AllBoon.com

I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!

Dusiga Sare Boon

Dugsiga Sare Boon ayuu boggani ku kooban yahay.

Dhamaan waxan salaamayaa una hambalyaynayaa, una mahad naqayaa, dadka sida degdega badan uga soo baxay hawshii (Boon high school), ama Boon ha is caawiso. Waxan mar labaad xusuusinaynaa dadka ay wali u dhimantahay hawshani inay cagta horay u soo qaadaan, Hadaan farwaawayn wax idiinku qoro sidaan horayba u sheegnay, waxaa jirtay in dugsiga sare ee Boon lacag loo ururinaayey. Hase ahaatee ay dad badani weli dhiman yihiin, taasoo loogu talogalay in cid kasta oo Reer Boon ah amase cidii danaynaysa hawlaha caynkani oo kale ah ka qayb qaataan.

Dugsigan oo uu marhoreba inoo bilaabay muwaandin Reer Boon ah – Idiris M Sacad -badhtana dhismihiisu marayo, ayaa luugu talo galay inay dhisaan dhamaan reer Boon inta dhiman.

Hadaba, waala ogyahay qofkasta oo Reer Boon ah, halka uu joogo iyo wuxuu hawshan ka qabtay. Maahmaah Soomaaliyeed oon u malaynaayo inuu dumarku uuni ku maahmaaho ayaa waxay tidhaahdaa “nin fadhigaaga arkaaya looma sarakaco”. Hadaba, waa la’inii sarakacay walina waa la’idisugayaa.

Waxan waliba idin ogaysiinayaa qofka waajibkan ka soobaxa taariikhda Boon baaldahaba ayuu kaga qoranyahay, halka ka kale ku qormi doono gidaarka dhooqada leh. Waxa kalooy Soomaalidu ku maahmaahdaa “waxna lana yidhi waxna la noolaab). Hadaba waxla inni yidhi oo waa la inni bar yayaa waxna la idiin laab yoo markaad Boon dalxiis u tegto warbaa kuu yaala, waa hadaanad dowga fiican soo marin.

Ciddii imikaba odhan doonta “dhow dhowda naagaha carbeed dhegaba ma’ anaa uleh”, balan waxaan ugu qaadayaa inaan gacantayta ku qoridoono (position) ka aw kaga jiro taariihkda Boon (GOOD OR BAD).

Midakale marka an leenahay Reer Boon ma’aha micnuhu cidii  ku dhalatay ee waa cidii u dhalatay oo dhan. Waxa kale oy arintani khusaysaa dadka gobolka dega oo dhan maxaayeelay anaguba waan tageernaa wixii gobolka looga baahanyahay oodhan (from Saylac to Gabilay)

Mahad gaar ah waxa leh kuwii mar horeba qayb libaax ka qaatay howshan, iyaga oo waliba ku faraxsan school ka Boon loo dhisayo, waxaanan leehay sedan:

Wuxu daayin noo dhiibay iyo deeq dii waan bixinay
Degdeg bay udhiibeen farxadna waykudarayaane
Dugsigiina wuu taaganyahay door yar oo dhowe
Xafladiibaan dubaanka u sitaa daarta lagu furayay

America dadbaa iga jiriyo doorkii madaxdiiye
Canadana madaalooyinoow deeqsiyada joogi
Waxadunida yaaloodhanbay soo daldalayaane
Dul ahaanba reer Europe dhankoodaan kudiirsadaye
Haye inoo dalbaadega reer Boonoow waadamaashaade

Darfaheeda Asia badh baa doonyo soo wada’e
Africana dabbaa iiga baxay caawimaad diiran

Australia ayay duhurbaxsheen kumano duuduuban
Allaa yacisak (Ibraahin Rooble Barre)
Dadku Xasan haday wadayihiin waan degi
lahayne-(Xasan Muuse Subagle)

Duunyo kuma bakhayloow Idiris baa
igajira dalalbarwaaqeedka (Idiris Muxumed Sacad)
Boon buu udiranyahay dhamaan dahabka carabyaali!!!
Dixgudban illaacaalbaxay halkuu dawgu kagabiiro
Daddabyada biilalay aashacadadii midhuhu daadanayay
Gumburkacad haduu damo habeen dayaxa loobaahan
Dumarkii mashxarad buu ka kacay wali daryaamaysa.

Aradada dareemada leheen caguhudiidaynin
Ingiriiskuba halkuu doortayuu yidhi anaadegaya
Lagawada digtoonaadayee Aaqilidu diiday
Dushii Buurlibaaxlay qofkii daanta sare gaadhi
Wuxuu daa wanaayaa intay dunidu leegtahaye.

Durdurkii Xaliimaale iyo dooxadii Badanbed
Dowga Jiifka dhaa dhaca halkii Dahabka laga qodayey
Weeraarta dalageeduyahay mid andib ugudhiganay
Huubaaluhuu daaqijiray Gaalayagu dayrta
Dad intiikatimidbaa dhamaan darifyada is haysta

Reer Boon dadaalkay udhasheen waadad igayaabshay
Darandooriyoon ficilka gabin da’aykajoogaanba
Wanaagana uwala dabacsanoon kaladanbaynaynin
Midkaan dollar bixinaynin een dibadahanijoogin
Isagubadamaan buu u huray dugsiga inuubuuxsho.

Magacana midbaa udooranoo doodi kama taagno
Wanqashuna duleedka ugu xidhan way udiyaar sheene
Dayr adagna waaloo dhisiyoy cidi daraanjayne
Shimbiraha dullalaayina salaanbay ugudarayaane
Dugsigii Isniinoow hadumin daayin abidkaaba.

Door hore digniintaan baxshiyo sidaan dardaarweriyay
Dawgii Isniinoow haqaban danyarahaa liita
Isagaaba soo diri markuu dollar soogalo’ e
Dibna ulama dhacyoo ilayn waadundtii boone
Ducadana usoo mara inuu Daayinku u dhiibo

Amiiiiiiiiiiiin.

Dadka kuwaan degaan wadagaleen daaqsinta ku kulano
Ama’aan tol nimo daayiniyo diirwadaagayno
Doqon baan walaalkeed ogayn maalinta udarane
Isagaba daraatay utaal barina way u danbaysaaye
Damalana hanoqotee waxay deeq ubixiyaani
Kolay kamadaraayee waa abaal daaqada u yaale
Iyagana diyaar baan u nahay kii damqanayoodhan.

 
Ilaliqa

Isniino Maxamed Sacad

Email: isniino2@hotmail.co.uk

 

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>