu kaga jawaabtay in masuulliyadda laga xayuubiyo duqii gobolka Togdheer.

Read more of this post

Tuulada QULJEED, Ha Isku Dhiibto Degmada BOON.

Tuulada QULJEED, Ha Isku Dhiibto Degmada BOON. !!!

Sida qaalibka ah, degmada Boon waa degmada ugu caansan gobolada Woqooyi Soomaaliya iyo xitaa Soomaaliyeedba . Maxaa yeelay waa degmo laga heli karo qabiil kasta iyo qooys kasta oo ku dhaqan dalka Soomaaliyeed. Tusaale,  Boon waxa laga heli karaa Oromo, Canfar; Daarood, Hawiye; Samaroon; Ciise. Dad timo cad iyo dad timo cas, kuwa tima jilicsan iwm. Kuwo madoow sida sabuurada iyo kuwa cad sida nuuradda intaba Boon waa laga heli karaa.  Waa degmo mucjiso badan una qalanta inay iyadu kalideed isku taagto gobol.  Degmada Boon waxa hoos yimaadda tuulooyinka kala ah:

  • Ceel Baxay
  • Aroorseel
  • Xariirad
  • Habaas
  • Cabdulqaadir
  • Jidhi
  • Wadajir
  • Sheekh Awaare
  • Fiqi Aadan
  • Dabad-dillac
  • Dhagaxmadow
  • Xaliimaale
  • Weeraar
  • Cadaad
  • Hangari
  • Gargoorrey
  • Sac waraabis
  • Abbase
  • Iyo qaar kaloo badan, iyo qaar kaloo badan……………………..!!

Hase yeeshaa, maadaama haatan laga dhigay Boon inay noqoto caasimada labaad isla mar ahaantaana ah caasimada maamulka ee gobolka SALAL. Waxa suurto gal noqotay in Xariirad iyadna degmo la siiyo si Boon culayska badan ee tuulooyinka hoos yimaada looga yareeyo. Dhawr tuullo ayaa u wareegi doona xagga XARIIRAD, inkastooy dhammaantoodba ku xidhnaan doonaan BOON. 

Hadaba nuxurka faaladeenani wuxu yahay; inaynu is weydiinno,  maadaama ay Boon noqotay caasimad gobol, muxuu yahay waajibka ka saaran tuulada yar ee la yidhaahdo QULJEED, ee waligeedna ku hoos noolaan jirtay BOON?.   !

Sida qaalibka ah, Quljeed waa tuullo yar oo  laf yar oo ka mid ah bulsho weynta Beelaha samaroon ku nool yihiin, mana aha tuullo is barbar dhigi karta BOON, si kasta oo ay isku qaad-qaadaba.  Qooyska yar ee tuulaadaas Quljeed u badani, wuxu itaal ahaan iyo talo ahaanba ku hoos noolaan jiray bulsho weynta ballaadhan ee reer BOON. Sidaa daraadeed waxa Boon la gudboon inay soo dhaweysato Quljeed oo sidii hore uga naxariis iyo dulqaad badnaato. 

Reer Quljeedna waxa u wanaagsan inay isku soo dhiibaan BOON, oo ay noqdaan tuullo ka tirsan gobolka Salal – BOON. Maxaa yeelay Boorama iskeed ayay u nooshahay waxna uguma filna xitaa kuwa ku nool fulunfuulka. Halka ay BOONa ka tahay   caasimad waligeedba hogaamin jirtay Mabaadiida dhaqan-dhaqaale ee loo kala yaqaanno; Hawl iyo Hanti-wadaaga iyo Hays CaawisadaSidaa daraadeed tuulada yar ee Quljeed waxa guul u noqon doonta inay hoos timaado BOON. 

Hadal iyo dhammaan;  tuulada QULJEED ha isku dhiibto BOON, waxanay heli doontaa magangalyo buuxda, madaxnimo an buurnayn, iyo macdanta buuraha iyo badaha BOON oo ay nala wadaagto. 

Ha Samaado SALAL.    

BoonNews

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.