AllBoon.com

I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!

Ujeeddo

Waxay Boon Ku tidhi, Ayaan ku Nidhi:  Waa halhays Caan ah oo laga yaqaanno Gobolka Awdal iyo gobolada Woqooyi Galbeed ee Dalkaba.

                                           

Shabakadani waxaynu idiinku sheegaynaa, wixii ay boon idin tidhi.
  • Wararka Boon
  • Taariikhda Boon
  • Aragtida Boon
  • Aqoonta Boon
  • Abaabulka Boon

Waxaas oo wada Boon ah ayaad halkana ka heli Doontiin.

Heesta i Daayaay, Boon i Deeqdaye

Baydka Koowaad

 

Barbaartii An la koray iyo

Bahdaydiibaa ku nooloo

Kama baaqani karaaye

 

Habeenkii waan u balweeyaa

Hurdada waan uga boodaa

Markaan soo baraarugana

Billaahi waan u booyaaye

 

Bulshayahay i daayaay

Bal i daayaay ,

Bal i daayay, i daayaay

Boon i deeqdaye

 

Baydka Labaad

 

Baraar iyo ruuxii caqliga

Bahaayinka la siiyaa

Billadahooda garanine

 

Bullaalle Booramiyo

Khadiijadii Balwiyo

Bisadeeye waa dadkaygoo

Billaahi waan Boqraayee

 

Bulshayahay i daayaay

Bal i daayaay

Bal i daayaay, i daayaay

Boon i deeqdaye

 

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

One Response to “Ujeeddo”

  1. ASALAAMU CALAYKUM
    walaal marka hore aad ayaan inii soo salamayaa . waxaan aad ugu bogay shabakadan ALLBOON , waxay noqon doontaa insha alaahu tacaal shabakad dib u soo celisa hab dhaqankii boon iyo taariikhdii boon ee la aasay. {WIXII QORAN ABAA QURUUMO HADHEE MUXUU HADAL QIIMO LEEYAHAY}aad ayan inii salamayaa
    waa walaalkiin
    omar ibarhim adar
    amstardam
    holland

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>