Allaha U Naxariisto Marxuum Maxamad Xasan Mataan

Bahda HiilDan iyo AllBoon,  waxay dhammantood tacsi tiiraanyo badan gaadhsiinayaan ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii iyo dhammaanba ummaddii uu ka baxay Marxuum MAXAMAD XASAN MATAAN, oo maanta ku geeriyooday magaalada London, ee dalkan Ingiriiska.    Ilaaha Raxmaanka iyo Raxaiimka ah,  waxan ka baryaynaa inuu Marxuum Maxamad ka waraabiyo NAXARIISTII JANNO, dhammaanteena uu inaga siiyo SAMIR iyo IIMAAN.

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

maxamed-xasan-mataan

Tacsi: marxuum Sheekh Ibraahim Xaaji Xasan, Macalowle

Inaa Lilaah Wa Inaa Ilaahi Raajucuun.

 Anigoo ah Cabdale  Aw Farah Sigad  kuna hadlaya magacayga kan xaaskayga iyo  guud ahaan magaca reer Aw faarax sigad oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba kala jooga waxan tacsi tiiraanyo leh u diryaa dhamaan qoyskii iyo qarabadii uu ka baxay marxuun Sheekh Ibraahim Xaaji Xasan, Macalowle oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Diridhaba ee Dalka Ethiopia.

Read more of this post

TACSI: Marxuum Farxaan Maxamad Aadan Ducaale (AUN)

Anigoo ah suldaan Muumin suldaan Caateeye suldaan Faahiye kuna hadlaya magacayga, magaca qoyskayga   magaca reer Suldaan Caateeye Suldaan Faahiye, magaca suldaanka guud ee beesha Maxad case suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ,waxaan tacsi tiiraanyo leh udiraynaa Maxamed Aadan Ducaale  (Candha-Goo) oo ku nool agaalada Ottawa ee dalka CANADA 

Read more of this post

Tacsi: Allaha U Naxariisto Maryan Daahir Ojor: Aamiiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaynu dhammaantayo  tacsi tiiraanyo badan si wada jir ah u gaadhsiinaynaa dhammaanba ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii ay ka baxday Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee, Maryan Daahir Ojor,  oo dhawaan ku geeeriyootay Oslo-Norway. Ilaahay raxmaan waxayn uga baryaynaa inuu marxuumada ka waraabiyo naxariistii janno, dhammaantayana naga siiyo samir iyo Iimaan.   Waa anagoo kala ah dadka magacdoodu hoos ku xusan yihiin:

Read more of this post

Tacsi: Allaha U Naxariisto Ambassador Muuse Xirsi Faahiye

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Dr Ambassador Hilaal Maxamad Aadan iyo Xaaskiisa Xildhibaan Shukri Suldaan Yuusuf Suldaan Caateeye waxay si wada jir ah iyagoo ku hadlaya magacooda, magaca dhammaan qooyskooda ehelkooda iyo qaraaabadooda iyo magaca ummadda Soomaaliyeed ee xilka ay u hayaan,  si tiiraanyo leh uga tacsiyaynayaan geerida naxdinta badan ee ku timid Ambassador MUUSE XIRSI FAAHIYE oo ku geeriyooday dalka Jabuuti.
Read more of this post

Tacsi: Marxuumad Faysa Cusmaan Axmad (AUN)

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Inalilaah waina ilahi raajucuun waxan halkan tacsi ugudurayaa qoskii iyo qarabadii aykatagtay  Faysa Csmaan Axmad. Ilaahay marxuumada haka waraabhiyo naxariis janno ehelkii iyo qooyskii iyqaraabadii ay ka tagtayna Allaha ka siiyo SAMIR IYO IIMAAN.
Read more of this post

Tacsi: Marxuumiintii ku Qudh Waayay Qaraxii Muqdisho

 

 

INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN
 
Dhammaan Qooyska reer Suldaan Yuusuf Suldaan Caateeye Suldaan Faahiye, meelkasta oo ay joogaanba. Waxay si wadajir ah uga tacsiyaynayaan geerida naxdinta badan ee ku timid Marxuumad Doctor QAMAR AADAN CALI, oo ahayd wasiirkii wasaarada Caafimaadka Soomaaliya, oo dhawaan lagu dilay qaraxii bahalnimada iyo waxshinimada iyo axmaqnimada ahaa ee ka dhacay Muqdisho. Waxan sidoo kale ka tacsiyaynaynaa marxuumintii kale ee masuuliyiin iyo macalimiin iyo Arday intaba lahaa ee isla qaraxaasi qammuunyada badan iyaguna ku qudh waayay.

