|
NIN HADAL KUGU DILA, AAMUS BAA LAGU DILAA !!!!
Caruureey Habeen Wanaagsan,!
Waayo hore oo hore, ayaa waxa magaalda ALLAY U TAALLAA ku noolaan jiray oday hadal jiidhay sida baabuurka, oo la odhan jiray HADHAADHAQ.!
Carruureey; odayga hadhaadhaq afka iskuma qaban jirin, qofkii hadal u celiyana wuxu ku dili jiray hadal iyo cay iyo calaacal is wada daba socda, mana kala saari jirin qof la dhashay iyo qof la dhaqmay toona. Cid walbana shaki buu ka qabi jirey, dadkuna way iskugu wada ekaan jireen, oo wejigooda iyo codkooda xitaa makala aqoon.
Hadaba carruureey; maalin maalmaha ka mid ah ayay bulshadii beesha ku noolayd ka tashatay odaygii hadhaadhaq, kadib markii ay khaati bilaah ka joogsadeen. Bulshdadii waxay qaateen talo oday weyn oo waayeel ah oo xikmad iyo karaamo badani usoo jeediyay. Odaygaasi wuxu ku yidhi dadkii, “halloo aamuso Hadhaadhaq, oo aamus hallagu dilo”, oo KA SHIB DHAHA ISLAAMOOW NAFTAA KII LAHAA GADAYE.
Carruureey, bulshadii sidii ayay yeeleen oo way u wada aamuseen odaygii hadhaadhaq. Odaygii Hadhaadhaqna markii loo wada aamusay dabadeed ayaa cadho iyo hadal daraadeed indhihii casaadeen, oo cunihii bararay, oo carrabkii qalalay, kadibna guri cidlo ah ayuu kelidii oo cidna la joogin,iskaga dhex dhintay isagoo dibnaha qaniinsan. Xitaa Habar yar oo tuur leh, oo weysada u biyaysana waligii ma yeelan.
Carruureey; dulucda sheekadu waxay tahay, in aamusku yahay dahab isla mar ahaantaana dawo u yahay hadalka lala duul-duulo ee bilaa kitaabka ah.
Carruureey; sidaa iyo Nabad iyo Caano. !!!
|