Hays Caawiso

Taariikhda Boon oo Ka bilaabanta Mabda’a HAYS CAAWISO (Iskaa Wax u qabso) ayaynu halkan ku kaydini Doonnaa:

__________________________________________________________________________________________________

Bisinkiyo Yaasiinkiyo, Burdahiyo Alacaanka

Britain anoo jooga, Baddana ka tallaabay
Baroor inaan soo diraa, waa ila Boholyoowe
Booneey Baaqbaanse, Baalkan ku xusayaaye

Badweyn weeyi Dunidani, Baaxaa dagiye
Bar ay ku butaacdiyo,waa meel ay babisaaye
Boqor kii ahaan jirayba, mar buu quutaa Bidhiiqe

Baladka ad ku nooshihiina, Barakaale weeyiye
Budka ragbaase idiin sida, ahna Biidhi qaatayaale
Bara kiciinana ka taliyoo, Badhkiina iibsadaye

Boodh Bakhtiyaybuu, Fule baqayay baadhbaadhaaye
Dabadeena Maro cayno badan, Bir ugu taagaaye
Bulshaan nahaye yidhaahdaana, Biloow i dhaha’e

Beeshii Israacaay, kala jab baa laydin Badayaaye
Baylahdiyo dhibtiinaana, Hargaysa lagu Biiliyaaye
Booramaana idin gabtoo, Boqnihiina gooysaye

Bahaayinkuba wuu arkaa, Bacadka loo galaye
Balag dadse loo lulo, waad ka Buruud Sarraysiine
Been Dawlad badanina, Ballan Eebana ka Baxdaye

Mar haddaan Qumbulud Buuran, laydinku Bug siinaynin
Barbarana la wada yahay Itaal, Bawdiyo cududba
Baabahna ad ahaanayn, tii Billaahina tahay Baaqi

Maamul madax Bannaaniyo, Muslinimo ku Baana
Bilaaba Ha is Caawiso, oo Bi-idmilaahi Kariima
Bisinkiyo Yaasiinkiyo,  Burdahiyo alacaanka

Burjiga cuskada Ilaahay, waa balaayo xijaabe

Cabdiqani Suldaan Yuusuf – London, UK

 

______________________________________________________________________________________________________

 

 

One Response to Hays Caawiso

  1. Waxaan aad u jecelahey,taariikhda Boon .markaan maqlo ,waa magaalo Markaan weydiiyo abaahey aw calo masheye ,wuxu ku sharxi jirey , waa magaalo hawo leh,oo wanaagsan ,dadka mar uu soo maraa waxay yidhaahdaa ,ma magaalda solowga macaan,ilaa yaraateeydii waxaa ka xausuutaa , dadka reer boon oo aad jecel falsafada , oo ku kaftama suuqa dhexdiisa , iyaa cidkastaa aay qosol ku jirto .anigu waxaa ugu jeclaa yaraateeydiin , markaa nanac baabur iyo nacnaca diyaarad ka soo iibsado ,tukaanka aw xassan andaad,ee habeenkii ka qeyb galo ruwaaday uu saleebaan aw adam jaamac soo diyaariya , isagoo matalaya madaxa ardeyda camuud,
    boon waxay soo sartey faniin waaweyn , aqoon yahan no
    markaa aan ka iimaado kalmada iskaa wax u qabso , (ha is caawiso )
    iyo masaabiirta loogu baabuurta ,mar aay reer boon mudaharaadeen , oo abaabey aw cali masheye ku difaacay , ma made in england baa mise waa waa made Boon , Isagoo ku difaacayey boon
    labada aay magaaladu caanka ku tagey waa soleyga iyo boon oo ah caasimada jarmalka

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.