Read more of this post

Tacsi: Marxuumad Saynab Yuusuf Maxmad (AUN)

FROM: ADAL STUDENTS ASSOCIATION
                                                                                       

 ISLAMABAD, PAKISTAN

DHAMAAN  JAALIYADA REER AWDAL/SALAL  EE KU DHAQAN  DALKA PAKISTAN  WAXAY TACSI TIIRANYO LEH U DIRAYAAN DHAMAAN  QOYSKA ILAMA   YAASIIN ISMAACIIL(NIRIG).

Read more of this post

Jaalliyadda Awdal/Salal ee Dalka Switzerland, oo Ka Tacsiyaynaya Geerida Marxuum Qaasim(AUN)

Inaalilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun anagoo ah jaliyada awdal salal iyo gabilay ee kudhaqan dalka switzerland waxaan tacsi tiiranyo leh  udiraynaa qoyski iyo qarabadii uuka baxay marxuum Qasim sh Yusuf oo ahaa wasiirka macdanta iyo biyaha ee somaliland oo ku geeriyoday dalka sucudiga anago kal ah:

Read more of this post

Allaha U Naxariisto :Marxuum Qaasim Sh Yuusuf

wasiirka-macdanta-iyo-biyaha-small

Bahda AllBoon iyo HiilDan waxay tacsi gaadhsiinayaan ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii iyo dhammaan qarankii uu ka geeriyooday wasiirkii Macdanta iyo Biyha Somaliland, Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf. Ilaahay Marxuunka naxariistii janno haka waraabiyo, dhammaanteenna haynaga siiyo samir iyo Iimaan.

 Taariikhdii wasiirka halkan ka akhriso..Read More….:

Masuuliyiinta Reer Boon/Boorama Oo Ka Tacsiyaynaya Geerida Guddoomiyihii Salal

Waxaan ka tacsiyaynaynaa geerida ku timid Gudoomiyihii Gobolka Salal, Marxuun CAWAALE XASAN ISMAACIIL.   Waxaanan u  tacsiyaynaynaa xaaskiisii , caruurtiisii , iyo ehelkiisii , anagoo ah  Madax dhaqmadeedada iyo  Maamulka Degmada Boon.
Read more of this post

Allaha U Naxariisto Guddoomiyihii SALAL

Bahda AllBoon iyo HiilDan waxay tacsi ka gaadhsiinayaan ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii iyo guud ahaanba bulshada gobolka Salal, geerida ku timid marxuun Cawaale Ismaaciil Xasan oo ahaa guddoomiyihii gobolka SALAL. Ilaahay marxuunka haka warabiyo naxriis janno, dhammaanteena haynaga siiyo samir iyo iimaan.

READ MORE.

Allaha U Naxariisto Marxuum Xasan Nuur (Sanduuq).

Dhammaan dadka magacdoodu hoos ku qoran yihiin, waxay si wada jir ah uga tacsiyaynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid, MARXUUM- XASAN NUUR oo ku magac dheeraa ”SANDUUQ” oo ku geeriyooday magalada Boorama 18-10-09. Waxan marxuunka illaahay uga baryeynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan eheladii iyo caruurtiisii iyo qarabadiisiiba samir iyo iimaan uuka siiyo ”AMIIN”

Read more of this post

Allaha U Naxariisto Suldaan Guray Nuur

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

TACSI

Dhammaan bahda AllBoon iyo HiilDan, iyo dhammaan tafiirta reer Caateeye Faahiye meel kasta oo ay joogaanba, waxay tacsi tiiraanyo badan oo wada jir ah ay gaadhsiiyaan, dhammaan tafiirta Suldaan Guray Nuur, geerida ku timid  suldaan Guray Nuur(AUN).

Read more of this post

Tacsi: Marxuumad Sacaada Daahir Faatax (AUN)

TACSI:  INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

ALLa ha u naxariistee waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 19/09/09 oo ku beegan maalin sabti ah galab nimadii ku geeriyootay magaalada Boon marxuumad sacaada daahir faatax.

Read more of this post

Tacsi: Marxuum Xasan Bahdoon Bookh (AUN)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Anaga oo ah rer maxamuud qayaad iyo  ehelada kale ee  hoos ku qoran waxaan tacsi udiraynaa  ehel ki iyo qaraabadii   ka baxay marxuun xasan bahdoon bookh o kugeeridooday magaalada boorama 05/09/2009.
Read more of this post

Tacsi: Marxuumad Mako Kulmiye Gaafane (AUN)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Dhamaan bah wayntaa reer Edmonton Alberta,canada waxaan tacsi tiirayo ah  uu dirayaa  dhaman reer kulmiye gafaneh.

