Arligaygoow: Maxamuud Ciise Cumar – TimaJilic (AUN)

Walhad: Raage Ugaas

Waa geeraar uu ku amaanayo faraskiisii la odhan jiray “Weehad”. Geeraarkan wuxuu inagula daadegayaa siyaabaha eebbe ugu deeqay Weehad, iyo wax qabadkiisi. Dabeecadihiisa Dagaal iyo Habsami Socodkiisa, Muuqaalka Quruxdiisa, arimahaas oo dhan ayuu ku tilmaamayaa geeraarkan.
Wuxuu kale oo uu geeraarka ku furayaa dhowr beyd oo uu kaga waramayo aftahanimadiisa ilaahay siiyey, oo soomaali badankeed ku tixgaliso isaga:
Read more of this post

Raage Ugaas: Soow Waxan Ilaawaba, Mid Xumi Ima Ogeysiiyo

By Faarax Geeydh

Raage Ugaas wuxuu gabaygan ka tiriyay dagaal ay jifadiisu (MaalinGuur) iyo Jifo Kale ooy hayb korre wadaagaan (Reer Amaadin) Wada galeen.
Dagaalkan waxaa lagaga guuleystay Jifada Raage Ugaas ka dhashay. Raage oo ku baroor diiqaya ragii ku le’eday dagaalkaas, sida Aw Cumar Xaashi, Aw-Faarax Warfaa ooy ilma adeer ahaayeen, ayuu tirshay Gabaygan. Raage ugaas wuxuu kaloo arkay, ragii dhintay, dumaashoodii inay heleen rag aan dhigmin kuwii horre oo uu isagu dhaliilsanaa. Gabaygan ayuu mariyay oo soomalida inteeda badani ku faafay.

Read more of this post

Maansadii MAWQIF: Taageero Aqoonyahanka Tolka


Waxaan taageero hiil iyo hooba u dirayaa shirka madaxda beesha samaroon ku yeesheen magaalada minisota ee dalka maraykanka waxaan odhan lahaa habalyo hambalyo mabruukiin alfa mabruukiin waa talaabo horay loo qaaday una qabsoomay si farxadi ku dheehantahay waxan ilahay uga rajaynayaa kii umada u horseeda karaamo ,horowmariyo guul waxan ku cabiri lahaa farxadayda ereyadan kooban ee guubaabada ah,

Gabay: Oohintii Saylac.

 

Read more of this post

Abwaan Maxamad-Gacan iyo Heesta Maanta: Baadi Goob

qaybta wiilka

 Barashadu sarseeriyo

hadimada badhkeediyo

boqno goynta idilkeed

inan yahay  badhaadhaha

kuma soo baxaysoo

baashaalka noloshana
Read more of this post

Maansadii KASMO

Kalawliyo karuurra

Kadinkii  Gargaara

Kaydka ceelasha oomay

Kaymaha abaarsaday

Kulaylkani  noolaha

Kulli wada abbaaray

Read more of this post

Tawxiidkiyo Quraankiyo, Tusbaxa Yaan Laga Tegin..!

 

Read more of this post

Maanso: Sooyaal

 Sooyaal

By Maxmad-Gacan(AsadZare)

Waa gabay ka hadlaya marxada somalida xaalad ay ku sugan tahay maanta taabanayana heerka somalida aay maanta marayso ,  Adiga marka qof somalia aad tahay sideed isku aragtaa sidee aduunyahad kale kuu aragtaa?.

Read more of this post

Digasho: Maanso

By AzadSare

Waa maanso taabanaysa  su’aalo dhowra 

 

Maanso: Nin Tahriiba..!

By Abwaan Maxamad-Gacan

  • Taam yeel alahayoow
  • hamigayga oo tabi
  • inaan qurbaha tago
  • oon tiriyo lacagtaa
  • iska taal gidaarada
  • toobin wayn u qaatoo
  • utabiyo wadankii
  • Waa gabay taabanay xaalada nolosha iyo saadaasha labada qof ee kala jooga wadankii iyo kan jooga qurbaha oo midiba ka kale tuhmayo , Noloshu waa sida kaluunka bada ku jira oo marka shabag loo daadiyo kan shabaga ku jiraa waxa uu yidhaahdaa ilaahayoo mar uun yaa ka bixiya shabaga kan dibada joogaana ku hamiyaa inuu shabaga galo, Qofka qurbaha jooga waxa haysta durufo nololeed oo:

     

    Read more of this post

    Heesta Sanadka Cusub: Hodaneey Ma Nabadbaa?

    Heestan qoraalka ah ee idinku soo maqan, waxa curiyay Abwaan Maxamad-Gacan, waa hees ujeedo fog leh, waana heesta aynu kusoo dhawaynayno una aqoonsannay sanadka cusub.  Heestan waxa magaceeda la yidhaahdaa :

    Hodaneey Ma Nabadbaa?
    Read more of this post

    Awdaleey Dadkaaagii, Dibi Foofay Weeyaan..!

    Toloow yaan la doodaa

    Da’da gabay hingaadshoo

    Dadkaygii wax fahansiin ..?..!!!!

