
ADO HOLLAND ( Awdal Development Org ) waa urur samofaleed oo ka hawlgala Gobolka Awdal iyo Salal Xaruntiisuna tahay Magaalaada Amsterdam. Ururka ADO HOLLAND wuxuu horey uga qayb qaatay dhowr mashaariic oo laga fuliyay Gobollada Awdal iyo Salal, mashaariicdaas oo u badnaa dhismayaal ka koobnaa dugsiyo ,xarumo caafimaad iwm. Iyadoo intaasna barbar socdaan wacyigalinta mujtamaca iyo baraarujinta sidii ummadu gacanteeda iyo kaskeeda ay u kaashanlahayd.


Hadaba Dhawaan waxaa booqasho ku tagay Gobolka Awdal iyo Salal gudoomiyaha Ururka ADO HOLLAND Xasan Giire
ujeedada booqashadiisa oo la xidhiidhay in la kordhiyo samofalka wixii daboolaya baahida aan kor ku xusnay
taas oo URURKA ADO HOLLAND uu go’ aamiyay in la dhiso dugsi lagu barto adeega xirfadaha farsamada Gacanta oo dabooli doona baahida mujtamaca ee mustaqbalka Labada Gobol sida:
- Farsamada aalada casriga ee Computerka qaybihiisa kala duwan
- Xirafada Kal-kaaliyayaasha Caafimaadka iyo Gurmadka degdega iyo Shaybaarka
- Tababarka macalimiinta Waxbarshada aas-aasiga ah
- Tababarka farsamada Dhimayaasha :
a) Nijaarada ( fundiga)
b) Wastaadka
t) Ranjiga iyo qurxinta guryaha
j) Qasabadaha ( tuumbooyinka )
x) Dabka qulqula ( Korontada )

Iyo wixii macquula ee kor u qaadaya aqoonta farsamada gacanta si qofku uu sacabadiisa uu ugu dhargo uuna ugu faa’iidaynlahaa mustaqbalkiisa iyo ka deegaankaba. ADO Holland waxay wada shaqayn ka dhaxaysaa lana shaqayn doontaa hay’adaha wadaniga ee dhamaan ka hawgala jamhuuriyada Somaliland.
Ujeedada ADO HOLLAND
Ujeedada ADO HOLLAND waxay ku aroortaa hortuumarinta iyo kobkicinta horuumarka Labada Gobol.
Waxay kaloo ay rajaysaan in Dhismaha Dugsan cusub ee farsama gacanta ee degmada Boon uu dabooli dooni isla markana kaabi doono danta iyo baahida loo qabo barashada xirafadaha farsamada gacanta ee Wadar iyo waaxba.

ADO HOLLAND waxay kaloo ka codsanayasa kuna buurinyasaa inta cilmiga iyo caqliga Illaahay ku manatsay inay
garab galaan dhismaha iyo isticmaalka dugsiga cusub ee farsamada gacanta ee Degmada Boon.

Sidaa iyo wada shaqayn wacan. ADO HOLLAND waxa soo dhoowaynaa cidii nagu soo kordhisa wixii talo iyo tusaale ah
wixii faah-faahina waxaad kala xiddhiidhi kartaa cinwaanka shabadkada ADO HOLLand.
http://www.awdaldev.org
awdaldev@hotmail.com
Coordinator ADO Holland
Cabdilaahi Mohamed
giire_5_9@hotmail.com
awdaldev@hotmail.com
Coordinator ADO Holland
Cabdilaahi Mohamed
giire_5_9@hotmail.com
salaan qaali ah waxaan salaamaya dhamaan umada muslinka gaar aahaan reer boon ha uhoreeyoo sh_axmed iyo mahad irije iyo akhyaart udhalatay degmada boon iyo umada rrer boon ah ee qurbaha joogta rreer boon gaar ahaan kormeere boon soley pr_cabdilaahi axmed cabdilaahi(lahiye)
hanmalyo waxaan aad ugu hamalyaynayaa dhamaan umada muslinka meelkastooy joogaan gaar waxaan salan qiimo badan aan salaamayaa wixii ku aftirsada magaca boonsoley waxaan si qiimo badan aan u salaamayaa maamulka hirgaliyay dugsiga farsamada gacanta mr xasan iyo cumar waxaan leeahay hambalyo aad baad ugu mahadsantihiin hindisaha dhismaha degmada boon aad keenteen waxaan leeahay ilaahay wax kasta khayr haka dhigo insha alah waxaan leeahay mahad naq pre mahad irije cabdilaahi byyyyyy mahad sanidiin dugsiga farsamada gacanta ee degmo boon soley byyyyyyyyyyyy
ciid mubaarik waxaan halkan hambalyaynayaa dhamaan umada muslinka meelkastooy joogto gaar ahaan reer boon sxb faysal cismaan fariid iyo amiin xasan awnuur waxaan lee ahay aad ayaan idiin ku hambalyaynayaa ciid wanaagsan dhamaan farxad haku ciidaan umada muslinka meelkastooy joogto allaahu akbar alaahu akbar kabiiraa byyyyyyyyyyyyyyy mahad irije boon soley salaan hiildan yare