Read more of this post

Jamciyaddii Tabliiqa ee Lagu Laayay Gaalkacayo (AUN)

tacsi.jpg  Dhamaanteen waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodayn jamaacadii tabliiqa ahayd ee lagu laayay kalgacyo waxaanu leenahay shuhadadaasi rabbi naxariistii jano ha idinka waraabiyo:

Read more of this post

Tacsi Marxuun Cali-marshaal

 Marxuun Marshal

 INAALI LAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN

 ANAGOO AH DHALINYARADA MAGAALADA HARGEISA WAXAANU TACI U DIRAYNAA ALLA HA U NAXARIISTEE AQOON YAHAN CALI GULED ( MAARSHAAL ) OO MAANTA KU GEERIYOODAY DULEEDKA MAGAALDA BERBERA EE XARUNTA GOBOLKA SAXIL.

Read more of this post

Tacsi: Marxuumiintii La Gawracay

inaalilaahi wa inaailayhi raajicuun: Aniga oo ah Mukhtar Muuse Barkhadle (Boon). waxan halkan taci ugadirayaa  afartii nin ee budhcada jidgooyada ay kudileen inta udhaxaysa Dila iyo gabilay.Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo, inagana haynaga siiyo Samir iyo Iimaan: AAMIIN
  Read more of this post

ALLA HA U NAXARIISTO FAARAX CABDILAAHI FARIID

Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca xaaskayga iyo carruurtayda , magaca qooyska reer Caateeye Faahiye iyo  magaca bahda HiilDan iyo AllBoon, waxan ka tiiraanyaysanahay kana tacsiyaynayaa geerida Marxuum Professor Faaraax Cabdilaahi Fariid. Waxa an tacsidan si gaar u gaadhsiinayaa Qooyskii uu ka tegay marxuunku ee London Uk, oo ah reer an lasoo barbaaray. Kuwaas oo kala ah Xaaskiisa DAHABO, iyo carrurtiisa; C/Raxmaan Faarax Cabdilaahi,; Maxamad Faarax Cabdilaahi, Muxyadiin Faarax Cabdilahi; Axmad Faarax Cabdilaahi; Faadumo Faarax Cabdilaahi;  Xaawo Faarax Cabdilaahi; iyo Saynab Faarax Cabdilaahi.

Read more of this post

Allaha U Naxariisto SACAADA YUUSUF CAATEEYE

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN

 

 

Read more of this post

Safiirka Soomaliya U Fadhiya Turkiya, Oo Ka Tacsiyaynaya Geerida Marxuum C/Laahi Oomaar

Tacsidan waxa an si gaar ah u gaadhsiinayaa Wasiirka Arrimaha dibada Jamhuuriyada Soomaaliya, mudane Maxamad Cabdilaahi Oomaar. Waxan ku leehay Sacaadatu Wasiir: Ilaahay Samir iyo iimaan hakaa siiyo geerida ku timid Aabahaagii ad jeclayd ee marxuum Cabdilaahi, isagana haka waraabiyo Naxariistii janno. Halyeey iyo Oday Soomaaliyeed ayuu ahaa oo dalka dhan laga wada yaqaano, taariikhdana wuu ku xusan yahay. Adiguna waxad ku joogtaa raadkiisii, Ilaahayna hakgu asturo xilka iyo masuuliyada ad u hayso ummadda soomaaliyeed oo dhan, bedel khayr qabana hakaa siiyo geerida  marxuunka Aabo C/Laahi.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Dr Hilaal Maxamad Aadan, ayaa isagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timid Marxumm Cabdilaahi Oomaar Cawaale, wuxu u hadalkiisa u dhigay sidatan:  

 

Read more of this post

Safiirka Soomaaliya ee Turkiya, oo Ka Tacsiyaynaya Geerida Marxuun Cabdi Xasan Buuni (AUN)

Safiirka sooomaliweyn u fadhiya waddanka Turkiya  Dr Hilaal Maxamad Aadan ayaa wuxu naga codsaday inaynu tacsi tiiraanyo badan gaadhsiino ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii uu ka tegay marxuun Cabdi Xasan Buuni. Safiirku wuxu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

Read more of this post

Tacsi Cabdi Xasan Buuni(Aun)