    By Maxamad Gacan

      Read more of this post

    Mansadii: SALSAAL

      

    By Mujaahid Farxaan  
    samaroon salsaal  baa  ku dhacay  saacan  manta ahe 
    sibraha iyo boqon tay is  jareen subac kaliileede
    sabar kiyo laftooday jabsheen goor saluug jirae

      Read more of this post

    BARAARUGA

     Kusoo Dhawaada guuroowgii halkudhigiisu ahaa  BARAARUGA,    waxa curisay  shamis cali xasan

      “Waxna baab shay moogiye, Adduun,waa ku bahaloownee”……..

    Read more of this post

    Alloow Naga Marsii Meelo Kale: Maanso

    By Shamis Cali Xasan 

     

    maxaa madax da loo laynayaa, iyo masaakiinta? ,

    maatida maxaa loo qarxiyay, mudana yaasheennii?,

    mad fac yada maxaa loo dhex dhigay, mucalimiinteennii?
    Read more of this post

    Dib U Fiiri Alloow, Qarankaas Dumay

    Maanasadii ‘DIB U FIIRI ALLOOW’: By Shamis Cali Xasan

    Walaal magacaygu waa shamis cali xasan. Hada mahayo talo kale oo aan ahayn gabaygan hadii uu idin qancin waayana iga raali noqda:
    Read more of this post

    Gabay Jacbur: ‘Nabadu Jalxad Weeyee, Car Kumaa Jabinaaya’?..!

    Suugaanta soomaalidu waxay leedahay noocyo badan oo an la odhan karin dhammaantood way nidaamsanyihiin ama nidaam loo wada dhigay ayay haystaan. Qaarkood ayaa magaca suugaanta la wadaaga murtida iyo erayada balse kaga duwanaada hanaanka iyo habka loo dhigo. Gabayada loo yaqaano  jacbur oo inta badan loo adeegsado murtida maada ah ee loogu talo galay in dadka lagaga qosliyo, isla markaana uu hormuud ka ahaa C/Laahi Macalin Dhoodaan ayaa ka mid ah suugaantaas aynu soo sheegnay. Mid ka mid ah ayaynu halkan idiinku soo guurinay, balse is weydiintu waxay tahay gabaygan yaa tiriyay, mase noqon karaa jacbur?: 
    Read more of this post

    Gabaygii ‘Qayb Libaax’: Xuseen Dhiqle

    Labadii Qofee inagaga hadhay, Qaafadii Dumarka
    Tii Quruxda roonayd , hadday Cali la Qooqayso
    Qudhoo kaliyaa nagu hadhoo, Qalabku noo yiile
    Tanna Qaata, Naadaba Ragbay Qaac u shidataaye

    Waa gabay ka mid ah Suugaantii aynu kusoo baranay dugsiyadii  H/Dhexe/Sare, ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya kuna salaysan qiso dhab ah oo taariikhda soomaaliyeed aad ugu baahday.  Burburkii ku dhacay daraawiishta  kadib markii cirka iyo dhulkaba isticmaarku ka weearay, ayaa wuxu keenay in soomaalidii kale iyagii dib u bililiqaystaan, oo xitaa dumarkoodii rag kale loo dhiso.  Xuseen Dhiqle oo ahaan jiray nin gabayaa ah isla markaana xafidi jiray gabayadii sayidka ayay arrintani si gaar ah u taabatay kana gabyay.    Sheekadan oo dhammays tiran iyo gabayga oo intuba maqal iyo muuqaalba leh ayaan halkan idiinku soo guurinay.  Dheehasho iyo dhageysi wacan.

    Read more of this post

    Gabaygii Taleex iyo TIMA-CADDE

     Anaa kaa tol roon waa waxaad, u tariqi weydeene

    Tawalleeye Binu-Aadamkii, taag darraan jiraye

    Gabayaagii weynaa ee caanka ahaa aadkana u mucjisada badnaa ee C/LAAHI SULDAAN- TIMA-CADDE (Raxmatullah Calayhi) ayaa tiriyay gabaygan soo socda. Timacadde wuxu gabaygan ku xusayaa sida soomaalidu qabiilka isugu disho halkii ay cadowgooda guud dhan uga soo wada jeesan lahaayeen. Hadday Soomaalidu taageeri lahayd SAYID MAXAMAD CABDULE XASAN(AUN), maanta halka ay joogto ma joogteen, waa sida aynu ka fahmi karno gabaygan isaga ah: 

    Read more of this post

    Gabaygii ‘ALLEYL DUMAY’ iyo Raage Ugaas

    Wali waxaynu  ku guda jirnaa ururinta suugaantii aynu kusoo qaadanay dugsiyadii Hoose/Dhexe iyo Sare ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya. Gabaygan idinku soo maqan ee halkudhegiisu yahay ‘Alleyl Dumay’, wuxu ka mid ahaa gabayadaas aynu soo sheegnay. Waxa tiriyay Raage Ugaas (AUN), kadib markii gabadh isaga u doonanayd oo ad u qurux badnayn isla markaana Raage aad u jeclaa loo meheriyay Faarax wiil-waal.  Raage Ugaas  sida la soo wariyay aakhirkii wuu dili doonaa Faarax Wiilwaal, kadib markii ay isugu yimaadeen inay shax wada cayaaraan,  gabadhiina wuxu ku kaxaysanayaa xarrago iyo xoog. Waa marka uu odhanayo:

