Darbiyada Abbase

 

Boon Yaa Degi Jiray, ka hor reer Boon?. Waa Su’aasha Qarniga, oo waxaynu baadhi doonnaa, qurumihii Boon ku noolaan jiray Sida Derbiga Abbase; Xabaal Ma Guuraha..IWM

Updated:-(Tue.18.Sep.2007)
 

 Borama(Bnn)darbiyada abase waa meel u dhow tuulada Boon oo xaga koonfureed ka soo xigta ilaa qiyaastii 20km waa meel la yaab leh oo ay ka dhisnaan jirtay magaalo waa hore duntay oo laga yaabo in inta hada laga maqan yahay ay ka soo wareegtay dhawr qarni shalay mar aan halkaa booqasho ku tagnay aniga iyo koox ka socotay TV-ga Alcarabiya ee wadanka Imaaraadka xaruntiisu tahay waxaan ku soo aragnay dhismayaal burburay oo ka ugu roon dhawr darbi ka taagan yihiin dhismahaas oo na loo sheegay in uu ahaan jiray masaajid, inkasta oo aanay jirin wax taariikhda magaaladaa loogu magac daray darbiyada abase aanay jirin waxa ay u baahan tahay wax daah roga taariikhda faca wayn ee halkaas ku duugan, waxaa kale oo xusid mudan in ay dhismayaasha badankooda ariyeen geedka Tiinka loo yaqaan oo ay Boon iyo agagaarkeedu caanka ku tahay hadaba waxaan codsan lahaa cid kasta oo taariikhada meeshaa ku jirta gacan ka gaysan karta waxaan u soo jeedin lahaa in ay meesha wax ka qabato waxaa dhici karta in laga helo waxyaabo muhiim u noqon kara taariikhda gobolka iyo dadka deganba.

   


                     

One thought on “Darbiyada Abbase

  1. Taariikhda darbiyada BOON
    Waxaa jirta in aay jiraan ,magaalooyin burbursan oo dadku rumeysan yihiin ina ku nolaayeen dad la rogey,waxaa la yaqaan magaalooyinka ,darbiya ama xabaal ma guraan , waxaa ka mid Abase ,camuudii hore (old amoud)
    mid quljeed u dhow oo aan magaceeda maqal iyo to aw barre kutaal
    ta kaliye ee aan tagey waa ta camuud , OO leh masaajid sida ta Abase oo kale ,
    markaa waxaa la helin karin alaab aaydadkaasi isticmaali jireen, waayo somalidu waa reer guraan , waxa jajabiyey xoolah ee aay meelahaa ku egaan ,aan soo qaadano abase .magaca abaze waa magac xabashi , oo ah (habbasa(habasha),abasa, ama basiiniya, oo intaba la odhan jirey maga maanta loo yaqaano Ethiopia .
    waxaa kaloo ugu dhow iney ka timidey anbase , (libaax) oo ah afxabshi,taas waxaa ka maran kacay ,in meesh aay ku noolaayeen libaaxyo , markii dabe aay aay iskuge tageen buurta aan u naqaano libaaxley .
    markaa magaalooyinka waxaa loo qondeeyaa iney ahaayeen meel laga dhoofin jirey dadkii afrikaanka ahaa ,oo aay carbtu dilaal ka ahaayen
    si kasta waa jecalhay tariikh in baadho , laakin dadka aan aqoonta laheyn waa inloog digo iney galaan ama aay baadhaan
    waxaa arkey sanadihi ina soo dhaafey dad badan oo aayaqoon u laheyn baadhitaan macdanta oo ah khatar in dad aan aqon laheyn isku dayeen ,
    maah maah english ah ayaa tidhaahda every thing gliter is not gold
    markaa dadka meelah tagayaa waa ka taxadiraan
    Geologist Adam aw cali Masheye

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

Gravatar
WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s