From Ojor Family and Bulaale Family

Qoyska Reer Daahir Ahmed Iyo Carurtodu,waxan tacsi tiiraanyo ah u diraynaa qoyska iyo qaraabada iyo dhamaan bulsho weynta somaliland ee uu ka baxay allaha u naxariisto wasiirkii xiriirka golayaasha MARXUUN CABDI XASAN BUUNI oo ku geeriyooday magaalada london ee carriga Ingiriiska,ilahay inaga siiyo samir iyo iman,marxuunkana ilahay janada haka waraabiyo
  Read more of this post

Tacsi Marxuun Cabdi Xasan Buuni: Jaalliyadda Awdal-Pakistan

From: Jaalliyadda Awdal/Salal- Pakistan

Anagoo ah bulsho weynta  jaaliyadda awdal iyo salal ee degen dalka pakistan  waxan tacsi tiiraanyo ah u diraynaa qoyska iyo qaraabada iyo dhamaan bulsho weynta somaliland ee uu ka baxay allaha u naxariisto wasiirkii xiriirka golayaasha MARXUUN CABDI XASAN BUUNI oo ku geeriyooday magaalada london ee dalka england.

Read more of this post

Tacsi: Marxuun Cabdi Xasan Buuni (AUN)

 By Axmad Carwo

Anigoo ku hadlaaya magaca Ururka Somaliland Democracy Shield, waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, tafiirta kale, ehelka, qaraabada, xigaalka, iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Marxuum Cabdi Xasan Buuni waxuu ku geeriyooday magaalada london oo uu caafimaad u joogay.  Marxuumku wuxuu ahaa ruug caddaa siyaasadeed, waxaana uu ahaa siyaasiyiinta fara ku tiriska ah ee ugu da’ wayn dhamaan bulshada af-soomaaliga ku hadasha.

Read more of this post

Tacsi: Marxuum Maxamad Xuseen Samaale (AUN)

Annagoo kala ah dhamaan dadka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday alla ha u naxariistee MOHAMED HUSSEIN SAMAALE ( Barkhad Cas)  oo saaka subaxii ku geeriyooday magaalada Boorama.   marxuumka waxaan eebe uga baryaynaa inuu naxariistii fardowsa ka waraabiyo eheladiisiina samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.
  Read more of this post

Tacsi: Marxuun Farxaan Julian

Ilaahaybaa ina abuuray,dibna waan ugunoqonaynaa. waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan reer axmed judian meelkastooy joogaan iyo hooyadood ,waxaan ka tacsiyadaynayaa geerida ku timid marxuun FARXAAN AXMED JUDIAN oo si kadisa wadnuhu u is taagay kuna geeriyooday wadanka Denmark.
Read more of this post

Tacsi: Marxuun Axmad Muuse Geedi (sanjab)- AUN

 

 

 

 

Anigoo ku hadlaaya magacayga, kan reer Cabdi Carwo, iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte,waxaan tacsiyaynayaa qooyskii uu ka baxay Marxuum Axmad Muuse Geedi(Sanjab). 

Read more of this post

TACSI: Marxuumad Faadumo Ducaale (AUN)

INAALILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJUCUUN Waxaan Tacsi tiiraanyoleh u diraraynaa dhamaan qoskii iyo qaraabadii ayka baxday Habaryar Faadumo Ducaale oo ku geeriyootay Dalka Djabuuti magaala madaxdiisa Djabuuti, maalintii Sabtidii.

Read more of this post

Tacsi: Xaaji Nuur Sugaal

Waxaan  tacsi tiiranyo leh u diraynaa  qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alaha u naxariistee Marxuun Xaaji Nuur Sugaal Geelle Dable  oo 29 Nov ku geeriyooday magaalada Diridhaba. Waxaan illaahay uga baryaynaa inuu ka waraabiyo janadii naxariistii janno samir iyo iimana ka siiyo dadkii uu ka baxay Aamin Aamin . Waa Anagoo kala ah:

Read more of this post

Tacsi: Caaqil Xaashi Dharaar

Waxaan  tacsi tiiranyo leh u diraynaa  qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alaha u naxariistee Marxuun Caaqil Xaashi Dhraar Suldan  oo 30 Nov ku geeryooday magaalada boorama waxaan illaahay uga baryaynaa inuu ka waraabiyo janadii naxariistii janno samir iyo iimana ka siiyo dadkii uu ka baxay Aamin Aamin . Waa Anagoo kala ah: Read more of this post

Tacsi: Cabdilaahi Cali Coofle (AUN)

 

 

 

 

 

Read more of this post

TACSI: Cheif Caaqil Xaashi Dharaar (AUN)

Boorama (Harowo) – Allaha u naxariistee waxa shalay magaalada Boorama lagu aasay Cheif Caaqil Xaashi Dharaar oo ka mid ahaa madax dhaqmeedyada caanka ah ee sida aadka ah looga yaqaannay gobolkan Awdal iyo dalka deriska ah ee Jabuuti.