    Read more of this post

    ALMADAR: Gabay

    Waa gabay ka mid ah gabayadii aynu ku soo qaadanay dugsiyadii Hoose/Dhexe ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya.  Waxa tiriyay Gabayaa Xaaji Cabdi Muuse. Gabayaagu wuxu tebay duqaytidii hore ee ummadda hogaamin jirtay oo sii gabaabsi ahayd, iyo kartidii iyo karaamadii ay duqaytidaasi lahaayeen. Wuxu la hadlayaa dhalinyaradii wakhtigaasi ka qalin jabin jirtay dugsiyada gobolada Woqooyi Galbeed, gaar ahaan Hargeysa,  ee loo yaqaanay ALMADAR. Isagoo hoga- tusaalaynaya dhalintaasi, isla mar ahaantaana humaagsanaya hawlkarkii duqaytidii hore ayaa wuxu gabayaagu yidhi:

      Read more of this post

    ‘Soow Ma Aha?: Gabaygii Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (AUN).

    Shir aguugay waayeel abyamey, talo ashaashowday

    Irdi jiq ah albaabo isku xiran, eel la bixin waayay

    Nin aqoon leh aw iyo haddii, odayo lee geeyo

    Xaajada afraha duubatee, loo olmami waayey

    Inkastoo ayaan iyo ayaan, amarka loo guursho

    Ninkii maalintaas ka arrinshaa, AAAQIL  Soow Ma aha?

    ……………SAYID MUXAMAD CABDULLE XASAN…….  

    Read more of this post

    FIIN: Gabay

    Waxay tidhi Or beena baad waddaa, Ina Xuseenoow’e
    Ugaas iyo qabiilnimo kuwii, Ubaxa ku faanaayay
    Abtirsiinadoodii kuwii, laga alhuumeeyay………
    Wali waxaynu ku guda jirnaa dib u jalleecidda suugaantii aynu kusoo baranay dugsiyadii Hoose/ Dhexe iyo Sare, ee Soomaaliya markay ahayd soomaaliya. Imikana waxaynu idiin soo qabanay gabay ka mid ah kuwii aynu duruusteena kusoo qaadanay.  Waxa tiriyay gabayaaga weyn, ee CALI XUSEEN XIRSI.

    Read more of this post

    Midab Door: Maanso

    BY Siciid Cali Sharmaarke

    MIDAB-DOOR

     Dhegtii mawle waanshiyo

    Maankii Iimaan qaba

    Labadaas mid uun baa Read more of this post

    Gabayadii Cabdi Gahayr

     
    Hadduu marada geyn-gen ku dhaco, waa gunnimmo weyne
    Waa inay gambadu kaa xumaan, golaha joogtaaye
     -C/Gahayr-
     
    Gabayaasha caanka ah ee Ummada soomaaliyeed ku faanto ayuu ka mid ahaa Cabdi Gahayr(AUN). Waxa jiray gabayo badan oo Cabdi Gahayr lahaa, oo qaarkood aynu kusoo dhiganay dugsiyadii H/Dhexe iyo Sare ee Soomaaliya markay Soomaaliya ahayd. 

    Read more of this post

    Indhihii Basaasoow, Boorama Ma Aragteen..!

    Sannadku markii uu ahaa 1972kii ayaa waxa gabaygan tiriyay Abwaanka Abwaanada Soomaaliyeed inta  imika nool.  Waa Abwaan Maxmad Ibraahim  Warsame (Hadraawi).

    Read more of this post

    Heesta Maanta iyo AllBoon

    Maqal iyo muuqaal wacan, waa MAKO iyo Canfar…!!!
    Read more of this post

    Tacsi: Marxuumad Aamina Sh Xasan Gaboobe (AUN)

    INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

    Waxaan halkan tacsi u diraynaa rashiid omer madoobe iyo dhamaan reer omer madoobe meelkastoo aay joogaanbe,hooyadood,oo maanta ooy bishu tahay – 20-04-09 aay ku geeriyootay magaalada Boorame marxuumada oo magaceega la oranjiray-AAMINA SH.XASAN GABOOBE .

     

    Read more of this post

    Gabayadii Raage Ugaas, Maxaad ka Xusuusataan..?

    Albaabada bannaan kaan ka jiray, aqalna waan jiifay

    Istanbuuli cadar layma marin, udugna way daaray

    Oon baa i dilay oo biyaan, ku ag wareegaayay…….?

    Raage Ugaas (AUN) wuxu ahaa Gabayaa  caan ku ahaa badanaaba gabayada arrimaha murugsan iyo kuwa calaacalka ahba.  Mid ka mid ah gabayadiisaas an wali la furfurin ayaan jeclaysannay inaynu akhristayaasha wadaajinno. Gabaygani wuxu yidhi:
    Read more of this post

    Cuqdada Daayoo, Caloosha Isku Fura…!!!!!