Read more of this post

TACSI: Xaaji Nuur Sugaal (AUN)

 

 

 

 

 

 

Read more of this post

Xusuus: Fannaan Xasan Diiriye Faarax (Raxmatullaah Calayhi)

Waxa dhawaan geeriyooday fannaankii iyo halgamaagii cuslaa ee ka dhex muuqday fanka Soomaaliyeed muddo aad u dheer. Waa Fannaan Xasan Diiriye Faarax oo aad loo wada xusuusto heesihiisii waddaniga iyo jacaylkaba ahaa ee ku fiday maqal iyo muuqaalba meelkasta oo ummadda Soomaaliyeed joogtaba.
 

Read more of this post

Tacsi:

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Anigoo ku hadlaya magaca reer Abdi Khalif oo dhan waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan reerihii iyo qaraabadii uu ka baxay Xaaji Jaamac Muxumad Cilmi oo wiigan ku geeriyooday magaalada Boorama , waxaan eebe uga baryayaa inuu naxariistii fardowsa ka waraabsho qaraabadiisiina samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.
 
 
Ruqiya Abdi Khalif
Ruqi10@hotmail.com
London Uk

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun – Tacsi

Annagoo Kala ah dadka hoos ku magacaaban kana tirsan Jaaliyada Awdal ee London Uk, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan qaraabadii iyo asxaabtii u ka baxay Jaamac Muxumad oo ku geeriyooday magaalada Boorama ee Awdal. waxaan marxuumka eebe uga baryaynaa inuu janadii ka waraabiyo innagana samir iyo iimaan innaga siiyo. AAmiin. Read more of this post

TACSI

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

 

Dhammaan bahda HiilDan iyo AllBoon.com waxay si wada jir ah uga ticsayaynayaan geerida ku timid marxuumiinta kala ah:

Read more of this post

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

waxaan halkan tacsi tiiraanya leh uga dirayna eheladii iyo qarabadii ay ka baxay SIRAAD DAAHIR YABANE  (siraad cali) oo borama ku geeriyootay waxaan ilahay uga baryaya inuu ilahay najadii fardowsa ka waraabiyo eheladii iyo qarabadii uu ka geeriyoodayna ilaahay samir iyo iiman kasiiyo
magacyada diriya1.sharmarke xaaji xassan xadi
2.maxamuud xaaji xassan xadi
3.cabdiqaadir xassan cabdilaahi
4.maxamed cali ciye
5.hussen kaamil (buuri nacday )
6.axmed c/laahi (oday garbis)
7.ramadan c/raxman faahiye
8.axmed ibraahim farax
9.umalkhayr xaaji xassan xadi
10.muna farax wabariqayaad@hotmail.com___________________________________________________________________________________________

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Dhammaan bahda HiilDanExpress iyo BoonNews, waxay tacsi taas la mid ah gaadhsiinayaan ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Siraad-Celi.  Ilaahay Marxuummada haka waraabiyo Naxariis Janno, dhammaanteena haynaga siiyo sami riyo iimaan.

Waxaynu si gaar ah tacsidan u gaadhsiinaynaa SAMAROON IYO SAMATALIS, oo ah labada wiil ee ka hadhay Marxuumada.

TACSI

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaynu si weyn uga tiiraanyaysanahay ugana tacsiyaynaynaa geerida ku timid walaalkeen Marxuun CABDI BUUX oo ku geeriyooday Djibouti.

Ilaahay korreeye waxaynu uga baryaynaa marxuunka inuu ka waraabiyo naxariistiisii Janno, ehelka, qooyska iyo dhammanteenna innaga  siiyo samir iyo Iimaan.

Waxaynu tacsidan si gaar ah u gaadhsiinaynaa Xaaskii  uu ka tagay marxuunku oo ah ,walaasheen Khadiija Muxumad Sacad, iyo carruurtiisa, iyo dhammaan ehelkiisa.

Tacsidan waxa diraya Dhamman Qooyska reer Caateeye Faahiye, meel kasta oo ay adduun weynaha ka jogaanba.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.