    Yaa Salaam………….Yaa Salaam……………Yaa Salaam…………..!!!!!
    Read more of this post

    Daal Adduunyo iyo Dood Aakhiro (Q1)

    By  Abdirasaaq Hammaal
    Read more of this post

    Humaaga Booqashada iyo Hadimada Tahriibka Q-4aad.

    By Abdirasaaq Hammaal.

    Akhristyaasha sharaf leh waxaan soo gaadhney wakhtigii aan inii soo gudbin laheyn sheekadeenii taxanaha aheyd ee ku sahabsaneyd dhibaatada tahriibka uu leeyahay qeybteedii afaraad, taas oo aan horey u soo aragney fikradihii kala duwanaa ee ay inoo jilayeen DALJIR,DALMAR, iyo DALDHIS maantana waxaa sheekada inoo soo bandhigaya:

    Read more of this post

    Ciidul Adxa iyo Aamina Faarax Wabar

    Dheehasho iyo dhageysi wacan: Read more of this post

    AllBoon iyo Salaamaha Ciidda

    Ku wada ciida Caafimaadsan..!!

    Reer Boon:Ku wada ciida Caafimaadsan..!!

     Farxadda Munaasabada Ciidul Adxa aawadeed waxaynu ku salaamaynaa bahda qoraalada hagrasho la’aanta ah ku soo darsata shabakada AllBoon (AB),  waa bahda AB, oo kala ah: 

     

     

     

    Read more of this post

    BAH-DOOLLAALO..!.

    By Abwaan Siciid Cali Sharmaarke

    Abwaan Siciid Cali Sharmaarke
    Abwaan Siciid Cali Sharmaarke

     

    Read more of this post

    Best of Qalanjo

    Boon Maxaa Iska Badalay..?: Qaybta 1aad

    Sida qaalibka ah,  Boon waxa an si rasmi ah uga guuray sanadkii 1981/82. Intii u dhaxaysay sanadahaas ilaa iyo 1988kiina safar ayaan kusii mari jiray Boon.  Dhawaan (August 2008) ayaan ku laabtay Boon oo an joogay muddo yar oo gaaban.  Hadaba is weydiintu waxay tahay maxaa iska badalay Boon ilaa iyo wakhtigaasi..?

    Read more of this post

    MIDNIMO: Maanso Iyo Qoraal

    By: Isniino Maxamad Sacad

    “Hadaynaan ismuujin,gabigeen midnimo katalin
    malkooyinka oodin cadowgeenu soomaraan
    Kumayricin Geela xeebaha la’inaga mulkiyey
    Muruguu la jiifi Samaroon Qabriga madow”.
     
    Read more of this post

    Maanso: Jihada Bari

    By: Siciid Cali Sharmaarke (Germany)
     
     Read more of this post

    Hees: Toloow Sahra Miyaa La Guursaday?

    http://www.gather.com/viewImage.jsp?fileId=3096224743866744
    Waa hees leh luuq aad u macaan oo wali an ku baadi goobayo gacalisaday SAHRA:

    Read more of this post

    GURMAD

    By Mudane

    asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatu  salaantaas islaamka kadib waxaan dhammaan dadka reer awdal ugu baaqayaa inay gacansiiyaan walaalohooda ku dhibaataysan xabsiyada liibiya waxaa umalaynayaa sida laga warqababa inay ku jiraan xaalad geeri dhaanto cidna uma maqna ceelna uma qodna ilaahay ka sokow waxaa intaas usoo raaca waa dadkii ay ka dhasheen oo iniga ah markaa walaalayaal hawshu way socotaa lacag ururintu ee nin waloowba taagtaa iyo taladaa ayaa lagaa rabaa waxaan aniguna idhaahdaa hadii aanan doolar hayn waxaan ahay daaci qaran waxaan ugu deeqayaa maansada lamagaca baxday (GURMAD).
    Read more of this post

    Iska Daayaay Tahriib

    Ta’da gabay waan jeclaa, tan iyo hore waagiiye
    Tahriibse markaan maqlaan, tuuray weedhaasiye,
    Toogashay igu noqityo, tumaatiyo taf wareene,

    Read more of this post

    Abwaanada Boon: Cabdi Saayiq

    Cabdi Saayiq wuxu ka mid ahaa Abwaanada Boon ee gabya, murti kooban oo ka mid ahayd gabay  abwaankaasi an ka haynana waxan kasoo xiganay C/Raxmaan Aw-Faarax Sigad.

    Read more of this post

    Raaskii Caddaa, Rijaalbaa Ka Talin Madoow..

    16barak533.jpg

    Senator Barak Obama wuxu kala badh u jiraa inuu gaadho Guriga Cad (Half-way to the white House) ee looga taliyo Ameerika iyo Adduunkaba. Waa shaqsigii igu horreeyay ee Madoow ee ku soo baxa is reeb-reebka loogu jiro jagada Madaxnimo ee dalka Maraykanka. Waa guul usoo hoyatay guud ahaan dadka ku nool Maraykanka oo muujiyay wajigoodii Diimuqraaddiyadnimo. Inkastoo lagu xisaabtamayo inuu wajigoodii Cunsuriyadnnimmo wali qarsoonyahay oo malaha (perhaps) ay la sugayaan marka doorashada ugu weyni timaado ee loo tartamayo qofkii ka talin lahaa Guriga Cad (the White House) ee Maraykanka. Hadana ilaa iyo haatan Mr Obama iyo intii taageertay waxa usoo hoyatay guul la taaban karo.

    Read more of this post

    Eebboow Nin Gobaan ahayoo, Guni Rifaysaaye

    Gudban iyo Gaalla Leged: Sayid Maxamad Cabdulle Xasan(Raxmatullaah Calayhi)

    sayyid11.jpg

     

    Gabayada Sayyid Maxamed Cabdille Xasan (AUN) ayaa iyagu marwalba ahaa kuwa loogu jecelyahay gayigeena ka gadaaman Geeska Afrika. Murtida iyo suugaanta ay gabayadani xambaarsanyihiin ayaa qalbiga umada Soomaaliyeed marnaba ka go’ila. Gabayada Sayyidka oo aad u fara badan ayaa waxaa kamid ah Gabay layidhaahdo “Gudban” ama “Gaalo-Leged”. 

     

     Gabayga Gudban oo ujeedada Sayyidku uu u mariyay ay ahayd caqli calin uu siinayay Daraawiishtiisa ayaa noqday “Gidaar” uu gaalada iyo daba dhilifkoodaba iskaga ooday

     Gudban Sayyidku waxa uu kaga qaaday:- 

    Read more of this post

    Wali Boon Ma Aragteen?- By Caddaawe (Nov2006)

    Degmada Boon waxay kamid tahay meelaha ugu da’da wayn  gobolka awdal waxayna ku taallaa meel xudun u ah gobolka. Magalada Boon  waxan soo maray sannadkii1986kii markii la saasayay gobolka awdal halkaan waxan kula kulmay rag farabadan oo  magaaladaasi degan. Hadaba wixii aan la kulmay oo dhan  waxan ka tiriyay geeraar yar anigoo markaa lajoogay nin jabuuti kayimid oo layiraahdo Cige Ibraahim Cadar. Read more of this post

    Dalsaneey Booramoo Daruuruhu Hadheeyeen.

     

    Deeqa Waxay La Midab Tahay, Dalsaneey Booramoo Daruuruhu Hadheeyeen

    Abdiqani Ateyeh — London, UK — 10 May, 2007

    Read more of this post

    Kala Daran – By: Siciid Cali Sharmaarke

    Kala daran

     

    Hadduu duul horeba yidhi
    Allahayoow nin daalina
    Allahayoow nin daacada
    Deeqdaada ha u simin
    Anna waxan ku sii daray
    Allahayoow nin dooro le
    Allahayoow nin daahira
    Derejadaba ha u simin

    Read more of this post

    Baaqa Degmada Boon:

    Bisinkiyo Yaasiinkiyo, Burdahiyo Alacaanka

    Britain anoo jooga, Baddana ka tallaabay
    Baroor inaan soo diraa, waa ila Boholyoowe
    Booneey Baaqbaanse, Baalkan ku xusayaaye

    Badweyn weeyi Dunidani, Baaxaa dagiye
    Bar ay ku butaacdiyo,waa meel ay babisaaye
    Boqor kii ahaan jirayba, mar buu quutaa Bidhiiqe

    Baladka ad ku nooshihiina, Barakaale weeyiye
    Budka ragbaase idiin sida, ahna Biidhi qaatayaale
    Bara kiciinana ka taliyoo, Badhkiina iibsadaye

    Boodh Bakhtiyaybuu, Fule baqayay baadhbaadhaaye
    Dabadeena Maro cayno badan, Bir ugu taagaaye
    Bulshaan nahaye yidhaahdaana, Biloow i dhaha’e

    Beeshii Israacaay, kala jab baa laydin Badayaaye
    Baylahdiyo dhibtiinaana, Hargaysa lagu Biiliyaaye
    Booramaana idin gabtoo, Boqnihiina gooysaye

    Bahaayinkuba wuu arkaa, Bacadka loo galaye
    Balag dadse loo lulo, waad ka Buruud Sarraysiine
    Been Dawlad badanina, Ballan Eebana ka Baxdaye

    Mar haddaan Qumbulud Buuran, laydinku Bug siinaynin
    Barbarana la wada yahay Itaal, Bawdiyo cududba
    Baabahna ad ahaanayn, tii Billaahina tahay Baaqi

    Maamul madax Bannaaniyo, Muslinimo ku Baana
    Bilaaba Ha is Caawiso, oo Bi-idmilaahi Kariima
    Bisinkiyo Yaasiinkiyo,  Burdahiyo alacaanka

    Burjiga cuskada Ilaahay, waa balaayo xijaabe

    Cabdiqani Suldaan Yuusuf – London, UK

    BoonNews

    Waligaa Ha Fududaan.! By Mudane

    Fadlan gabayga iga qabo
    Farduus waa midaydii
    Fatxi weeyi gabadhani
    Fahan kaygu muu talin
    Fikirkana kumaan garan
    Hayeeshee fataaxaa
    Foolkayga keenoo
    Farduus tayda weeyaan

    Filimada aduunyada
    Faaladooda maangalin
    Fusuq lala waregana
    Waan kafoojignaan jiray
    Faqrigiyo dhibtii hore
    Fatxibaa kadaba yimid
    Faral la igu leyahay
    Kama raacin faran wali
    Fiirada dhexdeenee
    Dadka kala fogaysana
    Farahaan kataagaaaa
     
    Waligaa ha fududaan
    Ha fogaana saliyoow
    Fircoon dhaqamadiisii
    Fikirkaaga yay galin
    Fidnad ha,u;abaabulin
    Dadfasadka lagu daray
    Farxaduna halkay taal
    Haka dooran foolxumo
    Hadal fiicanoo jira
    Ha;uyeedhan feedhfeedh

    Waligaa hafududaan
    Hafogaana saliyoow
    Hanataagin foodoo
    Dadka fara hadheeraan
    Fajacbaa inoo iman
    Faranbaa haleeyiyo
    Filsanbaa  utalisaa
    Lagu foofin xoolaha

    Waliga hafududaan
    Hafogaanin saliyoow
    Hana filin najaax uun
    Falwaxaa imaankara
    Fareheenu qabankarin
    Mafilaayo taase
    Fooqsare wixii yaal
    Ha,utaagin farahoo
    Waan fuulayaa daa
     
    Waligaa hafududaan
    Hafogaana saliyoow
    Ninka kuu far taagan
    Hafudaydsan waligaa
    Hada firix kumaan odhan
    Fulay nagaba dheereee
    Faa,iido lagu dego
    Fadlan adigu doon doon

    Waligaa hafududaan
    Hafogaanin saliyoow
    Filsan teena haku furin
    Fikir kaaga ooqudha
    Fiiri talada aad fali
    Hana siifur furin gabi
    Finka keeni qaladkana
    Hafadhfadhin dushiisoo
    Fidnad uun ayay dhalan
     
    Waligaa ha fududaan
    Hafogaanin saliyoow
    Fadlan anuu ma odhan karo
    Anaa fiicanoo qudha
    Waxaad filaysana
    Firfir laguma heli karo
    Foojignoow intaad kari
    Fiiradaadu yay lumin
     
                                      
    C/Fataax Daahir Cige
    Mudane_22@Hotmail.Com
    Cairo-Egypt

    Boon I Deeqday

      Xusuustii BISADEEYE.

    Qarmadan waxaynu ku xusuusanaynaa, kuna xusaynaa, Abwaan, fannaan, maadeeye, musishan, miskiin,iyo danyare Soomaaliyeed, oo taariikhdiisa la qariyay. Magaciisa oo buuxa ma hayno, balse  naanaystiisa waxa la odhan Jiray BISADEEYE (Raxmatullaah Calayhi).

     

    Marka ugu horreysa waxaynu marxuunkas Ilaahay uga baryaynaa inuu ka waraabiyo Naxariistiisii janno, ehelkiisii iyo qaraabadiisii iyo masaakiintii la midka ahaana ka siiyo samir iyo Iimaan.

     

    Bisadeeye wuxu ahaa qof mucjiso badan, oo hal qarni ka horreeyay bulshadii la midka ahayd. Wuxu ahaa miskiin danyare ah, hase yeeshee gacanta ma hoorsan jirin intuu meel fadhiisto oo ma odhan jirin YAA ALLA WAX SIIYAY. Wuxu adeegsan jiray hibooyinka (talents) Ilaahay u siiyay dhinacyada fanka, farshaxanka, iyo maadaynta.

     

    Wuxu samaysan jiray qalab isaga u gaar ah, oo gacantiisa uu ku samaysan jiray, sida kabanka iyo durbaanada. Dabadeedna kuwaas ayuu dadka u tumi jiray isagoo raacinaya erayo iyo cod macaan oo isagu leeyahay, iyo waliba qoob ka ciyaar isaga u gaar ah (unique).

     

    Heerka uu Bisadeeye wakhtigaasi joogay, waxad imika ku aragtaa wali inay  ka taagantahay wadamada horey u maray. Wadamada horey u maray waxad ku arkaysaa dad masaakiin ah, oo is taagya dariiqyada tareenada iyo baabuurta iyo meelaha layskugu yimaado oo isticmaalaya xirfadahooda maadaysnimo ama music si ay nolol maamlmeed ugu helaan. Hadaba Marxuun Abwaan, fannaan, maadeeye, musishan mudane Bisadeeye (Raxmatullah calayhi) kuwaas ayuu u ahaa boqorkooda, kuwa afrikana wuu ka horreeyay.

     

    Hadaba ciddii haysa magaca buuxa ee Bisadeeye iyo taariikhdiisii, fadlan de-deg ha noola soo xidhiidhaan. Anigu waxan ku xusuustaa Bisadeeye, heestiisii uu odhan Jiray “WAAR I DAAYAAY BOON I DEEQDAYE”.   Erayada kuwa an ka xusuusto ee heestaasi waxa ka mid ahaa
     
     Orgiile waan ka raystay

    Garaskii waan ka raystay

    Garraaxdii waan ka raystay

    Waar i daayaay Boon I deeqdaye.!!!!

     

    Waxanan ku xusayaa Bisadeeye, inaan heestaas ka dheegto oo an isku duba rido iyadoo laxankeedii hore wadata, waxanan leehay:

     

    Baydka Koowaad

     

    Barbaartii An la koray iyo

    Bahdaydiibaa ku nooloo

    Kama baaqani karaaye

     

    Habeenkii waan u balweeyaa

    Hurdada waan uga boodaa

    Markaan soo baraarugana

    Billaahi waan u booyaaye

     

    Bulshayahay i daayaay

    Bal i daayaay , bal i daayay

    Boon i deeqdaye

     

    Baydka Labaad

     

    Baraar iyo ruux caqliga

    Bahaayinka la siiyaa

    Billadahooda garanine

     

    Bullaalle Booramiyo …(Bullaale Boorama)

    Khadiijadii Balwiyo..(Khadiija Balwo)

    Bisadeeye waa dadkaygoo

    Billaahi waan xusaaye

     

    Bulshayahay i daayaay

    Bal i daayaay bal i daayaay

    Boon i deeqdaye

     

    Cabdiqani Yuusuf Caateeye

     

    HiilDanExpress

     

    hiildan@yahoo.com

     

     

     

    Soomaali Ayaa U Daran – By Mudane

    Waxaa daran sallaamada qabiil
    Lagu salaynaayo
    Seeraha ninkii laga yidhaaa
    Soorta kala qaybi
    Haduu siibo xoolaha dhammaan
    Waa sad buris taase
    Caqligii saliimihina taas
    Wuu sadiqayaaye
     
    Sabankani da,deenuna dhabtii
    Way lasocotaaye
    Anigoo saqiir wali ah baan
    Talo sargooyaaye
    Kasaray nay taas waa horaan
    Heer samada gaadhnay
    Nin lasiri karaayiyo axmaar
    Soco gadal joogso
     
    Soomaalibaan ahay anigu
    Sidan mayeelaayo
    Soomaali waxay diidaysaa
    Sumad hogaankiina
    Soomaali waxay doorbidaa
    Samir dhexdeediiye
    Soomaali waxay diidaysaa
    Solay banaan yaala
    Soomaali waxa dilaya waa
    Socod dhaqaaqiina
    Soomaali waligeed madhicin
    Cadaw sujuudeeda
    Soomaali way diirantahay
    Sidaad u,aragtaanba
    Soomaali waa lagu ogyahy
    Gacan sarayn teeda
    Soomaali sidan maanta waa
    Sooha looxidhaye
    Surginbaa naloo xidhay badhkeen
    Soo abaabulaye
    Soomali soodhqudha wataa
    Wali masiijeedsan
     
    Sooyaalka taariikhda iyo
    Sadarka duugoobin
    Sifaadkii rageenii horiyo
    Surin halkuu jeexay
    Sayid maxamed baan yeeli jirin
    Cadaw salaantiiye
    Waxa saaka nala hadhay
    Dadkii silic ukeenaaya
    Siigada waxa nagu qasoo
    Cadaw safkii jooga
    Soomali idilkeed waxa
    Seexadka udiiday
    Salfadhiisi raaxa ah waxaa
    Sibirta goynaaya
    Waxa saarka waalidu  uun
    Saartay qalabkiisa
    Saxan saxada laydhaa dhibtoo
    Ficil masaadasho
    Salaadiyo qur,aanka dhiboo
    Saatir mayaqaano
    Seeftaa udheregoo madhigo
    Waa sadkuu raba,e
    Sumcadkii dalkeenoo dhanbuu
    Saylka raaciniye
    Sanboorbuu kaqaadaa heshiis
    Siiba nabadayne
    Sacabada ninkii ila heshii
    Hadal kusoo saafa
    Sun ayuu uhaystaa inaa
     lagu salaamayo
     
    Soolsool damashaad sidii
    Suuqa laga dhawrin
    Inuu sabiga laayuu hantida
    Siiyo cadawgeena
    Bariidaduna duri bay utahay
    Samir halkiisiiye
    Sarif lacaga oo lagu farxiyo
    Cadaw sintii joogso
    Dhexda suunka mari oo sanado
    Aduu suldaan sheego
    Siyaarada uduul meel kastaba
    Magac kasoo raadso
    Hadaad doonto saaskana kagado
    Siinta kuu timidba
    Soomaali yeel keed kuqawl
     subax kastood doontid
    Wax kastood samysaba intaad
    Saaran tahay koonka
    Rag saxaya oo qorayabaa
    Kugu sugee kawdheh
    Saxariir dadkii aad badayna
    Way kusugayaane
    Hadaad seegta dunidana marlay
    Waa su,aal qorane
    Safka akhiro adoo qaawan baad
    Sara kacaysaaye
    Sidaad noqoni goortaa allaah
    Yay sirtii tahaye
    Subxaan waxaan baryaynaa inuu
    Soo hanooniya,e
     
     
                 
    Abwaan C/Fataax Dahir Cige
    Mudane_22@Hotmail.Com
     Cairo

    Galbayeey Yaa Idin Matali (BY: Isniino Maxamad)

    GABAY (First Class)

    Galbayeey Yaa idin matali, Gabi Ahaantiinba – By : Isniino Maxamad (Marwo reer Boon Ah). !

    Asalaamu caleykum dhamaantiin.

    Marka xigana waxaan halkan uga tacsiyeynayaa, EHELKII IYO QARAABADII UU ADEERO XASAN SHEEKH MUUMUN kategay. Waxaanan ilaahay uga bayayaa inuu samir wanaagsan kasiiyo isagana naxariis iyo dambidhaafsiiyo Amiiiiiiiiiin.

    Waxaan baryahanba la socday siday wax u dhaceen siduu u geeriyooday,sidii loo aasay iyo sidii loogu ooyay intaba. Waxaanse ka yaabay sida aan wax xusuusa loogala hadhinba taasina waa ceeb iyo ciil eedana Gadabuursigaa iska leh. Nin qiimo leh oodhanba cidiisaa qadarisa inaguse xataa halkuu ku dhashay baaban garanwaynay oon Boorama ku sheegnay halkuu Saylac kaga dhashay.

    Mida kale wuu udhashay Amaanta ee uma dhimanin intuu noolaa baad amaani lahaydeen taasna watan an idiin idhi.

    GADABUURSIYOOW goohday, oo gees waliba eegtaye
    Geed baad iskugu soo baxdeen, guuxna iniga yeedhye
    Geestii haween kaad malaha, garab ka waydeene
    Gabaygani ad raad-raadiseen, gabi ahaantiinba
    Gamboolay miyaad kaba fisheen, inay garanayso?.

    Walow ayna gaar inii ahayn,  geeridani timiday
    Garabkay kuwada jiiday, soomaali gidigeede
    Hadaanse godkii dhalashadiyo, eegno gurigeena
    Garaad baa idinka tegay, iyo ninay garato taariikhduye
    Gabalbaa idiindhacay, si ad ugaba gudubtiine
    waa gooro hore oo tegiyo, waxaydaan gaadhaynine

    Waad gunaandeen aasna, waad gabagabayseene
    Gabi waad u oydeen, warkuna is gaadhye
    Gadhmadoobe iyo wiilyarbaad, gabayo tiriseene
    Samaroon iswada giijiyoo, geesi wada noqoye !
    waadse garani waydeen, waajub kaad gudan lahaydeene.

    Geeridu xaqweeyaan, waana goor waliba jooge
    Xasana god wuu gali lahaa, goor ay noqotaba’ e
    waxa gocashada iniigu wacan, gama’a idiin diiday
    Hadii aydin garanayn, anaa idin gawaaqsiine
    gambana hanoqotee, xusuus kamaydin guntane

    Haduu geesiba idiin dhashoo, guule idin siiyo
    Ama uu abwaan gabay tirshaa, golaha idinla joogo
    Ama sheekh ducadu gaar utaha,  galaba reerkeena
    Goobaha intuu joogee, talo uu gorfaynaayo
    Gadiisii masoo reebataan, wax adku gama’a daane
    Goortuu dhintaad sooqortaan, gabayo dhaadheere
    Gubaa idinka dhacay reertoloow, ceeb kama gilgilataane.

    Ninkii geeyey magiciina, meel cidiba gaadhaynin
    Gobolkaad lahaydeen ninkii,  galiyey taariikhda
    Gurmadkii wadaninimo ninkii, goolka hore dhaliyay
    Gadabuursibaan ahay ninkii, goorwalba ku faane
    Guubadiisii ninkay, galabta idin hagayso
    Galbayeey ayaa idin matali, Gabi ahaantiinba.

    Gobanimo u dirirkii ninikii, soo gabani waayay
    Garaad lama dhaxlee ninkii, gade inii tooshe
    Gardaraba hadii laydinu dayo, cid idin gaadayso
    isagoonan gubanayn ninkii gabay, wax ugu sheege
    God madow hadaa laguridoo, wada gariirteene
    Galbayeey ayaa idin matali,  Gabi ahaantiinba.

    Bal hada eega hadana waa gafkale,  waxan igubayiye
    Garoo nyar ooloogu magacdarayna, waa cad uuna gayine
    Abaalkiisu wuxu goynayaa, gobolka oo idile
    Hadaadse u garateen, inaan gees umaamuusno
    Gaar taallooyin loogu dhisuu, galabsaday Xasane

    By Isniino Maxamed

    Email: isniino2@hotmail.co.uk 

    Follow

    Get every new post delivered to your Inbox.